Bakooro (Glaucoma)

Cudurka Bakoorada
Waa maxay bakooro?
Bakooro waa cudur raaga oo indhaha haleela , kaaso dhaawac u geysta dareenwadaha isha. Damaqeenka ishu wuxuu xogta aragga ee isha geeya maskaxda si ay ugasoo warceliso. Bakooraha wuxuu badanaa ka dhashaa sara-ukaca cadaadis gudeedka isha (intraocular pressure). Cadaadis gudeedka isha caadi ahaan waa: 10-20mmHg, halka bukaanka bakooraha qaba lagu qiyaaso wax kasareeya 25mmHg.

Jaadadka Bakooraha
Waxaa jira 2 jaad oo waaweyn, waxayna kala yihiin:- Bakooro xagal-furan ( raaga), jaadkani malahan summado iyo astaamo marka laga reebo aragluminta soo jiitanta. Jaadkan ayaa loo tixgeliyaa in uu yahay xaaladda ugu badan ee lala kulmo. Bakooro xagal-xiran (soobooda) : haddii qulqulka dheecaan biyoodka ishu xirmo waxaa isha gudaheeda ku bata dheecaanka kaas oo keena sara-ukaca cadaadis xooggan, xanuun badan oo degdega ah, taasoo bukaanka degdeg loogu arko summado ay kamid yihiin indho xanuun daran, lallabo, matag, indho casaad iyo aragga oo isku darsama. Haddaad isku aragto astaamahan degdeg u gaar xarun caafimaad si laguula tacaalo.

Jaadadka kale ee Bakooraha
Bakoore dhallaan (Congenital glaucoma): jaadkani waa mid lagu dhasho, wuxuu leeyahay summado ay kamid yihiin illin badan, dhibsashada ifiinka iyo indhaha oo har yeesha.
Bakoore labaysma (Secondary glaucoma): bakoorahan wuxuu yimaada ka gadaal xaalado kale oo isaga ka horreeya sida caadka indhaha (cataracts), burada indhaha.
Sidoo kale dawooyinka iyo qalliinkuba way keenaan noocan ama jaadkan.
Bakoore giig-saxan (Normal tension glaucoma): bukaanada qaar ayaa qaba bakoore uu saxan yahay tirsiga cadaadis-gudeedka isha, lama oga waxa keenay bakooraha jaadkan balse marmarka qaar ayaa loo tiirayaa sababo ay kamid yihiin qulqulka dhiigga oo hoos udhaca.

Maxaa keena Bakoorada?
Qolka dambe ee Jir ganlaha isha (ciliary body)  ayaa lagasoo daaya dareere cad oo loo yaqaano dheecaan biyood, dheecaankaas ayaa la keena qolka hore ee isha, kadib ayaa laga siidaaya kalliis(channel) udhexeeya quruxa(iris) iyo wiilka isha(pupil), haddii kalliiskaasi xirmo ama qayb gufaysmo, waxaa kor-ukaca cadaadis-gudeedka isha kaas oo dhaawaca damaq-wadaha isha  (optic nerve), markuu dhaawacu isasoo taro, bukaanku wuxuu bilaaba luminta aragga.

Waxyaalaha kale ee keeni kara bakoorada waxaa kamid ah:-
Qulqulka dheecaan biyoodka oo yaraada.
Qaadashada dawooyinka Koortiko istiirooydhiska.
Qulqulka dhiigga isha oo hoos udhaca.
Dhiigkarka ama cadaadiska dhiigga oo kaca.

Daryeelka
Ma jiro wax la xaqiijiyay oo lagu baajin karo bakoorada. Haddii la dareemo cadaadis isha ku soo kordhay oo goor hore la daweeyo, waxay taasi yareyn kartaa luminta aragga waxana ay baajin kartaa indho-la’aan. Waa in indhahaaga ha laguu eego oo ha laga baaro bakoorada ugu yaraan shantii sannadoodba mar Haddaad 40 gu’ kor udhaafto. Haddii tirada cadaadiska ishu ay sare u soo kacdo, waxa aad u baahan doontaa in laguu sameeyo baaritaano indho oo intaa ka badan.

Siyaabaha lagu yarayn karo saru-kaca cadaadis-gudeedka isha:-
Samee jimicsi joogta ah oo nabdoon.
Cun oon caafimaad leh sida cagaarka ama khudaarta.
Yaree cabidda Kafeega.
Ogow sooyaalka qoyskaaga iyo in ay qabi jireen bakoorada.
Hadday warcelintu tahay “haa” uqaanshayso isbaaris indheed joogta ah.
Xiro qalabka indhaha markaad dheelayso ciyaaro ay suurtagal tahay in isha dhaawac soogaaro.

Daaweynta
Bakoorada lama bogsiin karo isla markaana dhaawaca ay keento lama tirtiri karo. Balse cadaadiska isha ayaa la yareyn karaa waxana la badbaadin karaa araga haray si aanu u lumin. Goojada (dhibco isha lagu dhibciyo) ayaa ah daweynta ugu horeysa ee ugu caansan ee lagu daweeyo bakoorada. Daaweynta kale waxa kamid noqon kara dawooyin afka laga qaato, daweyn la adeegsanayo laysar (laser) ama qalitaan. Marka aad qabtid bakooraha, waa in lagu daweeyo inta ka hadhay noloshaada oo dhan.

WQ: Dhakhaatiirta ay kamid yihiin:-
1. Dr. Abdirahman M.Yusuf (Geyllan)
2. Dr. Jama Mohamud (Sacad)
3. Dr. Cumar Cali
4. Dr. Shaafici Abdirahman

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *