Soso

Xarafka -C-

Erayada ka bilowda Xarafka -C- ee Afkeena Hooyo

Carrab-laalaadin: J. carrab-jalqin : rajogelin.

cagataalleyn: J. cagajiidid, ka gaabsi: diidista arrin ka hadlideed ama qabashadeed; Gawsoqabsi.

Xarafka -SH-

Erayada ka bilowda Xarafka -SH- ee Afkeena Hooyo

Shawl: biyo-kabinta qof aad ujirran la kabiyo ama la waraabsho.

Xarafka -S-

Erayada ka bilowda Xarafka -S- ee Afkeena Hooyo

Sara-kac: J1. soo fariisashada qof jiifa soo fariisto.
J2. soo fiicnaansho qof bukaa soo fiicnaado; soo xafaaroobid.

Xarafka -R-

Erayada ka bilowda Xarafka -R- ee Afkeena Hooyo

Riiq: M1 Orod bardhammeedkiisu fog yahay oo adkaysi badan ubaahan; Riir.
M2 2.1 iligga intiisa cirridka ku duugan. 2.2 Birta faaska inteeda dhuuban ee daabka ku dhexgesho.
M3: 3.1 cajiimidda daqiiqda ama burka. 3.2 dhuxul riiqidda ama budlinta si khad looga dhigo.