Jaadadka Ceelka
- Ma’wi: Ceel biyo badan
- Mataan: markuu Af yaryahay Ase hoos udheeryahay
- Goof: Ceel maran ama biyo yar
- Laas: Ceel biyihiisu dhawyihiin, inta ay roobabku geliga ku dambeeyaanna xoolaha laga waraabsado.
Maahmaahyo :
- “Ceel nin galay baa laga wareystaa”.
- “ceel biyo lihi ma foga”.
- “Cidna uma maqna, Ceelna uma qodna”
Gabay
🔵Markuu duraha jiilaal koco, oo doogga la idlaysto
🔵Duurkiyo dayada hawd, markii damac kusoo jeesho.
🔵Laaskuu ku dalandooli jiray , loogu degi waaye
🔵Alla daw-guduudii wardheer, kama durduuraane
🔵Dawadeedu waa jeelinley, uga dulgeeraare
🔵Ceelkii biyaha diiranaa, looma dawdamo e.
🔵Dixda qarandi, deerooy mataan, loo dardari waaye.