Ceel

Jaadadka Ceelka

  1. Ma’wi: Ceel biyo badan
  2. Mataan: markuu Af yaryahay Ase hoos udheeryahay
  3. Goof: Ceel maran ama biyo yar
  4. Laas: Ceel biyihiisu dhawyihiin, inta ay roobabku geliga ku dambeeyaanna xoolaha laga waraabsado.

Maahmaahyo :

  1. “Ceel nin galay baa laga wareystaa”.
  2. “ceel biyo lihi ma foga”.
  3. “Cidna uma maqna, Ceelna uma qodna”

Gabay
šŸ”µMarkuu duraha jiilaal koco, oo doogga la idlaysto
šŸ”µDuurkiyo dayada hawd, markii damac kusoo jeesho.
šŸ”µLaaskuu ku dalandooli jiray , loogu degi waaye
šŸ”µAlla daw-guduudii wardheer, kama durduuraane
šŸ”µDawadeedu waa jeelinley, uga dulgeeraare
šŸ”µCeelkii biyaha diiranaa, looma dawdamo e.
šŸ”µDixda qarandi, deerooy mataan, loo dardari waaye.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *