Dhanjaf ama Goonjab(Migraine)

Qeexidda macnaha:

Goonjabku waa madaxwareer darnaanshihiisu kala duwan yihiin, kaas oo badanaa wata lallabo iyo dhibsasho dhanka iftiinka iyo qaylada ah. Sida magiciisa ka muuqata , dhanjafka ayaa lagu yaqaanaa wareer-garaac boodboodis ama dhagdhaglayn hal dhinac ah, garaacaas oo darnaanshihiisu ku kala duwan yahay bukaanada dhexdooda.

Keenidkasmo (Etiology)

Bukaanada 70% madaxwareerkan hiddo ayay uleeyihiin, oo sooyaalka qoyskooda markii dib loo raaco waxaa laga helayaa in badan oo qabtay dhanjafka. Balse waxaa jira waxyaabo kaakiciya dhanjafka marka lagasoo tago hiddaha, kuwaasna waxaa kamid ah:-

  • Asqowga ama soonka
  • Hurda yarida ama dhafarka oo la caadaysto
  • Walaaca iyo walbahaarka badan
  • Isbedelka cimilada
  • Isbedel Geedsheed (Hormonal change) oo ku dhaca dumarka, sida: caadadhiigga, Qaadashada dhambaalshe (tuse : dawooyinka uurdiidka OCP).

Jiroolxumokasmo (pathophysiogy):

Qaabka uu jirku u xumaado xanuunkan si fiican looma fahmin, balse waxaa jira qodobbo ka qaybqaata samaysmidda iyo darnaanshaha dhanjafka, waxaana kamid ah:

  • FIrfircaynta iyo daarista Qaatequlshayaasha maskaxxuubeedka (meningeal receptors) sida xiddodaarka baduugodameedka (neuropeptide) tus. Walaxda P.
  • Xiddogaaxa sida xididgaaxa batdhaseedka (intracranial dilatation) dhuumaha dhiigga gaar ahaan maskaxxuubaha.
  • In la caynaanin waayo xanuunka habdhiska sedlakabliska (trigeminal system)

Astaamaha xanuunka:

Dhanjafka waa mid soo laalaabta , wuxuuna u dhacaa laba qaab:

  • Dhanjaf guullalow leh ( migraine with aura) wuxuu haleelaa 25% bukaanada bugtadaan.
  • Dhanjaf guullalow la’ , oo haleela 75 % bukaanada qaba bugtadaan.

Dhanjafka caadiga ah wuxuu maraa 4 heer , gaar ahaan markuu guullalow wato:-

  1. Kal Kulaal-kahor (prodrome): kalkaan waa marka uu soo hayo madaxwareerku bukaanka wuxuuna leeyahay sumaddahan:
    • Muddadu waa 24-48 gooshood ama laba caanamaal ka hor intuusan qaban madaxwareerku.
    • Halooqood saa’id ah
    • Oonxumo ama baahi degdeg ah
    • Akhris iyo qoraalka oo ku adkaada
    • Dabeecadda oo isbedesha

2. Kal Guulallow

Guulallowgu waa summado dareen (sida dareen damaqkaseed, mid caldhiciireed  [gastrointestinal] iyo mid iswadeed) kaas oo haleela bukaanka madaxwareerka kahor (ama inta uu hayo madaxwareerkuba sida lagu arkay bukaanada qaar)

Guulallowga caadiga ah summadihiisa waxaa kamid ah:-

  • Khalkhal aragga ku yimaada kaas marmarka qaar bukaanku si cad arki waayo bar ama jeex kamid ah walxaha uu eegayo markaas taas oo loo yaqaano Shiirad. Summadaheeda waxaa kamid ah:-
  • Shiirad dhimbileed (Scintillating scotoma): shiiradowgaan waa in uu bukaanku barta maran ay geesaha ka dhimbilowdo iyadoo usamaysmata qaabka qaansada , dhexda ka bilaabata dhinacyada ku idlaata ( 15 illaa 30 mirir ayay kusoo baxdaa).
  • Shiirad xudumeed
  • if bixidda

3.Kal Madaxwareer

  • Booska: madaxwareerkan badanaa waa haldhinacle balse bukaanno tira yar ayaa lagu arkay in uu kahaleelay labada dhinacba.
  • Mudada: mudada uu hayo madaxwareerkan qofka waa 4-24 gooshood (si naadira wuxuu ugaaraa illaa 72 gooshood)
  • Habka: habka uu madaxwareerku udhacayo waa garaac isdaba jog ah boodbood leh , dikaamaya ama dhagdhaglaynaya.
  • Summadaha: sumaddihiisu waa ifdhibsasho, dhawaqdhibsasho lalabbo ama matag.
  • Wuxuu kaga sii daraa markii uu bukaanko hawl qabto, ama jimicsado

3.Kal kulaal-kadib (postdrome): kalkaan wuxuu leeyahay summadahaan:-

  • Daal ama firfircooni saa’id ah middood
  • Murqo laciifid
  • Oonxumo (anoroxia) ama cuntorabis daran middood

Daaweynta

Daaweynta dhanjafka si guud heerarka bukaanada ayadoon lakala qaadin waxaa kamid ah:

  • In layareeyo cariska (tus. Iftiinka , qaylada) iyo waxqabadka.
  • In la daweeyo lallabada ama matagga , haddii bukaanku leeyahay waxaa lagu daweeyaa:-
  • Baanxididayn Hoore (IV fluids)
  • Xididkasiin Lid-matag (Tus. Metoclopramide, prochlorperazine).

B. Madaxwareer laciifa illaa heer dhexe

Heerarkan waxaa daliigta koowaad ee daawaynta u ah: NSAIDs, acetaminophen, acetylsalicylic acid ama iskudar uu kujiro caffeine.

T. Madaxwareer dhexe illaa heer daran

Heerarkan waxaa lagu daaweeyaa:-

  • Xididkasiin Lidloofaxrabool (antidopaminergic)
  • Metoclopramide
  • Prochlorperazine
  • Kuwa ugaarka ah Dhanjafka triptans (e.g., sumatriptan) OR ergotamine; ha iskudarin dawooyinkan marnaba.

Gabadhaha uurka leh badanaa iyaga dhanjafkoodu ma darna , taas oo micneheedu tahay in aysan u baahnayn wax dawo ah  , inkastoo marwalba dawooyinka ay qaataan haweenkaasi marwalba aad looga taxadaro maadaama ay saamayn xun kuyeelan karaan ilmaha uurkujirta ah. Hadaba haweenka uurka leh oo qaba dhanjafka waxaa lagula tacaala hababkan;-

  • Ka fogaanshaha waxyaabaha cariya dhankafka sida iftiinka , qalyalada iyo waxqabadka.
  • Badsashada biyo cabidda
  • Nasasho badan iyo samaynta hab neefsasho qotodheer
  • Hurdo kufilan seexasho
  • Is-toobid

Haddii la tacaalistu wax tari waydo markaas waa in loo qoraa dawooyin aan wax udhimayn uurka, madaxwareerkana jabinkara.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *