Ariga iyo waxtarkiisa

Qaybta 1aad ee Idaha


Ariga wuxuu kamid yahay saddexda meesi ee ay soomaalidu si weyn udhaqato . wuxuu ukala ubaxaa Ido iyo riyo (sidoo kale aricad looyaqaano). guud ahaanna dunidoo idil waa laga dhaqdaa , waxaana loo dhaqaalaystaa hilibkiisa , caanihiisa, haragiisa iyo dhogortiisa dirkaba.

Markay arrintu soomaalida iyo dhaqasha ariga joogto, waxaa jira arimu uu xoolaha kale dheeryahay oo tarankiisa degdegga ah ugu weyn yahay. Shan bilood oo kaliya ayuu qaadaa (sidkiisa), halka geelu uu 13 ka qaado, lo’duna ay sagaal ka qaado.
Xilligii la joogaba arigu waa saad aan sahal ku idlaan, jilaalka ayay reer miyigu inta qashaan kusoo barbaxaan. Dayrta ama guga markii inta badi udhalo oo inta nurku samaado la caanodiidana, orgidiisa yaryar iyo baraarkiisa ayay birta saaraanoo dhayladooda ka haagaan, markaasay yar iyo weynba faraha dufan ku yeeshaan. caanihiisa ayay dhay, suusac iyo garoorba ku dhammaanoo carruurtana ku korsadaan, waa lalushaa oo burcad iyo sixin farabadan bay kala soo baxaan, kuwaas oo ay jiilaallada ukaydsadaan, si ay badarka ugu iidaantaan.

Dhinaca kale halka ay adagtahay in hal ama awr qofku keligii qasho, arigu waa ka hawl yaryahay oo qof kaliya ayaa rida ama wanka gowrici kara, haraga ka bixin kara, dabadeedna intuu hilbihiisa googooyo karin kara amaba soli kara.
Fudaydka loo shafeecsado isaga oo ka hadlaaya waa tuu Sayid Maxamed Masafooyinkiisa qaarkood ku yiri:
” Ari waa nin maradiisa , masaggo uga buuxdaa”
mar kalana tuduc ku jira gabay Cali Jaamac Haabiil uu ula dan lahaa ayuu kusoo qaaday waxdheefka Geela iyo Ariga lagu qabo waa tuducii ahaa:
“Caanaha had iyo jeer ah iyo, heeshi ramag baa leh
Qumbe lala hagoogtiyo hilbiyo , hawlyar ari baa leh
Hayinimo wax lagu qaato iyo, ku hinji awr baa leh”

Macnaha Erayada
Aricad: magac labaad oo riyaha loo yaqaan.
Heeshi: Barwaaqo.
Dirkaba: intaba, kulli.
Ramag/ Ramad: neef geela oo dhedig oo dhawaan dhalay.


Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *