Nudaha

Waa Maxay Nudo?

Jirku waxa uu ka kooban yahay bilyanno unugyo ah. Unugyo badani marka ay isku tagaan waxa ay sameeyaan nud (tissue). Nuduhuna koox koox ayay isugu ururaan si ay usameeyan xubin. Marka heerka udhexeeya unuggyada iyo xubnaha ayaa layiraahda nuddo. Nuddu wuxu ka kooban yahay unugyo isku tagey oo shaqo gaar ah qabta isku meelna kaso unkamay.

Marka jirku korayo waxa uu ka kooban yahay ama ku jira afar nooc oo nudo ah oo kala ah:

  • Nud Ibitiiliyam
  • Nud Muruq
  • Nud Isku Xire
  • Nud Dareenwade

Nud Ibitiiliyam

Nudaha ibitiiliyamka ah waxaa sameeya unugyo waxayna daboosha nudaha bannaan ee dibada iyo gudaha jirka. Nudahaas iyaga ahi waxa ay ka kooban yihiin unugyo isku sibirsan sida lebenka daaraha. Unugyadaasi waxa y sameeyaan nudaha badankood.

Shaqooyinka Nud Ibitiiliyamka

  1. Waxa uu ku caawiyaa soo nuugidda biyaha iyo nafaqooyinka.
  2. Waxa uu ka caawiyaa saaridda qashinka.
  3. Waxa uu ilaaliya dusha sare ee nudaha.
  4. Waxa uu soodaaya insaamyo iyo hoormoono.

Waxaa jira laba nooc oo ibitiiliyam ah:

  1. Ibitiiliyam Sahlan (Simple Epithelium)
  2. Ibitiilitam Lakabaysan (Stratified Epithelium)

Ibitiiliyam Sahlan (Simple Epithelium)

Ibitiiliyamkani waxa uu ka kooban yahay lakab unugyo ah oo qur ah oo ku dhugsan xuub salaxeed. Ibitiiliyamkani aad bay ujilicsan tahay waxayna dahaar hoose u tahay xubnaha gudaha ee ay ka mid yihiin caloosha, mindhicarada, hunguri cadka iyo muqurada sida moqorka ubucda iyo saablayda.

Ibitiiliyam Lakabaysan (Stratified Epithelium)

Ibitiiliyamkani waxay ka samaysan tahay maqaarka sida jirka. Unugyada dubka sare waxay noqdaan qolof kana kooban unugyo jilicsan oo borotobalaasam ah waxayna dhimaan biyo lunka jirka. Waxa kale oo unugyadaasi jirka ka celiyaan jeermisyada. Ibitiiliyamkani waxa laga helaa afka, dalqada iyo hunguriga halkaas oo hadii ibitiiliyamka sahlan ku oolaan lahaa ay cuntada adage e aynu cunayno dhaawici lahayd.

Nud Isku-Xiraha

Nudahani waxay isku xiraan, tiiriyaana nudaha aadka u firfircoon ee jilicsan ee jirka. Badanaa noocyadani waa ay kala duwan yihiin balse waxa ay iskaga mid yihiin hawsha ay qabtaan oo isku xirka ah iyo aasaaska dhismahooda.

Dhismo Ahaan Nudahaasi

Nudahaasi waxa uu ka kooban yahay dun dhuuban ama liifyo. Liifyadaasoo sameeya waxyaabaha isku xira sida tahar-ta (tendon), seeda (ligament), lafta (bone), carjowda (cartilage) iyo duxda (adipose/fat) ayaa loo qaybshaa laba nooc oo kale ah:

  1. Liifyo Cad
  2. Liifyo Liilsan oo Hurdi ah

Nud Muruqa

Nudda muruqu waa mid ururta. Sidaas darteed waxay awood uleedahay inay dhaqdhaqaaqdo. Meel allaale meeshi jirka dhaqdhaqaaqda waxa kujira nuddo muruqeed oo urura oo keenay dhaqdhaqaaqaas. Sida caadiga ah waxay ka kooban tahay liifyo muruq ah oo midkasta awoodi karto inay gaabato ama ururto.

Noocyada Nuddo Muruqeed

Waxaa jira saddex nooc oo nuddo muruqeed ah:

  1. Nuddo Muruq Sulban (Smooth Muscle Tissue)
  2. Nuddo Muruq Qalfoofeed (Skeletal Muscle Tissue)
  3. Nuddo Muruq Wadneeed (Cardiac Muscle Tissue)

Nuddo Muruq Sulban (Smooth Muscle Tissue)

Wuxu sameeya ama kasamysma xubnaha gudaha sida caloosha, kaadihaysta, ilma galeenka iyo xidida dhiigga. Wuxuuna ka kooban yahay nud leh qaabka musbaarka oo ay mid kasta kujirto bu’i. Muruqani waxa uu kamid yahay ma lafarayaasha inkasto mararka qaar uuso hoosgalo kuwa lafaro.

Nuddo Muruq Qalfoofeed (Skeletal Muscle Tissue)

Muruqani wuxuu sameeya hilibka kuyaal afarta addin kuwaas oo qalfoofka dhaqdhaqaajiya. Wuxuuna muruqaasi ka kooban yahay liifyo dhaadheer oo dun u eg. Muruqani waa lafara oo isagu iskiis isuma wado.

Nuddo Muruq Wadneeed (Cardiac Muscle Tissue)

Muruqani waxa laga helaa wadnaha oo qur ah. Wuxuuna ka kooban yahay liifyo gaagaaban oo farcama kuwaas oo leh liidimo aan qumunayn islamarkaasina muruqani malaha dahaar, waxaase isku uruuriya nudo isk-xirayaal ah. Muruqani lama faro waana mid iskiis is wada. Wuxuuna sameeya soo urur rismaatig ah (rhythmatic) isla inta uu nool yahay inkasto ay jiraan dareenwadayaal xukuma soo ururka rismaatiga ah.

Nud Dareenwadka

Nudaha dareenwadku hawsha ay qabtaan waxay tahay, inay qaadaan dhambaal iyo fariin jirka gudihiisa. Wuxuuna uqaybsamaa labo qaybood uu uqaybsamo habdhiska dareenwadka, waxayna kala yihiin:

  1. Habdhiska Dareenwadka Dhexe (Central Nervous System)
    • Wuxuu ka kooban yahay maskaxda iyo xangulada (spinal cord).
  2. Habdhiska Dareenwadka Dacallada (Peripheral Nervous System)
    • Wuxuu ka kooban yahay dhammaan qaybaha dareenwadka ka baxsan maskaxda iyo xangulada.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *