Qeexidda Unugga
Unug (Ingiriis:Cell) waa waxa ugu yar ee uu ka samaysan yahay wax kastoo nooli waana qaybta ugu yar ee dhismaha iyo shaqada ee noole kasta. waxaa kaloo lagu qeexi karaa inuu yahay gundhigga iyo aasaaska nooluhu ku dhisan yahay.
Sidee ayuu unuggu u samaysan yahay?
Unuggu ma laha qaab u cayiman oo la tilmaami karo. Unugga waxaa ku dahaaran xuub ka samaysan lipidi iyo fosfolipidi. Xuubka gudihiisa waxaa ku jira dheecaan loo yaqaano qooshoon (cytoplasm). dheecaankaas waxaa dhex heehaabaya waxyaalo kale oo unuggu leeyahay sida qalabka golji, bucoogada, dundalaglaha, sentriyoolayaasha iwm. Unuggu wuxuu leeyahay bu´. Bu´da waxaa ku dahaaran xuub kale oo iyada uun gaar u ah, xuubkaasoo ka sooca bu´da unugga intiisa kale. Bu´da waxaa ku jira qalabka hiddaha (La’HOB)DNA iyo (BUCUB) RNA.
ARAGTIDA UNUGGA(cell theory)
Noolekasmo ahaan, aragtida unuggu waa aragti sayniseed qeexaysa astaamaha unugga. waxaana ugu caansan afar aragti oo kala ah:
1. Nooluhu waxa uu ka samaysan yahay unug(yo).
2.Unuggyadu waa gundhiga nolosha, dhismo ahaan iyo hawl ahaanba.
3.unuggu wuxuu ka kooban yahay xog loo adeegsado koritaanka, horumarka iyo qabashada hawlaha.
4.unuggu waa halbeega shaqada noolaha; waayo fal-gallada kiimikaad ee noolahu waxay ka dhexdhacaan gudaha unugga.
QAYBAHA UNUGGA
Unuggu waxa uu u kala baxaa labo qaybood oo waaweyn;
1. BU’ BILAABEED UNUG (PROKARYOTIC CELL): Bu’ bilaabeed-ku waa noole hal-unugley ah kaaso aan lahayn bu’ ama xad-xuubeed xubin yare (membrane –bound organelle) midna.
2. BU’ HUBAALEED UNUG (EUKARYOTIC CELL): bu’ hubaaleed-ku waa noole kasta oo hal-unugley ah ama unugyo-badanley ah kaaso leh xuub bu’eed dhamaystiran.
DHISKA IYO SHAQADA UNUGGA
UNUGYADA DHIRTA IYO NAFLEYDA
Unugyadu dhiska iyo shaqada waa ay ku kala duwanyihiin. Dhanka kale hadii aynu ka eegno unugyadu waxay iskaga mid yihiin hawsha kasocota unugga gudihiisa iyo dhiska guud ahaaneed. Dhirta iyo xayawaanku waxay kasamaysan yihiin unugyo. Noolaha waaweyni waxa jirkoodu ka kooban yahay malaayiin unug. Qaab ahaan, unugyada dhirta iyo xayawaanku aad bay iskugu dhow yihiin waayo labadooduba waxay ka tirsan yihiin Unugyada bu’ hubaaleedka ah (Eukaryotic cells) taaso LA’HOBtu (DNA-du) dagto.
Waxaa jira unugyo ay wada leeyihiin dhirta iyo Nafleyda sida;
1. Unugxuube (cell membrane) Unuggu waxa uu leeyahay soohdin ka soocda waxyaalaha ku hareeraysan ee dibadda ka ah. Soohdintani waa xuub ku dahaaran unugga oo ay qaradiisu aad u yar tahay, laguna magacaabo unugxuube (cell membrane) ama Qooshxuube (plasma membrane) kaaso shaqadiisu tahay in uu kala dabaro waxa soo galaya iyo waxa ka baxaya unugga.
2. Bu’(nucleus) Bu’du waa xarunta looga taliyo unugga.LA’HOBta ama DNA (dhii-en-ey) da unugga inteeda badani waxa ay ku jirtaa bu’da. Sidaa awgeedna, unugga noociisa iyo hawsha uu qabtaaba waxa ay ku xiran yihiin farriimaha iyo amarrada ka soo fula bu’da.
3. Bu’xuube( Nuclear membrane) bu’da waxaa ku wareegsan xuub bu’eed laban-laaban qaradiisuna yar tahay. xuubkaasi waxa bu’da ku jira buu kasooca qaybaha kale ee unugga ku dhexjira iyo qooshoonka. sidaas dartees, bu’xuubuhu waa ood oo kale oo bu’da ka celisa wax alle wixii aanay doonayn.
4. Bu’ yaro (nucleolus) Bu’da waxaa kale oo ku jira jir qaabkiisu u eg yahay kubad yar oo kale lana yiraahdo bu’ yaro. jirkani waa halka samaynta bucoogada ama raaybosoomyadu ka bilaabato. waxay ka kooban tahay hiddaha BUCUBta ama RNA-da iyadoo ku darta borotiinno si ay usamayso bucoogo aan dhameystirnayn.
5.Qooshuunka (cytoplasm) Xuubka marka laga gudbo waxaa la gaadhayaa hoor isjiidanaya oo ka kooban biyo, cusbooyin, borotiinno (sida yiirshe; enzymes), cunto, iyo walxo kale, oo lagu magacaabo Qooshoon. Qooshoonku waa meesha ugu badan oo hababka kiimikaad ka dhacaan iyadoo oo yiirsheyaashu kala dabarayaan.
6. Dundalagle (mitochondria) Dubdulagluhu waa aqalka awoodda ee unugga, waxa ayna qaabilsan tahay dhalinta tamarta keenta firfircoonida unugga. Dundalagluhu waxay ogsijiinta iyo cuntada ubadashaa rucubka ATP kaaso kaydiya ama rara tamarta kiimikaad ee ku dhexjirta unugyada.
7. Bucoogo( ribosome) Bucoogadu waa warshadaha sameeya borotiinka. Labo jaad ayaa loo qaybshaa oo kala ah:- 1.Bucoogada dabran(Bound ribosome) waa mid ku dhegan iliilgudooshka , waxa ay sameeyaan borotiin loogu talo galay in loo dhoofiyo unugga dibaddiisa ama unugxuubaha. 2. Bucoogada xorta ah (free ribosome) Waxaa xor loo yiri mahaysato mana ku dhegna meel balse waxay dhex daadsan tahay qooshoonka, bucoogadani waxay samaysaa borotiinka looga baahan yahay unugga gudihiisa.p
8. Iliilgudoosh (endoplasmic reticulum) iliilgudooshku waa iliil ama shabakad wada xuub ah oo ku dhexjirta qooshoonka unugyada bu’ hubaaleedka ah(eukaryotic cells) kaaso badanaa bucaagada dabrani ay ku lifaaqmaan, wuxuuna ka qayb qaata samaynta borotiinada iyo duxda, sido kale ugudbinta borotiinada qaybaha kale ee unugga.
9. Dalooluun(vacuole) dalooloonada dhirta ayaa ka waaweyn kuwa xoolaha. Inta badan unugyada dhirtu qooshoonkoodu waxay leeyihiin hal ama ka badan oo ah moqorro ay kujiraan hoorayaal waxaana layiraahda dalooloon. dalooloonnadu waxay unugyada uqabtaan 3 shaqo oo muhim ah oo kala ah; xoojinta ama adkeynta, kaydinta nafaqada iyo qashinka iyo burburinta rucubhada ama mollakiyuullada waaweyn. daloollada unugyada dhirta hoorka ku jira intiisa badani waa biyo iyo waxyaabaha milma sida sonkorta,cusbada, yiirsheyaasha(enzymes) iyo amino asiidh.
10. Qalabka golji( GOLGI APPARATUS): qalabka galji sidoo kale waxaa loo yaqaanaa Jirka golji ama Isku dhafka golji wuxuuna dhexyaalaa qooshoonka meelaha udhow bu’da waana xuubab yaryar oo is wada barbaryaal iyagoo qaababkoodu u eg yahay sixniyo girgiradoodu marinno leeyihiin oo kale. shaqada Jirka Golji waa habaynta iyo isku guntid-da rucubyada waaweyn sida borotiinka iyo duxda lagu dhexsameeyo gudaha unugga.
11.Bururoogo(lysosomes): Bururoogadu waa oogo ama jir wax burbursha, waxay ku dhexyaaliin qooshoonka unugga kuwaaso xagga muuqa u eg dundalaglaha. waxaana ku wareegsan hal xuub oo keli ah. Badanaa, bururoogadu waxay leeyihiin yiirsheyaal ay u gudbiyaan moqorrada unugga iyaga oo halkaa ku dheefshiidaya bakteeriyada soo weerarta iyo waxyaabaha kale ee qalaad ee raba inay soo galaan unugga.
Unugyada dhirta u gaarka ah
1. Gidaar unug (cell wall) gidaarka unuggu waa lakab adag oo kor kagasii dahaaran unugxuubaha unugyada dhirta. Wuxuu ka kooban yahay unugceen (cellulose) kaaso ah tuxlobiyood(carbohydrate) ka dhiga dhirta jirideeda, caleemaheeda iyo qaybaha dusheedaba kuwo aad u adag. Gidaarka unuggu guud ahaan wuxu ka shaqeeya ilaalinta, xoojinta iyo qaab usamaynta unugga.
2. Cagaarside (chloroplast): Xubin yarahan lagama helo unugyada xoolaha. Cagaarsidaha waxaa ku jira midabeeye (pigment) cagaaran oo la yiraahdo cagaariye (chlorophyll). Cagaarsideyaashu waa meelaha ay ku samaysmaan tuxlobiyoodyadu (warshadaha kaarbohaydaraydyada), oo waxaa ku jira yiirsheyaal qabanqaabiya tuxlobiyoodyada, iyaga oo adeegsanaya tamarta ilayska ee ay qorraxda ka helaan. Ku xidhnow #Baritaar Kahel oo faafi qoraalkan si ay uga faaiidaystaan bahda aqoonta jecel.
Kuxidhniw #Baritaar