Xarafka -A-

Erayada ka bilowda Xarafka -A- ee Afkeena Hooyo

a (ʿ) m.dh Xarafka koowaad ee xuruufta af soomaaliga, ahna shaqal gaaban.
aa1 f.g1 (-ay, -day) 1. Cid ama wax garaacid, u caga-juglayn. 2. Dagaalamid.
aa1 qr.dd ld baa.
aa2 m.dmn.1 ld Aad. ld aydin.
aa3 e.d Cod lugu muujiyo xanuunka.
aabayeel1 m.l 1. A ah: qaddarinta ama tixgelinta cid la siiyo. 2. ld aabayeelid.
aabayeel2 f.mg1 (-yeelay, -yeeshay) U a: qaddarin ama tixgelin cid siin.
aabayeelid m.f.dh eeg aabayeel2. 1d
aabayeel1 (2), aabeyeelid. aabayn m.f.dh eeg aabe.
aabbannimo m.dh Aabbe ahaansho.
aabbayaal m.l/dh wadarta aabbe 1. eeg aabbe. 2. Awooweyaashii hore. ld aabbeyaal.
aabbe m.l (-bayaal, m.l/m.dh) 1. Nin ubad dhalay. 2. (u.j) Aabbow; wiilkaygiiyow! ld aabbo.
aabbo u.j ld aabbe. aabbur1 m.l (-rro, m.dh) Weel yar, wax lagu shuban karo, oo dhiilaha, haamaha iwm afka lagaga xiro. aabbur2 f.g1 (-ray, -rtay) Dhiil, haan iwm weel yar oo wax lagu shuban karo afka kaga xiran.
aabbur3 f.mg1 (-rmay, -rantay, -rmi) Dhiil, haan iwm wax la abburiyay noqosho. Tus. “Weelku waa aabburmay”.
aabburan1 f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Dhiil, haan iwm wax la abburiyay ahaansho. Tus. “Weelku waa aabburan yahay”.
aabburid m.f.dh eeg aabbur2.
aabburnaan m.f.dh eeg aabburan1.
aabburnaanasho m.l/dh ld aabburnaan.
aabee f.g2 (-beeyay, -beysay) 1. Cid qaddarin ama tixgelin siin. 2. Weel asal iyo xaydh marin, si uusan biyaha, caanaha iwm u habin.
aabeeyeild m.f.dh ld aabayeelid.

aabi m.l Gardarro islaweyni iyo kibir ku jiro oo cid lagula muujiyo.
aabiweryex m.l Sabab la’aan cid daggaal ku qaaddid, weryax kulul.
aabo m.l Dareen naxariis, rabitaan iyo xurmayn leh oo qof qof kale u hayo.
aabonimo m.dh (siyaa.) Mowqifka dawladda, ama bulsho kale ku muujinayaan in ay go’aan kasta u sameeyaan dadka ay mas’uulka ka yihiin.
aabyoo f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku aa.: cid xumaan aanay mutaysan kula kicid.
aabyood m.f.l eeg aabyo.
aad m.dmn.1 Magacuyaal tilmaama qofka labaad ee kelida ah (lala hadlaha ama wax loo qoraha). “Ninka aad la hadashay waa walaalkaa”. ld aa2, aydin.
aad1 m.l (-dyo, m.dh) 1. Isku aa. cayaar: isku beegnaan cayaar. 2. ld aaddid.
aad2 m.dh.fk (-dyo, m.l) 1. Isku beegnaanta laba meelood ama shay. 2. Badan, si daran. 3. A: yar: ld aayar.
aad3 f.g/mg1 (-day, -dday) 1. (f.g) Meel u socdaalid ama u kicid. 2. (f.mg) Ku aa.: wax kale u dhigmid. 3. (f.mg) Ku aa.: arin caddi iwm cid ku filnaan. 4. (f.mg) Ku aa.: wax muuqaalkooda wax kale isku gudbid. 5. (f.mg) Ku aa.: meel aadiisteeda wax u adeeqsasho. Tus. “Cali baabuur buu Kismaayo ku aaday”.
aadaab m.dh 1. Anshax iyo dhaqan wanaagsan oo cidi leedahay. 2. Anshax iyo dhaqan ay cidi leedahay.
aadaamid m.f.dh eeg aadaan2, ld aadaan1, aaddamid1, aaddan1, eedaamid1, eedaan1.
aadaan1 m.l 1. Ogeysiin cod dheer leh oo mu’addinku ugu yeero muslimiinta waqtiyada salaadda. 2. Ci’ dheer oo neef riya ah uu sameeyo marka uu xanuunsado. ld aadaamid, aadaan1, eedaan1.
aadaan2 f.mg1 (-aamay, -aantay) 1. Cod dheer ugu yeerid muslimiinta waqtiyada

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *