QURAC, ABQO 𐒎𐒚𐒇𐒖𐒋, 𐒖𐒁𐒎𐒙 Eng (Umbrella thorn acacia/Acacia tortilis)

Qurucu waa geed abaareed weyn oo leh qodax, mayrax xabag wanaagsan iyo abqo , baarka sare sidii harisadoo(dallada) kale ufidsan, wuxuu aad uga baxaa qaaradda afrika gaar ahaan dhulka soomaalidu degto iyo dalka suudaan, sidoo kale waxaa lagu arkaa wadamada bariga dhexe. dherer ahaan ilaa 5 tillaabo ama kabadan ayuu kor u baxaa, wadamada kale qaarkood wuxuu gaara illaa 20 tillaabo. Geedkan waxay bah wadaag yihiin geedaha qansaxa iyo qaydarka. geedkani wuxuu kamid yahay geedaha ugu da’da weyn geeska afrika wuxuu cimrin kara boqol gu’ ama kabadan.

Summadda geedkan iyo Waxtarkiisa
Qurucu wuxuu leeyahay caleemo yaryar oo loo yaqaano dayo, caleemihiisa ayaa dherer ahaan gaara 2.5 cm , halkii samay dayo waxay ka kooban tahay illaa 15 caleenyaro lammaan, halkii caleenyarana waxay leedahay 4 illaa 10 caroog oo lammaan. Caleentiisa waxaa daaqoo jecel xoolaha gaar ahaanan ariga.

Geedkani wuxuu leeyahay ubax loo yaqaan xay , waa ubax yaryar oo cad , kaas oo badanaa cuntub cuntub isku haysta. Abqo waa miraha geedkani baxsho , waxay leeyihiin dhabannacaso wareegsan ama bagafsan.
Qodaxda quraca ama aqabka ayaa leh laba jaad, jaad qodax qaroofan ama dhiddaysan iyo jaad qodax tiigan ama dheer , quracyada qaar ayaa leh labada jaadba halka qaarna leeyihiin hal jaad.

Aqabku maahan geed cabban ama nugul ah ee waa geed lihiin ah , adkaysi badan , u dulqaata abaarta ,saliisha iyo raranta , wuxuu leeyahay xididdo xooggan oo dhulka aad ugu siqa taas ayaana keentay in uu muddo dheer noolaado geedkani. Geedkan ayaa baarkiisu u leelsan yahay sida harasida ama dallada, taasbaa xoola-dhaqatada iyo hayaankaba u sahasha in ay harsado ama la dallaalimaysto. Geedkan waxaa laga diirtaa mayrax laga sameeyo xargo yaryar sida barooqda kebdaha ama rarada geeddiga, waxaa kaloo laga helaa ood, tiirar iyo dhuxul. Quraca ayaa kamida geedaha uu qadowgu kadul baxo.

Micnaha Erayada:
1.Aqab : magac labaad oo loo yaqaan quraca
2.Xay: ubaxiisa cad ee cantoobsan
3.Dayo (W. -ooyin)=caleentiisa, siiba marka ay qoyan tahay.
4.Dimcad/ Xanan=quraca da’da yar oo leh ulo xoog badan iyo mayrax aad u cad.
5.Durruje/damal- Quracda waaweyn 6.Abqo: miraha geedkan.
7.qadow: geed yar oo jaadad badan ah dhirta waaweyn sida quraca korkooda inta ka baxa magoola.
8. dhabannacaso: galka iniinyaha sida abqada iyo digirta.
9. samay: daabka caleenta.

#Afsoomaali #afkahooyo #afbarasho #afkasmo #dhirta #geedaha #hodan #jilibxir #qurac

Dhammaad