Jilibxir

Nin Somali ah oo wax cunaya.

Wax la quuto

Sarbeebo ku saabsan Waxyaabaha la quuto
Firsooca Sarbeebaha Afsoomaaliga
QR. Maxamed Warsame Hiraabey

Wax aadane afka geliyo, cad iyo caano miday noqotaba, ayaa cutubkani hoy iyo bilow fiican u yahay, waxaana tixi ahayd: “Labo la hinjiyaba waa hunguri kii horayn jiray.”

Sarbeebta wax la quuto ayuu cutubkani ku saabsan yahay, waxaana sarbeebaha halakan kusoo arooray ay soo koobayaan sarbeebo loo adeegsado waxa la quuto, intii aan helay, iyaga iyo fasirkooodiiba.

Gawsa/Gowso-lulow

Hilb la’aan; qofka oo muddo hilib la’aan ku dhacdo.

Tusaale ahaan : Markii qofku uusan muddo hilib cunin baa waxa la yiraahdaa ‘waa gawsa lulloobey.’

macnaha: Gawso – ilkaha dambe, dadka iyo duunyadaba.

macnaha: Lul – aad u jilicsan, sida maro dhammaatay, diindiintay, lul noqotay.

Tusaale1: Gawso-lulow baa nagu dhacay, oo gawsihii baa na lulanaaya, oo na liiq-liiqanaya. Waayo, bil dhan ayaan wax hilib sheega af gelin.

Tusaale2: Haddaad gawso-lulow ka baqaysid inuu kugu dhacdo, kuguna adkaato saad hilib ku heli lahayd, dherigaaga digirta ahi yuusan dabkaaga ka degin.

Tusaale:3 Wadaaddada reer magaalka ah gawso-lulow kuma dhacdo, waayo meel ‘sab’ iyo casuumadi taal ayaa gogoshu u taal.

Idaha Iyo Kaalintooda

Idaha iyo Kaalintooda

Dhib iyo dheef waxay ku qabaanba , iduhu dhulka Soomaalida oo idil waa ku dhaqmaan. Iduhu waxay ugu taran badan yihiin buurta dhereran Raascasayr illaa geyiga Danaakirada , cariga kasoo rogan ee dhaxanta leh gaar ahaan gobolka Sanaag.
Afsoomaali ahaan , xilliga ay xooluhu taranka udiyaarka yihiin waxaa la yiraahdaa Geelii waa abaaha-qaatay, Lo’dii waa booddo-qaadatay , Arigiina waa orgoodeen. balse gobolloda iduhu hodanka ku yihiin , idaha ayay gaar usoocaan markaas bay isugu warramaan , idihii hebel waa Sumladeen.

Iduhu waa nugul , sidaas daraadeed ninkii dhalmadoodu markay ku aadi doonto aan ka fiirsan, waa dhaafaan. Xilli baa loo eegaa, waxaa laga ilaaliyaa in ay dhalaan diraac laga yaabo in ay dheeraato, markaasoo ay ubadan tahay inta duukhaan in ay dabar go’aan. waxaa ugu fiican bay oran jireen , bartamaha dayrta in ay rimaan dabadeedna seermaweydada guga ay dhalaan, sidaas darteed xilli ay malaynayaan in la doogsan doono mooyee goor kasta sumalka kuma siidaayaan, taasna Soomaalidii reer miyiga ahaydi waxay uheshay farsamada xamilka loo yaqaan ee wanka lagu xiro , in uu laxda rimiyana lagaga hortago. Dhinaca kale Sumalka idaha laga celin waayo isna si kale ayay ufurdaamin jireen, malmal bay inta uqadaan ka waraabin jireen kolkaas buu qooqfuri jiray.

Xooloyaqaankii Soomaaliyeed waxay oran jireen , saddex baa idaha baabi’isa : Suul, Suluf iyo Sumal.
1.Suulku waxaa loola jeeda laxda dhashay haweenayda siday guga umaalayso caanaheeda sii macaansata ee aan ka fuqine, xagaagana haruubka ladaba taagnaata iyada oo nayshiina udheertahay.
2.Suluftuna waa cambaar idaha gasha oo udhiganta cadhada geela iyo riyaha ku dhacda, uskaga ayay sababsataa waxaana wax laga saaraa:
B. Mooro aan laga saxar tirin oo lagu xareeyo.
T.Dhul kulul oo lageeyo.
J. Ama xilli roobaadkii hore oo aanay doogsan si wacanna umayrmin.
waa laga daweeya , halka dhogortu uga taal oo garbaha ah ayaa laga xiiraa, dufanna waa laga mariyaa, si hilibka iyo haraggu ay ukala fuqaan, ninkii aan sidaas ula tacaalinna xeradiisa waa ku yaraada.
3. Sumalka oo ah wanka rimiya idaha , kaas oo ay ku riiqdaan haddii xilliga lagu siidaynayo aan loo meeldayin oo in ay sumalxadaan aan laga ilaalin.

Waxaa layiri nin reer Barbaraad ahaa ayaa jeer idihii ka le’deen, kadib isaga oo aan xidigaha u eegin marka iyaga iyo sumalkii faraha iskaga qaaday, bartamaha diraac dheeraatay kolkay wada dhaleen oo biyo iyo baad li’i ay la joogsadeen ayay huf iyo halaan jirin noqdeen, maalintii dambe haweenaydii udhaxday oo xerada maran la qarracantay ayaa odaygii hiif iyo haaraan kula dhacday , markaas buu uma garaabine eedeedii iska daafacay, gabay uu utiriyay qaybo kamid ah ayuu ugu sheegay isaga aawadiis in aan idahoodii ku le’ane, ay eersadeen abaartii gaagmareebtada ahayd ee uunka kala gaabisay, tusaale wuxuu usiiyay xoolaha la dhaqdo geelii ugu adkaysiga badnaa oo awriisii ay weyda la kici la’dahay, banankana ku wada bakhtiday, ugudambstiina wuxuu ku tuuray weydiin aan quursi ka taganayn oo ah ” naa hooy waad iga gardaran tahaye , ma anaa geela baaba’ayna baarqabbo uqumiyay, mise anigaa sumallo kusiidaayay” , halku dhiggii tixdaas laga qabsaday ayaa wuxuu ahaa :
“Haddii awr iyo waa’ lagu ogaa heeryo in uu qaado
Uu wada habsaday hilimadii lagu hayaamaayay
Oo uu so’ iyo hilibba gabay, kaana yaa uhayay”.

Ariga iyo waxtarkiisa

Qaybta 1aad ee Idaha


Ariga wuxuu kamid yahay saddexda meesi ee ay soomaalidu si weyn udhaqato . wuxuu ukala ubaxaa Ido iyo riyo (sidoo kale aricad looyaqaano). guud ahaanna dunidoo idil waa laga dhaqdaa , waxaana loo dhaqaalaystaa hilibkiisa , caanihiisa, haragiisa iyo dhogortiisa dirkaba.

Markay arrintu soomaalida iyo dhaqasha ariga joogto, waxaa jira arimu uu xoolaha kale dheeryahay oo tarankiisa degdegga ah ugu weyn yahay. Shan bilood oo kaliya ayuu qaadaa (sidkiisa), halka geelu uu 13 ka qaado, lo’duna ay sagaal ka qaado.
Xilligii la joogaba arigu waa saad aan sahal ku idlaan, jilaalka ayay reer miyigu inta qashaan kusoo barbaxaan. Dayrta ama guga markii inta badi udhalo oo inta nurku samaado la caanodiidana, orgidiisa yaryar iyo baraarkiisa ayay birta saaraanoo dhayladooda ka haagaan, markaasay yar iyo weynba faraha dufan ku yeeshaan. caanihiisa ayay dhay, suusac iyo garoorba ku dhammaanoo carruurtana ku korsadaan, waa lalushaa oo burcad iyo sixin farabadan bay kala soo baxaan, kuwaas oo ay jiilaallada ukaydsadaan, si ay badarka ugu iidaantaan.

Dhinaca kale halka ay adagtahay in hal ama awr qofku keligii qasho, arigu waa ka hawl yaryahay oo qof kaliya ayaa rida ama wanka gowrici kara, haraga ka bixin kara, dabadeedna intuu hilbihiisa googooyo karin kara amaba soli kara.
Fudaydka loo shafeecsado isaga oo ka hadlaaya waa tuu Sayid Maxamed Masafooyinkiisa qaarkood ku yiri:
” Ari waa nin maradiisa , masaggo uga buuxdaa”
mar kalana tuduc ku jira gabay Cali Jaamac Haabiil uu ula dan lahaa ayuu kusoo qaaday waxdheefka Geela iyo Ariga lagu qabo waa tuducii ahaa:
“Caanaha had iyo jeer ah iyo, heeshi ramag baa leh
Qumbe lala hagoogtiyo hilbiyo , hawlyar ari baa leh
Hayinimo wax lagu qaato iyo, ku hinji awr baa leh”

Macnaha Erayada
Aricad: magac labaad oo riyaha loo yaqaan.
Heeshi: Barwaaqo.
Dirkaba: intaba, kulli.
Ramag/ Ramad: neef geela oo dhedig oo dhawaan dhalay.


Suugaanta Carruurta

Hees-carruureed

Suugaanta carruurta waxaa curiya waayeelka gaar ahaan hooyooyinka oo iyagu aalaaba ah kuwo hawsha ababka ilmaha uquma. Gu’yaasha hore ee korriimadooda Hooyadu iyada ayaa dhabta kuhaysa , kolba xaalada uu kusugan yahay ayadaa ayaa dadka ka og. Mayeeraan mar uu yahay , mar uu hadaaq barad yahay, mar uu fadhi ku celis yahay , mar uu guurguuranaayo  iyo mar uu socod barad yahay intaba, haddiiba iyada ayaa garan karta waxa uu tabanaayo , iyada ayaa goor noolba usoo jeeda in uu si fiican wax u cuno, si wacan useexdo, si wacan usoo tooso , guud ahaanna uu si wacan ukoro, raaxo mooyee iyada ayaa rafaadba u ogolayn.

Markasta oo ay shidaad uheshaba , hooyada soomaaliyeed carruurteeda way uheesi jirtay , in uu la garanaayo iyo inkale iyada oo dan iyo daarad ka lahayn, ayay cunuga dhabta ku qabataa dabadeedna u heestaa, erayo uu ku xasilo ayay dhegaha ugu shubtaa kuwoos oo si xoog leh wax uga bedela xaalad laga yaabo in aysan wanaagsanaynoo uu markaas ku jiro cunugu lana ooyahayo sida xanuun meel kahaya , goojo IWM. Marmarka qaarkoodna iyaga oo aan waxba tabanayn ayaa heesta lagu maaweeliyaa, si waayeelka qudhiisu ciridkooda maran iyo dhagdhagta qosolkooda uu ugu raaxaysto.

Tuducyada heesaha carruurtu badanaa waxay xambaarsan yihiin ujeedooyin kala duwan oo badanaa ku saabsan canugga loo heesaayo qudhiisa, duruufta qoyskooda iyo guud ahaan bulshada ku hareeraysani xaaladaha ay maalintaas ku sugan tahay. Hadaba ujeedooyinka noocaas ah waxaa kamid ah , Jaceylka aan soohdinta lahayn ee hooyadu ay ilmaheeda uheyso. Intay kor uboodbootiso ayay ka qoslisaa markaas ayay qosol farxad badani ku jidho ugu warcelisaa, hadana intay dhunkasho ku boobto ayay laabta laabta ugu qabataa, jaceykiisa ayay xubinwalba ka dareentaa, markaas bay inta muraaqooto si kal iyo laab ah waxay Eebe wayne uga tuukta in uu udaayo , agteedana uu kuwaariyo, waxay ugu heestaa:-

  • Markaan qaadaan qoslaayoo
  • Qalbigu iifaaraxaaye
  • Quwiiloow ha iga qaadin

Waxaa iyaduna jirta ducadaas tu’ lamid ah oo ay hooyada soomaaliyeed Eebe uga barido in uu iyada iyo cunugeeda isu daayo. Waxay Eebe ka magangashaa maalin maalmaha kamid ah in ay aragto goobta ay carruurtu ku ciyaarayaan oo keedu ka maqan yahay, taas oo in uu geeriyooday maahane aan si kale lagu macnayn Karin. Arrintaas in aysan lasoo gudboonaan , iyada oo eebe ka baryaysa waxay ugu heestaa:-

  • Dhallaamada kaama waayo
  • Dhul iyo dhagax ha udhexaynin
  • Dhadhaab culus laguma saaro

Markalana heesaha qaarkood waxay hooyadu ku muujisaa, badbaadada ilmeheeda siday ujeceshahay, ee ay colaada ugu qaado kolba qofkii waxyeeleeya ama inta ugacan qaada ka oohiya, iyada qofkaas in aan galgacal ka dhexeyn oo ay col yihiin ayay cid walba ugu dheeraysataa, dabadeedna dareenkeedaas ayay cunugeeda dhagaha ugu shubtaa iyada oo ugu heesaysa:-

  • Ayaa dilay oo dagaalay
  • Ayaa duur kulul ku jiiday
  • Ninkii dilay oo dagaalay
  • Ninkii duur kulul ku jiiday
  • Dagaal baa noo dhexeeya

Jaceylka ay uqabto oo ay umuujiso ka sokow, Hooyada soomaaliyeed heesihii ay curruurteeda ku maaweelin jirtay waxaa ka buuxa qaar ay ugu ducayso, kuwo ay ugu saadiso markuu weynaado in uu noqdo nin magacweyn leh  oo madaxa oo meeshii uu joogaba looga dambeeyo, nin geyiga ay cidohoodu degaan guddoonka ka rida tiisana la wada raaco, nin deeqsi ah oo mudane iyo martiba lasoo wada tamadiyo, nin garta loola yimaada laguna kalsoon yahay, waxay ugu ducaysaa in uu noqdo nin intuu cimriyo ay cirradu madixiisa wada saabato islamarkaana sida roobka iyo halooyinka loogu oonboxo, dadkuna wada mahdiyo. Heesaha ducooyinkaas xambaarsan kuwa ugu caansanna waxaa kamid ah:-

  • Goble iyo gobobka yeyle
  • Nugaal godan gooddigeeda
  • Guddoonka ka yeeliyow wa’
  • Gartuu gabagaabsadow wa’
  • Guntiga faraha gashow wa’
  • Cirrada gaashaysayow wa’
  • Gaboobe gaatiyow wa’
  • Dixdii gaaloodiyow wa’
  • Digweynoo buuxsantow wa’

Maalin kale ayuu canuggu ka xanuunsadaa markaas bay aad uga welwelshaa, dabadeedna caafimaad bay ugu ducaysaa, cudur gaar ah oo haya ma ay taqaan loomana sheegin, waxaysa ogtahay xalay oo idil in uu soojeeday iyadana soo jeediyay xanuun owgiis, markaas bay u Eebebaridaa kana filataa inta uu ducadeeda aqbalo in uu malaa’igtiisa fayoobi ugu soo dhiibo oo canugga sidaas cudurka looga qaado, intay hadba xubin usalaaxdo ayay tiraahdaa:-

  • Halkaad Xalanow xoqoysay
  • Halkaad xalay ladis kaweyday
  • Laguu mari sacab Malayko
  • Malaa’igi hakuu salaaxdo

Markuu soo yara roonaado ayay hadana waxay ugu ducaysaa aqalka iyo agagaarkiisa inta uu kolba dhinac u guurguuranaayo in uu Eebe ka ilaaliyo qaniinyada halista ah ee abeesada. Waxay kaloo ugu ducaysaa hadduu yaryahay iyo hadduu koraba, dadka ishiisa iyo dhawdiisa in uu Eebe ka dhowro, gaar ahaan umusha oo habaarkeeda in aan laga kicin ay bulshadii waayadaasi rumaysnayd. Waxay tiraahdaa:-

  • Abeeso lug kaama goyso
  • Aroos ili kaama raacdo
  • Umuli fiid kuma habaarto

Markuu dhab u caafimaado ayay hooyadu farax lakala badataa, kolkaas bay ugu ducaysaa in uu weligiiba dhexjoogo qoyskooda oo dhagadhan, gacal hareerihiisa tubanna abid aanu waayin, waxay tiraahda:-

  • Ha waayin waxsiiso Hooyo
  • Ha waayin wardheere Aabe
  • Ha waayin walaale dhowr ah
  • Ha waayin intii wax kuu ah

Dhinaca kale , Hooyada soomaaliyeed markii ay canugeeda u heesayso way ku ammaantaa, kol waxay ku sheegtaa in uu yahay wiil utaagan/ tahay gabar utaagan waxwalba oo ay bulshadoodu jeceshahay wanaagna ay kutaqaan, waxay ku tilmaamta dadka in ay ugu qurux badan tahay , darisyaduna ay iyada usoo daawasho tagaan:-

  • Sidii bilaneey Bah-carabo
  • Bah-caraboo banan u guurtay
  • Baftiyo shaal wada hagoogan
  • Banaag loo daawayow wa’

Markale , iyada oo  rabta iskumar in ay ku ammaanto hormuudnimo, deeqsinimo iyo dagaalyahannimo ayay isaga intay waydiiso waxay ku tiraahdaa , “xalay oo dhan markaad qaylinaysay ee qayladaada laga ladi waayay, maxaa talow kuugu wacnaa, ma odayaasha reeraha ayaad uruurinaysay oo arrin culus darted baad geedka shirka ugu wacaysay, mise geel colkii soo dhacay aad adigu ammaanduulihiisa ahayd ayaad raggii soo qaaday u qaybinaysayoo, midba saamigiisa aad guddoonsiinaysay, mise intaba maahee , dagaal ba’an baad kujirtayoo rag aad col tihiin ayaad warmaha ka aslaysay”, waxay tiraahday:-

  • Qaloombiyow qayla Dheere
  • Markaad xalay qaylinaysay
  • Ma qaafaad uruurinaysay
  • Ma geel baad qaybinaysay
  • Ma qayrkaa baad qalaysay
  • Qalaysood qaylinaysay

U fiirso sida loogu ababinaayo oo loogu qurxinaayo dhaqanka dagaalka iyo xoolo-kalaqaadka.

Markalana waxay ku ammaantaa in uu yahay nin aan sina looga maarmi Karin, waxay ku tilmaamtaa nin qoyskiisa iyo bulshada kalaba ay aad ugu baahi qabaan sida ay ugu baahan yihiin bisha markay dhalato lagu rayreeyo ee mugdiga looga raysto, burcadka jiilaalka kadib caanaha lalusho laga helo ee inta lagu subkado basaasta lagaga baxo, caanaha maalinta la geediyo inta la barxo ay laabtu ku qabowsato iyado oo si weyn oon loogu qabo biyaha lahelo iyo boqorka tolka oo waxbadan reeraha ka maqnaa imaatinkiisana dhab loo rabo waxay tiraahda:-

  • Sidii bilaneey bil dhalatay
  • Bil dhalatoo beeshu aragtay
  • Sidii burcad loo basaasay
  • Sidii barax maalin geeddi
  • Sidii biya loo harraaday
  • Sidii boqor loo buseelay
  • Bilow loo baahanow wa’
  • Bogayga qaboojiyow wa’

Mar kale sidii isagoo afsoomaaliga dhab uyaqaan ayay hooyadu wiilkeeda ula talisaa, heesaha qaarkood ayay ku bartaa waxyaalaha markuu weynaado ku habboon iyo kuwa aanan ku haboonayn, waxay ukala dhigdhigtaa falalka iyo dabeecadaha kuwooda ay bulshadu ogashahay dulqaadkana uleedahay iyo kuwa aysan jeclayn ee dadka lagu noco, hadaba heestan soosocota ayay hooyo soomaaliyeed waxay inankeeda ugu sheekaysaa isaga oo geela la jooga haddii lasoo weeraro in aanu noqon fulay goobta ka carara isla markaana aanu ku tilmaanaan geesi naftiisa biimeeya, waxay tiri:-

  • Haddaad gaadhoo gabowdo
  • Haddaad geeleena raacdo
  • Haddii guluf kuu yimaada
  • Fariid waa lala haraaye
  • Fuluhu waa baydadaaye
  • Haddaad fiifto ha fogaanin

Waxay rabtaa in uu u noolaado, hadana aan la caayin oo ragga dhexdiisa uunu berri ka maalin  ka takoornaan, ma isku heli kartaa? waa weydiin meesha kujirta.

Heesaha carruurta iyo kuwo kale ee dhaqankaba deegaankii lagu tiriyay wuxuu ahaa miyaga Soomaalida, sidaa darteed baa waxaa marwalba uga dhexmuuqda hab iyo hannaan siday bulshadu unoolayd. Dhaqaale ahaan waxaa la haystaa waa xoolo nool geel, lo’ , ari iyo gammaan, oo nurna nacfi badan qoyska ku qabo nurkalana uusan ku qabin, taas oo ku xiran hadba roobabku siday u da’aan iyo xilligaas la joogo docdii ay maraan.

Carruur iyo waayeelba wixii xoolahaas laga helo ayaa lagu wada noolyahay , waxaysa ugu daran tahay markii uu jiilaalku dheeraado ee daaqu uu dhulka gabaabsi ku noqdo, waa marka xooluhu jilcaan ee dadka dhaqaya ay waxba ka waayaan, gaajo iyo macluulina ay soo foodsaarto. Waa marka xoolaha iyo ceesha loo arooriyo ay kala fogaadaan , dabadeedna halka carruurtu joogto ay ugu yaraan afar caanamaal, aroor iyo fulliin kaga maqnaadaan, markaas buu dhallaanku gaajoodaa, oohin aan kala joogsi lahayn ayay dhagaha kaga jabiyaan qofka kolkaa haya ama xigaalka ka agdhow, markaas bay hooyo walibana dhab u murugootaah, waxay milicsataa dhiisha mara nee canugeeda, kolba waxay gacan naxariis badan ku taabataa calooshiisa iyaduna maran, kolkaas bay isku daydaa in ay sii maaweeliso ilaa inta ay xooluhu reerka usoo xeroonayaan, weel aan waxba ku jirin mar ay afka usaarto, naaskeeda oo aan waxba dhiiqayn mar ay ku duwdo iyo mar ay uheesto, waa mararka ay ugu luuqayso:-

  • Ma geeliibaa arooray
  • Arooroo oon ku raagay
  • Ma Jarisaa Hooyadaayah
  • Ma Aabaa kaa sadcaalay
  • Sadcaaloo socod ku raagay
  • Ma reerkiinaa saboolah
  • Sabooloon subag ku siinin
  • Ma naaskiibaa gabloolay
  • Gablooloo godol ka wayday

Marmar iyada oo la iska ladan yahay oo sanadu aaran tahay xooluhuna ay caano leeyihiin, ayuu canuga yari boohin kala joojin waayaa, xanuun hayaa ma jiro oo waa kii hadda dhow cayaaraayay, caloosha iyo dhiishiisu waa ubuuxaanoo waa kii hadda kasoofeenka iyo waraasida lo’aad hadda ka dhergay, oon isaga warkiisa daah, saa ballidaa waran oo rahaa jiile , haamaha reerkuna waa milaalan yihiin, Muxuu hadaba la ooyayaa? , markaas bay hooyadu weydiistaas warcelin uwaydaa. Ugu dambaysta waxay kusoo koobtaa kibir uun in uu la ooyahayo, markaas bay inta kor usoo qaado u heestaa, iyada oo hubta in aanu wax kamaqani jirin, ayay ugu luuqaysaa hees aad moodo in ay ku canaananayso, hees ay kula garnaqsanayso oo ay gardaradiisa ku tusayso, waxay tiraahdaa:-

  • Sidii midaan Aabe korinnin
  • Ayeeyooyin isu dhiibin
  • Abaartii subag lasiinin
  • Abeer dhalay loo lisaynin
  • Sidiisii Maxaa u ooyi?

Waxaa iyaduna jirta hees canaan qabow iyo ducaba xambaarsanoo tan hore aan ka ujeeddo fogeyn waa midda tiraahdsa:-

  • Maxaad weydood u waalan?
  • Maxaa waywayda kuu leh?
  • Muxuu Weynahay ku yeelay?
  • Maxaad waynaade dooni?
  • Maxaad anna ii wareerin?

Heesaha carruurta ee haweenka soomaalidu tirayaani waa kala jadoo, waa kala ujeeddo,  waxaana ku jira qaar wili la yaqaan sababtii loo curiyay iyo sheekadii ay kusoo bexeen, waa kamid ah heesta ay hooyo wahan iyo walaacba ay kameel waayeen ay cunugeeda ugu heestay, iyadoo islamarkaana nafteeda ku maaweelinayay, sida lamalayn karana waxa ay hooyo waliba jeceshahay iyada ilmaheedu in ay waynaanaan isku soo gaaraan , in ay marar isu dhow wada waayeelaan, hase ahaatee taasi marwalba ma dhacdo, waxay ubadan tahay in uu waalidku geeriyoodo iyada oo ay carruutoodu weli aad u dhalin yaryihiin ama ay dhallaanba yihiin, taasna waxa ay suurtagal sii tahay marka aabaha iyo hooyadu ay waayeelnimo ilmaha ku dhallaanoo qorax soobaxaysa iyo mid sii dhacaysa ay ukala ekaadaan.

Hadaba, waxaa layiri hooyo soomaaliyeed oo yara weynaatay ayaa wiil umushay, da’dii ay joogtay iyo tiisa ayay isu eektay, markaas ayaa waxaa u caddaatay in aysan weligeed arki doonin isaga oo inta weynaaday reero yeeshay, da’ dhexaadna gaaray. Waaya-aragnimada ayaa usheegtay inaysan usoo joogi doonin isaga oo xarrago latiicaaya, cidaha uu ka dhashayna u talinaaya, dabadeedna iyadoo oo arrintaas ka murugaysan waxay ahayd hooyadii canugeeda ugu heestay:-

  • Adoo laba go’ iyo shaar leh
  • Adoo gaasheeyay timaha
  • Gaboobow gaari mahayo.

Heesaha walaaca xambaarsan haweenkii carruurtooda kula sheegaystay waxaa kamid ah, tii inta la furay wiilkii ay sidatayna uu aabihii kala haray, iyada oo ka fara maran saddex jirkii ay soo korsatay ee ay indheheeda ka jeclayd, waa hooyadii wadada cagta saartay, dhulkii ay reer aabeheed dagi jireen waa hooyadii kabaha u illatay oo iyada oo lugaha isla dhacaysa reerkeedii dhammaa barqo laga saaray, dabadeedna ka hadaaftay, waxaa ay ahayd arrin aanay waxba ka qaban karayn, waxay ku dhexdhalatay ku dhexbarbaartay kuna dhexguursatay bulshadii reer miyaga ahayd ee soomaaliyeed bulshadii dhaqan ahaan Ragga iyo Aabanimada tixgelin jirtay, oo haday Hooyo tahay iyo haddii kalaba aan dhexdooda waxbadan dumarka looga ogolaan jirin.

Si kastaba ha ahaatee waa hooyadii iyada oo aad uwelwelsan wadada cagta saartay, waxay daadinaysaa ilmo tira badan oo intay indhaha buuxisay ay kolkol waxba la arki wayday, cabbaar markay socotaba aqalladii ay kasoo baxday ayay dib udhugataa, bal gabankii yaraa in ay indhaha ku dhufato. Waxay laba-laxaadsataba harsimadii markay ahayd ayay geed harkiis hoos fariisatay, si ay ugu nasato, markaas baa maankeeda waxaa kusoo dhacay sheekadii dhexmartay iyada iyo ninkii furay ee ay wiilka udhashay iyo sidii ay ku dambaysay, runtii ninkii iyo reerkiiba way ka samirsan tahaye wiilkii bay ka samri la’dahay, waxse kama qaban karto oo intay ku noqoto sooma kaxaysan karto, si ay uwada joogi karaanna uma muuqato. Markaas bay u heestay sidii isago oo lajooga oy dhabta ugu jiifto, waxay heesta ugu sheegtay ifka meelkastaba ha kusugnaadee labadoodu in ay isku dhan yihiin oo ay iyadu hooyadiis tahay, cidkalana aan lagu sidki Karin, malaha waxay dareensanayd in iyada dangaladeed uu odaygu wiilka ku wareejin doono si ay hooyo labaad ugu noqoto, markaas bay ugu heestay meerisyo waayadii dambe bulshada aad ugu dhexfaafay, muujinaayana xiriirka hooyada iyo carruurteeda ka dhexeeya ee aan go’i Karin, inkastoo in la is illowsiiyo la isku dayo, waxay tiri;-

  • Haddaad heer waale joogto
  • Amaad hawd halo ku raacdo
  • Anuun baa hooyadaa ah

Sida la ogyahay , Aabahii soomaaliyeed ee reer miyaga ahaa wuxuu farxi jiray markii ay afadiisu wiil umusho, haddiise gabari ay udhalato wuu qawadi jiray wuxuuna uqaadan jiray dhib mooyee in aanay dheefi usoo hoyan, waa hiddo dheer oo ay Soomaalidu la wadaagto bulshooyin kale oo kudhaqan dalal ku kala yaal qaaradaha Africa iyo Aasiya. Waxaa kamid ah Carrabtii jasiirada ku dhaqnayd oo muddo dheer ay hiddo u ahayd aasida Aabbe waliba gabadhii udhalata in uu nolosha ku aaso, tiiyoo soo eegaysa lagana yaabo in ay u ilkacadaynayso , iyada oo faraheeda curdanka ahna gargiisa kula jirta.

Dhaqankaas naxariista daran sabibihii ugu wacnaa waa iyaga oo kabiqi jiray gabadhu berri kamaalin in ay reerka ceeb usoo jiiddo, Soomaalidii reer miyiga ahaydse sababa aysan taasi ku jirin ayay gabadha ku qawadi jireen, kuna nici jireen. Madaxa qoyska oo Aabaha ahi wuxuu kolwaliba kutaami jiray in uu arko cid la qaybsata hawlaha ad-adag ee miyaga ka jira sida ku dagaallanka daaqa iyo biyaha, dhicidda Geela iyo dhicintiisa, sahanka, geediga, aroorinta xoolaha, shubaashooda, fulintooda iyo cid hadduu gaboobana uu ku hallayn karo. Sida iska cadna hawlahaasi ma ahan kuwo ay gabadhu qaban karaysay, inkastoo ay jireen qaar ay qabashadooda iyada uuni ay ku fiicnayd.

Sabataas ka sokow, waxaa iyaduna jirtay tu kale oo gabadhu markay dhalato aanu qoysku usoo dhawayn jirin, waxay ogaayeen markay guursato in ay reero kale kamid noqon doonto oo xoog iyo xirrib wixii uu Eebbe ku uumay ay iyaga ku biirin doonto. Sida ay ubadnaydna maalinta ay aqalgasho ayaa iyada iyo reer Aabeheedna isugu dambayn jirtay, kolkolka tirada yar ay kusoo noqotana , waxay kasoo doonan jirtay dhibaad ama kaalmo kale oo ay ugayso ninkii guursaday iyo carruurtii ay isu dhaleen, taasna waxaa markhaati u ah Hooyadii uurka lahayd ee lagu yiri heblaay da’daan armaad gabar siddaah, markaasbay heestaan ku warcelisay iyada oo garowsan waxa su’aashsa loola jeedo iyo fikradaha ay xambaarsan tahay, waxay tiri:

  • Dhibaay gabar dooni mayo
  • Dhibkeediyo dhiga xirkeeda
  • Ninkii ma dharaaranteeda
  • Dhibaad soo doonad keeda

Dhinaca kale, gabadhaas wiilka ay walaalaha yihiin isagu tubtaas ma maro. Kolkii uu barbaar noqdo iyo xillaga uu doobka yahay , marwalba isaga ayaa cidda ciidan u ahaan jiray, hawlaha ad-adag oo idilna isaga ayaa odayga ka xigsan jiray. Markii uu reer yeeshana waxay ubadnayd aqalka Aabihiis in kiisana laga feerdhiso , halkaas ayuu ku nagaan jiray isaga oo maamulka iyo talada qoyskana qayb-libaax ka qaadanaaya, ugu dambaystana waxay ahaan jirtay markii uu odaygu geeriyoodo isagu in uu maamulka reerka ka dhaxlo, si buuxdana uu ugu arrimiyo.

Haddaba hooyo soomaaliyeed oo ku dhex noolayd bulshadaas aanu soo tilmaamnay ayaa afar da’ood ay dhashay afar gabdhood isku xujisay, sidaas darteedna ninkii ay udhaxday iyo intii isaga xigtada u ahaydba arrintaas way ka murugoon jireen.
Haweenaydii ayaa waxaa lagu xantay in ay gabdhoolay tahay, ninkeediina waxaa dhegaha loogu shubay haddii aanu goor hore iska siidayn in ay gablamin doonto, hayeeshee isaga oo aan weli taladaas qaadan ayay uurkii shanaad qaadatay, waxay ogayd in ula booca loogu tukubaayo, sidaas owgeedna markii ay wallacdy illaa sagaaalaysadkii marwalba way ducaysan jirtay, waagu markuu barto iyo qorraxdu markii ay baalka dhigato , labada cirguduudoodba Eebe ayay ka baryi jirtay waxa caloosheeda ku beermay inuu wiil uga dhigo, talow maxaa laabteeda ka guuxaayay?

Marka hore waxay ka baqaysay haddii da’daana ay dhedigayso in la furo oo shanteeda gabdhoodna lagu dayriyo, marka labaadna waxa ay ka baqaysay xittaa haddii aanan lasiidayn ninku in uu ka minyareeyo, dabadeedna haweenayda cusubi ay wiilal udaadiso, berri ka maalinna markii uu geeriyoodo iyada gabdheheeda dhaxalkooda la seejiyo. Marka saddexaadna waxay ka cabanaysay uurkeedu hadduu uu gabar noqdo in lagu wiirsado oo hebel iyo hebelkii awalba saygeeda ku diri jiray in ay sacabtuntaan, isaguna kalkaa diradirahooda u nuglaado.

Maalintii dambe weli iyada oo aan sagaalkeedu go’in ayay fooshii qabatay, Udbaha aqalka ayay midba mar ku dhegtay dumarkii ka dhallin jirayna umasoo degdegina cabbaar ayay ka dibdheceen, iyaga oo alaladka foosha dhab umaqlahaya ayay hadana kas isaga dhagatiraayeen, waxay hoos iska lahaayeen “maxay la qaylinaysaa? Kollay ma wax aan gabar ahayn baa laga soo hoos qaadahayaa” . Ugu dambaystiina waxa iyaga oo wahsanaaya aqalkii haweenaydu ku foolanaysay xaggiisa usoo dhaqaaqay dumarkii reeraha laba kamid ah oo dhawrkii da’ood oo horaba ka umulin jiray, geed aan guriga kafogaynna waxaa fadhiyay ninka ay ooridiisu foolanayso iyo dhawr kale oo ay xigto ahaayeen, halkaas ayayna isaga sheekaysanayeen iyaga oo maqlaaya gudaha aqalka waxa ka socda, waxaysa u ekaayeen rag aan dan ka lahayn haweenayda xanuunka foosha la halgamaysa iyo qofka ay dhali doonto toonna.

Wax yar kadibba Rabbi intuu ufududeeyay ayuu kala keenay waxaa lagu gartay alaladkii aqalka kasoo baxaayay oo si kadis ah ujoogsaday, mashxarad xoogleh oo iyaga oo kor ugu dheeraysanaaya labadii ka umulisay kasoo yeertay sida iyaga oo nimanka geedka fadhiya wax maqashiinaaya, raggiina farriintii garte , waxay ogaadeen reerka in uu wiil kusoo biiray, haddii kale miyaa la mashxaradi lahaa.

Intaas kadib, waxay raggii usoo kicitimeen dhankii aqalka, dhawr ilmilicsi kadibna hortiisii ayay isasoo tubeen iyaga oo sheekadoodii horana iskasii wata, dabadeedna labaddii umulaysay middood oo muluqii hadda dhashay gacmaha kusidda ayaa soobaxday oo raggii la dhextimid mise waa wiil caloosha kukobcay indho waaweyn fayoobi badanna ay kamuuqato, hadaba aabaha dhalay dan ha ugeline, waxaa ila malaysaa xaddigii ay le’ekayd farxaddii maashaysay hooyadii gabdhoolayda lagu sheegay ee haddii ruux dheddig dhali lahayd qarka usaarnayd iyada iyo gabdheheedaba in reerka laga saaro. Dabadeed dharaartii ay umushay dharaartii ku shan ahayd ayay uheestay wiilkii oo quruxdiisii ay isasoo tartay, waxay usheegtay markii uu dhashay sidii xad-dhaafka ahayd ee iyadu ugu rayraysay iyo dhalashadiisii kadib raggii seygeeda ku diri jiray siday candhuufta dib ugu liqeen, nimankaas dumaashiyaalkeed ah iyada oon toos umagacaabayn ase dhurwaayo ku tilmaamaysa ayay wiilkii ugu heestay:-

  • Markaad dhalatoo dhawaaqday
  • Dhadiyo dhaxan baa iga duushay
  • Dhirtaa iiwada magooshay
  • Dhulkaa iiwada iftiimay
  • Dhurwaayaa iga dareeray

Dhammaad

Sheekooyinkaan iyo murtidooda waxaa nooga sheekeeyay Lafagure Axmed Faarax Idaajaa, waxaana qalinka dambe leh Dr. Cabdiraxmaan Maxamuud Yuusuf (Geyllan).

Ceel

Jaadadka Ceelka

  1. Ma’wi: Ceel biyo badan
  2. Mataan: markuu Af yaryahay Ase hoos udheeryahay
  3. Goof: Ceel maran ama biyo yar
  4. Laas: Ceel biyihiisu dhawyihiin, inta ay roobabku geliga ku dambeeyaanna xoolaha laga waraabsado.

Maahmaahyo :

  1. “Ceel nin galay baa laga wareystaa”.
  2. “ceel biyo lihi ma foga”.
  3. “Cidna uma maqna, Ceelna uma qodna”

Gabay
🔵Markuu duraha jiilaal koco, oo doogga la idlaysto
🔵Duurkiyo dayada hawd, markii damac kusoo jeesho.
🔵Laaskuu ku dalandooli jiray , loogu degi waaye
🔵Alla daw-guduudii wardheer, kama durduuraane
🔵Dawadeedu waa jeelinley, uga dulgeeraare
🔵Ceelkii biyaha diiranaa, looma dawdamo e.
🔵Dixda qarandi, deerooy mataan, loo dardari waaye.

Saxarla’- Abwaan Hadraawi

Mirihii Saxarla’

Ku sinaan dharaartii
la sargooyey dunidee
Rabigay sameeyee
cirka sare u taagee
xiddigaha siraatiyo
dayax suudi meeriyo
lagu sugay cadceeddee

Sagalkiyo daruurtiyo
lagu xidhay sitaacee

Dhulka gogol laseexdiyo
sabo lagu negaadiyo
laga dhigay sindadabkee
buuraha la saaree
Dhirta samayda ciidiyo
salka loogu joojee
saddexlaab badiyo webi
lagu yidhi sabbeeyee

Dabadeed la saanyee
qofba meel la siiyee
saldhigeedu qaydnaa

Cidi uma sinnaynoo
dadku ruux sabooloo
saranseer ku raagiyo
guryosamo nin yaalloo
sidka dhalay ku haystoo
heley seermawaydiyo
laba kala sadroonbaa
subax noolba joogee

Waan soo socdaa kowdhe
waxna waan sidaa labo dheh
samir yeelo weligaa
Saxarlaay ha fududaan

salfudaydku Xaawuu
jannadii ka saaree
ruuxaad sugaysoo
maqan waa la saadshaa
sahan waa la dhowraa.

Ha sahwiyin ha salelin
sarka-dhaban ha noqonine
ha saluugin qaybaha
qalinbaa saxeexee
Waxaan Saatir kuu qorin
ha u suul-dhabaalayn.

Kala saar run iyo been
kala garo sir iyo caad
In salaadu weligeed
kala tahay sunniyo faral
u ogow saxiyo maan

Inaad saamo jiiddiyo
sanqadhtirasho kala daa
naf jacayl sawaabayoo
sanka kuu dalooshoo
kuu sudhay hoggaan baad
u siddaa maqaarkee
haku dabo saqlaysee
ha u gaabin seetada

Sogsogtiyo cadaaddiyo
ha ku saydhin laamaha

waan soo socdaa kowdhe
waxna waan sidaa labo dheh
samir yeelo weligaa
saxarlaay ha fududaan

Uubato ama Yey

Uubato: bahal duurjoogta kamid ah oo eyga isku bahyihiin badanaana koox koox u ugaarsada #Uuley
Uubateyn: sida uubatada udhawaaqid.
laboodka uubatada waxaa layiraah #Halyey, halka dhedigoodka laga yiraah #yeey.
Tusaale suugaaneed

  1. Heeso-hawleedyada geeljiruhu geeliisa ugu heeso waxaa kamid ah:
    Meel aan ari marin
    Ugaar mooyee
    Aarankaagiyo
    Aar libaax baa
    Arooryada hore
    Uubarayn jiray

Raage ugaas oo Soomaalidu u aqoonsan tahay aabaha maansada Soomaalida ayaa mar rag haldoor ah laga laayay wuxuu ku alalade:
**Haddaan ooyo naagaan arkoo wax uma aaboobin
**Haddaan aamusnaadana qalbigu ii askumi maayo
**Haddaan igadhyo maalana anfaco ku ilsamaan maayo
**Haddaan ilaxidh seexdana hurdadu alalad bay dhaafin
**Haddaan eegi dheer fuulo aan ololo oon reemo
**Oon #uubateeyana raggii iigu iman maayo

Meesi ama Waryahaad

Waryahaad ama Meesi: 𐒓𐒖𐒇𐒕𐒖𐒔𐒛𐒆 𐒖𐒑𐒖 𐒑𐒜𐒈𐒘 waxaa la yiraahdaa afarta jaad ee xoolaha la dhaqdo ah, Geela, Lo’da, Ariga iyo Gammaanka(Fardaha iyo Dameeraha).


Gammaan 𐒌𐒖𐒑𐒑𐒛𐒒: waxaa la isku yiraahda Fardaha, Dameeraha iyo Farowga.
Ishkin 𐒘𐒉𐒏𐒘𐒒: waa 4ta meesi labada ugu waaweyn oo ah Geela iyo Lo’da
waxaa jira iyana Ishin oo layiraahdo ugaadha kuwooda waaweyn, halka kuwooda yaryarna la yiraahdo Yaris.
Geesley 𐒌𐒜𐒈𐒐𐒗𐒕: xoolaha labada geesaha leh oo ah Lo’da iyo Riyaha.
Waxaa kaloo jira ugaadha qaar geesley la yiraahdo oo ah inta geesaha leh.
Raafley/Qoobley 𐒇𐒛𐒍𐒐𐒗𐒕/𐒎𐒝𐒁𐒐𐒗𐒕: waxaa layiraahda Ugaadha iyo Waryahaadda qoobka leh. Meesiyada inta qoobka lehi waa Ariga, Lo’da iyo Gammaanka.
Raafleyda qaar qoobkoodu waa mid (Faras, Dameer ,Farow), qaarna labo buu u kala
Dillaacsan yahay (Ari, Lo’ ,Eeelo).
Nugul 𐒒𐒚𐒌𐒚𐒐: Xoolaha Intooda aan harraadka u adkeysan (waa Lo’da, Fardaha iyo Idaha)
Reercad 𐒇𐒜𐒇𐒋𐒖𐒆: waxaa la isku yiraahda Geela iyo Riyaha.
Reermadow 𐒇𐒜𐒇𐒑𐒖𐒆𐒙𐒓: waxaa la isku yiraahda Lo’da iyo Idaha.
👉Faafi dhigaalkan

Fardaha

Fardo : nooc kamid ah meesiyada la dhaqo

Farduhu wuxuu kamid yahay Gammaanka , oo kasii mid ah xoolaha la dhaqdo, waa astaan u taagan dagaalka iyo safarka , Fardaha Soomaalidu waxay u adeegsan jireen:-
1. Xarago ahaan
2.Sahanka
3.Duulaanka
4.Yarad ahaanna waa loo bixin jiray .
Faraska kiisa lab Faras baa layiraahda kan dhedigna Geenyo , gurboodkiisa waxaa layiraahda Garmaamn, sidoo kale magiciisa guud waxaa loo yaqaan Khayl.

Jaadadka Fardaha

Farduhu waxaa loo qaybshaa 7 marka oo eego dhanka midabkooda , waxaana lakala yiraahda:-
1.Ashkir 𐒖𐒉𐒏𐒘𐒇 : faras wada cas.
2.Caynab 𐒋𐒖𐒕𐒒𐒖𐒁: faras wada madow.
3.Qaaje 𐒎𐒛𐒃𐒗: faras wada cad.
4.Bullaale 𐒁𐒚𐒐𐒐𐒛𐒐𐒗: Faras midab dambar ah leh, marmarka qaarna timaha iyo adimuhu madow yihiin.
5.Xamar 𐒄𐒖𐒑𐒖𐒇: faras cas ama bunni ah balse ay timihiisu madow yihiin.
6.Bood 𐒁𐒝𐒆: faras midabkiisu uu yahay caddaan balse cawl ku dheehan yahay.
7.Baroor 𐒁𐒖𐒇𐒝𐒇: waa faras hal midab kaliya aan lahayn.

Jaadadka Orodka Fardaha Marka loo eego orodkiisa:-


Magaan: Fardaha gaabiya
Baxdow: Fardaha aadka udheereeya

Xaallada orodka fardaha ayaa loo kala yaqaana sidaan:-
Gaalib : markuu orod yar samaynayo
Kadle :markuu afarta addin ku yara ordayo
Qaatime :Markay durdurinayaan waxaa la dhahaa
Nuuxayn :Markay iska taxtaxaashayaan waxaa la dhahaa
Garmaame : Marku xilliga barwaaqada lagu jiro orod qurxoon ay sameeyaan.
Koose : Orodka ugu gaaban ee farduhu sameeyaan
Wankalaali :Bootinta dheer ee fardaha
Waxa kaloo orodka fardaha kamid ah : HARDAF , JEEFAG

Farduhu markay Boqol gaaraan waxaa looyaqaana Wegen
Codka Fardaha ayaa loo yaqaan Danan


Gabaygii Jaadadka Fardaha

Gabyaagii caanka ahaa ee AUH Faarax Afcad ayaa gabay ka tirshay Fardaha iyo jaadka ugu dheereeya , Gabyaagu wuxuu tixdaan ku bilaabay:-

  • Ashkir orodki waa maalintuu, oofoweyn yahaye
  • Ol olaha nin jacel baan ahee, yuusan ii imaanin
  • Addin-gaab arooryada hore yuu igigif leeyaaye
  • Uur-yacay abaar kama baxee, yuusan ii imaanin
  • Bullaale af adayggaan ku nacay, aar ha soorido e
  • Niman urursan buu kuu geshaa, yuusan ii imaanin
  • Ma irdhaysna oo caynab, waa faras Ogaadeene
  • Oday baa ubbada loo suraa, yuusan ii imaanin
  • Nin ugaarsadaa xamarka jacel, orod dambeedkiise
  • Usha iyo dhawaaquu sugaa, yuusan ii imaanin
  • Hadduu oomo boosayga naftay, kala aguugaane
  • Aroorkii maqnaa kuma simee, yuusan ii imaanin
  • Qaajayga indhaha diiran lihi, waa inkaar qabo e
  • Oodda iyo qodxaha kama gudee, yuusan ii imaanin
  • Isha waxaan la raacaa fardaha, kii ilwaad badane
  • Afar midable oofta iyo fanka, iyo araxdu weynaatay
  • Oogada madoobow baroor ubaxa baan dooni.

Laboodka & Dhedigoodka Nafleyda

Qaybta koowaad Nafleyda ayaa loo qaybshaa laba qaybood oo kala ah:
Duurjoog iyo Dabjoog Duurjoog 𐒆𐒓𐒇𐒃𐒝𐒌: Nafleyda inta duurka ku nool ayaa layiraahdo Duurjoog ama cidla’joog.
Dabjoog 𐒆𐒖𐒁𐒃𐒝𐒌: Nafleyda inta dadka la nool oo ay kamid yihiin Xoolaha la dhaqdo ayaa la yiraahda Dabjoog.

Maantay waxaan idiin soo gudbinaynaa laboodka iyo Dhedigoodka Duurjoogta qaybtii koowaad:

Qaybtii 1aad

LabDhedigDuurjoog
Aar / GucumaaleBaranbarqo / GoolLibaax
Arbe / ArayeGoso / QalanjoMaroodi
Wiyil-kaGosolWiyil (Wiyisha)
Qoriyaale/SanqatabAdeeryoGoodirweyne
Darcad/CaarreCaarreyGoodiryare
LiigLiigGaranuug
Saryan/GaashaanleDuqBiciid
Haldhaa/GorayHaldhurre/Booso/GorayocawlGorayo/Goranyo
DeerDeeroEelo
AtoorYacSagaaro
DaaxuurSaayoDaanyeer
GereyGuraantiGeri
JaxeerMasaalCawl