Maalmaha Afsoomaaliga

Sooroga π’ˆπ’π’‡π’™π’Œπ’–: waa maalinta toddobaadka soo rogaal celisa Af-carabigana loo yaqaan Sabti.
Koobin π’π’π’π’˜π’’: waa maalinta koowaad ee todobaadka Af-carabigana loo yaqaan Axad.
Lammin π’π’–π’‘π’‘π’˜π’’: waa maalinta labaad ee todobaadka Af-carabigana loo yaqaan Isniin.
Lamatooka 𐒐𐒖𐒑𐒖𐒂𐒝𐒏𐒖: waa maalinta dhextaalka u ah toddobaadka 3 maalmood waa ka horreysa 3 maalmoodna waa ka dambeysa Af-carabigana waxaa lagu yiraahdaa Talaado.
Koodaar 𐒏𐒝𐒆𐒛𐒇: waa maalin farxadeed Soomaalidu dhaqan ulahaan jirtay in talada iyo shirarka maalintaas la go’aamiyo, Af-carabigana waxaa lagu yiraahdaa Arbaco.
Hakisa π’”π’–π’π’˜π’ˆπ’–: waa maalinta koowaad ee laga nasto hawlihii ama waxbarashadii todobaadkaas lasoo waday, waxaana Af-carabiga lagu yiraahdaa Khamiis.
Hakisabila π’”π’–π’π’˜π’ˆπ’–π’π’˜π’π’–: Waa maalinta labaad ee laga nasto hawlihii ama waxbarashadii todobaadkaas lasoo waday, waxaana Af-carabiga lagu yiraahdaa Jamce

Hakisooyin π’”π’–π’π’˜π’ˆπ’π’•π’˜π’’: Hakisooyinku waa labada maalmood ee la nasto todobaadka Soomaalidana u dambeeya (waa Hakisa iyo Hakisabila)

πŸ‘‰La wadaag Jaalleyashaada
#Baro_Afkaaga_Hooyo #Maalmaha_toddobaadka