Fardo : nooc kamid ah meesiyada la dhaqo

Farduhu wuxuu kamid yahay Gammaanka , oo kasii mid ah xoolaha la dhaqdo, waa astaan u taagan dagaalka iyo safarka , Fardaha Soomaalidu waxay u adeegsan jireen:-
1. Xarago ahaan
2.Sahanka
3.Duulaanka
4.Yarad ahaanna waa loo bixin jiray .
Faraska kiisa lab Faras baa layiraahda kan dhedigna Geenyo , gurboodkiisa waxaa layiraahda Garmaamn, sidoo kale magiciisa guud waxaa loo yaqaan Khayl.

Jaadadka Fardaha

Farduhu waxaa loo qaybshaa 7 marka oo eego dhanka midabkooda , waxaana lakala yiraahda:-
1.Ashkir 𐒖𐒉𐒏𐒘𐒇 : faras wada cas.
2.Caynab 𐒋𐒖𐒕𐒒𐒖𐒁: faras wada madow.
3.Qaaje 𐒎𐒛𐒃𐒗: faras wada cad.
4.Bullaale 𐒁𐒚𐒐𐒐𐒛𐒐𐒗: Faras midab dambar ah leh, marmarka qaarna timaha iyo adimuhu madow yihiin.
5.Xamar 𐒄𐒖𐒑𐒖𐒇: faras cas ama bunni ah balse ay timihiisu madow yihiin.
6.Bood 𐒁𐒝𐒆: faras midabkiisu uu yahay caddaan balse cawl ku dheehan yahay.
7.Baroor 𐒁𐒖𐒇𐒝𐒇: waa faras hal midab kaliya aan lahayn.

Jaadadka Orodka Fardaha Marka loo eego orodkiisa:-


Magaan: Fardaha gaabiya
Baxdow: Fardaha aadka udheereeya

Xaallada orodka fardaha ayaa loo kala yaqaana sidaan:-
Gaalib : markuu orod yar samaynayo
Kadle :markuu afarta addin ku yara ordayo
Qaatime :Markay durdurinayaan waxaa la dhahaa
Nuuxayn :Markay iska taxtaxaashayaan waxaa la dhahaa
Garmaame : Marku xilliga barwaaqada lagu jiro orod qurxoon ay sameeyaan.
Koose : Orodka ugu gaaban ee farduhu sameeyaan
Wankalaali :Bootinta dheer ee fardaha
Waxa kaloo orodka fardaha kamid ah : HARDAF , JEEFAG

Farduhu markay Boqol gaaraan waxaa looyaqaana Wegen
Codka Fardaha ayaa loo yaqaan Danan


Gabaygii Jaadadka Fardaha

Gabyaagii caanka ahaa ee AUH Faarax Afcad ayaa gabay ka tirshay Fardaha iyo jaadka ugu dheereeya , Gabyaagu wuxuu tixdaan ku bilaabay:-

  • Ashkir orodki waa maalintuu, oofoweyn yahaye
  • Ol olaha nin jacel baan ahee, yuusan ii imaanin
  • Addin-gaab arooryada hore yuu igigif leeyaaye
  • Uur-yacay abaar kama baxee, yuusan ii imaanin
  • Bullaale af adayggaan ku nacay, aar ha soorido e
  • Niman urursan buu kuu geshaa, yuusan ii imaanin
  • Ma irdhaysna oo caynab, waa faras Ogaadeene
  • Oday baa ubbada loo suraa, yuusan ii imaanin
  • Nin ugaarsadaa xamarka jacel, orod dambeedkiise
  • Usha iyo dhawaaquu sugaa, yuusan ii imaanin
  • Hadduu oomo boosayga naftay, kala aguugaane
  • Aroorkii maqnaa kuma simee, yuusan ii imaanin
  • Qaajayga indhaha diiran lihi, waa inkaar qabo e
  • Oodda iyo qodxaha kama gudee, yuusan ii imaanin
  • Isha waxaan la raacaa fardaha, kii ilwaad badane
  • Afar midable oofta iyo fanka, iyo araxdu weynaatay
  • Oogada madoobow baroor ubaxa baan dooni.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *