Idaha iyo Kaalintooda
Dhib iyo dheef waxay ku qabaanba , iduhu dhulka Soomaalida oo idil waa ku dhaqmaan. Iduhu waxay ugu taran badan yihiin buurta dhereran Raascasayr illaa geyiga Danaakirada , cariga kasoo rogan ee dhaxanta leh gaar ahaan gobolka Sanaag.
Afsoomaali ahaan , xilliga ay xooluhu taranka udiyaarka yihiin waxaa la yiraahdaa Geelii waa abaaha-qaatay, Lo’dii waa booddo-qaadatay , Arigiina waa orgoodeen. balse gobolloda iduhu hodanka ku yihiin , idaha ayay gaar usoocaan markaas bay isugu warramaan , idihii hebel waa Sumladeen.
Iduhu waa nugul , sidaas daraadeed ninkii dhalmadoodu markay ku aadi doonto aan ka fiirsan, waa dhaafaan. Xilli baa loo eegaa, waxaa laga ilaaliyaa in ay dhalaan diraac laga yaabo in ay dheeraato, markaasoo ay ubadan tahay inta duukhaan in ay dabar go’aan. waxaa ugu fiican bay oran jireen , bartamaha dayrta in ay rimaan dabadeedna seermaweydada guga ay dhalaan, sidaas darteed xilli ay malaynayaan in la doogsan doono mooyee goor kasta sumalka kuma siidaayaan, taasna Soomaalidii reer miyiga ahaydi waxay uheshay farsamada xamilka loo yaqaan ee wanka lagu xiro , in uu laxda rimiyana lagaga hortago. Dhinaca kale Sumalka idaha laga celin waayo isna si kale ayay ufurdaamin jireen, malmal bay inta uqadaan ka waraabin jireen kolkaas buu qooqfuri jiray.
Xooloyaqaankii Soomaaliyeed waxay oran jireen , saddex baa idaha baabi’isa : Suul, Suluf iyo Sumal.
1.Suulku waxaa loola jeeda laxda dhashay haweenayda siday guga umaalayso caanaheeda sii macaansata ee aan ka fuqine, xagaagana haruubka ladaba taagnaata iyada oo nayshiina udheertahay.
2.Suluftuna waa cambaar idaha gasha oo udhiganta cadhada geela iyo riyaha ku dhacda, uskaga ayay sababsataa waxaana wax laga saaraa:
B. Mooro aan laga saxar tirin oo lagu xareeyo.
T.Dhul kulul oo lageeyo.
J. Ama xilli roobaadkii hore oo aanay doogsan si wacanna umayrmin.
waa laga daweeya , halka dhogortu uga taal oo garbaha ah ayaa laga xiiraa, dufanna waa laga mariyaa, si hilibka iyo haraggu ay ukala fuqaan, ninkii aan sidaas ula tacaalinna xeradiisa waa ku yaraada.
3. Sumalka oo ah wanka rimiya idaha , kaas oo ay ku riiqdaan haddii xilliga lagu siidaynayo aan loo meeldayin oo in ay sumalxadaan aan laga ilaalin.
Waxaa layiri nin reer Barbaraad ahaa ayaa jeer idihii ka le’deen, kadib isaga oo aan xidigaha u eegin marka iyaga iyo sumalkii faraha iskaga qaaday, bartamaha diraac dheeraatay kolkay wada dhaleen oo biyo iyo baad li’i ay la joogsadeen ayay huf iyo halaan jirin noqdeen, maalintii dambe haweenaydii udhaxday oo xerada maran la qarracantay ayaa odaygii hiif iyo haaraan kula dhacday , markaas buu uma garaabine eedeedii iska daafacay, gabay uu utiriyay qaybo kamid ah ayuu ugu sheegay isaga aawadiis in aan idahoodii ku le’ane, ay eersadeen abaartii gaagmareebtada ahayd ee uunka kala gaabisay, tusaale wuxuu usiiyay xoolaha la dhaqdo geelii ugu adkaysiga badnaa oo awriisii ay weyda la kici la’dahay, banankana ku wada bakhtiday, ugudambstiina wuxuu ku tuuray weydiin aan quursi ka taganayn oo ah ” naa hooy waad iga gardaran tahaye , ma anaa geela baaba’ayna baarqabbo uqumiyay, mise anigaa sumallo kusiidaayay” , halku dhiggii tixdaas laga qabsaday ayaa wuxuu ahaa :
“Haddii awr iyo waa’ lagu ogaa heeryo in uu qaado
Uu wada habsaday hilimadii lagu hayaamaayay
Oo uu so’ iyo hilibba gabay, kaana yaa uhayay”.