Noole Iyo Manoole

Qeexida Noolekasmada
Erayga “biology” asal ahaan wuxu ka yimid afka Giriiga “bio” macnihiisu waa “nolol” “logy” na waa “barasho” Marka micnaha guud ee erayga waa barashada nolosha iyo maatarka nool. Si fudud waxa loogu qeexa bayoolajigu waa sayniska nolosha.

Qaybaha Noolekasmada
1. Dhirkasmo (Botany): waa barashada dhirta, waxa kamid ah cilmiga beeraha.
2. Nafleykasmo (Zoology): waa barashada xayawaanka, waxa kamid ah dabeecadaha xayawaanka.
3. Xubnoolkasmo (Physiology): waa barashada shaqooyinka maatarka nool iyo xubnaha.
4. Noolekasmo unugeed (Cellular biology): waa barashada aasaaska halbeegyo unugeedka maatarka nool.
5. Halhalynta (Anatomy): waa barashada qaab-dhismeedka maatarka nool.
6. Hiddokasmo(Genetics): waa barashada hido-sidaha, kala duwanaashaha hiddaha iyo hiddaha maatarka nool.
7.Abla-ablayn(Taxonomy): waa cilmiga magacaabida, qeexidda iyo kala soocida noolayaasha.
8. Deegaankasmo(Ecology): waa barashada xiriirka ka dhexeeya noolayaasha iyo deegaankooda.


ASTAAMAHA MAATARKA NOOL
●Unugyada:(cells) Noolayaasha dhami waxay ka kooban yihiin unugyo aad u yaryar. Unuggu waa halbeega shaqo iyo dhisme ee ugu yar ee uu leeyahay noole. waxa loo qaybin karaa hal-unugle iyo unugyo-badane iyadoo loo eegayo tirada unugyada ee uu leeyahay. Bakteeriyada,Amiibada iyo Borotosuwaha dhamaan waa noocyo kamid ah hal-unuglayaasha. Dadkuna waa qayb kamid ah unugyo-badanayaasha.

●Dhaqdhaqaaq (Movement): tani waa awoodda uu nooluhu ku tegi karo meesha uu ku sugan yahay meel aan ahayn iyada oo aysan awood dibadda ka timidi riixaynin.inkasto dhaqdhaqaaqa dhirtu si guud ahaaneed uu sababo caarin dibadda uga timid taas ayaana keentay in layiraahdo dhirtu ma dhaqdhaqaaqdo oo waxay ku dhagan tahay dhulka balse marmarka qaarkood ujeesashada iyo jalleecida dhanka iftiinka ayaa loo tixgeliyaa qayb kamid ah dhaqdhaqaaqa.

●Koris iyo Kabis (Growth and Repair): koristu waa miisaanka ama culayska iyo jimidhka jirka waxa nool oo intoodii hore ka bata. Nafaqaysiga intii tamar ahaan loo adeegsaday mooyaane intii kale waxa ay ka mid noqotaa jirka noolahaas taas ayaana layiraahdaa koris. Noole kastaa waxa uu leeyahay da’ uu ku dhammaysto korista. Sido kale noolaha waxaa astaan u ah in ay kabi karaan jirkooda, oo ay beddeli karaan ama kabi karaan wixii beddelaad ubaahan.Tusaale ahaan, 27dii maalmoodba mar ayaa uu maqaarkeennu iscusboonaysiiyaa, oo kii hore inta uu dhaco ayaa mid kale booskiisii galaa. Sidaas darteed korista iyo kabistu waa astaamo aad muhim ugu ah nolosha.

●Neefsasho(Respiration): Waxa nool oo dhami marka laga reebo in yar oo bakteeriya ah mooyaane waxay hawada ka qaatan ogsijiin waxayna hawada ku daraan kaarboon laba-ogsaydh (CO2) iyo uumi-biyood. Habkaasina waxa uu ku dhaca habka layiraahdo Neefsasho.

●Taran (Reproduction): taranku waa awoodda nooluhu ku dhalaan wax la mid ah oo u eg ayna isku sinji yihiin. Taranku waa waxa qura ee lagu ilaaliyo laguna dhawro mustaqbalka noolaha.

●Dareen (Sensitivity): nooluhu waa in ay qaabilaan oo qabatimaan wax allaale wixii ay kala kulmaan degaankooda, taas oo u baahan in ay ogaadaan waxa degaankooda ka dhacaya. Ogaanshahaas ay kula socdaan xaaladaha degaanka ku hareeraysan iyo fal-celinta (Response) ay ka bixiyaan carisyada (stimuli) kaga imanaya degaankooda, ayaa la yiraahdaa dareen.

●Dheefsasho ama Nafaqayn (Metabolism or Nutrition): nafaqayntu, sida cuniddu, waa astaan ay wadaagaan dhammaan nooluhu. Waxaana ay cuntadooda ka helaan degaanka ay ku nool yihiin ee ku hareeraysan. Waxa nooli waxa ay cuntada ka helaan tamar ay ku qabsadaan hawlahooda kala geddisan ee ka dhacaya habdhisyada jirkooda. Dheefsashada waxaa loo qaybiyaa labo kala ah:
1.Dheef samayn (anabolism): waa habka loo dhiso iskudhafka molikiyuullada(molecules).
2.Dheef burburin (catabolism): Waa habka loo burbiriyo iskudhaf molikuullo (molecules) dhisnaa.

●Qashinsaar (Excretion): hawlaha jirka nooli qabanayo waxaa ka dhasha waxyaallo qashin ah oo loo baahan yahay in jirka dibadda looga saaro si jirku caafimaad u helo had iyo gooraale. Ogowna noolaha oo idil waa ay ka siman yihiin tilmaantan qashinsaarka waana astaan lagu garto in ay nololi jirto.

●Uurdegenaanta (Homeostasis): wuxuu tilmaamayaa awoodda gudaha jirku ama unuggu uu joogteeyo si uu uhelo xaalad isku miisaaman ama dheelitiran. tusaale ahaan marku qofku caafimaad qabo heerkulka jirkiisu wuxuu ku ekaanayaa 98.6 D.F .

Kala duwanaashaha Maatarka nool iyo midka aan nooleyn
Qaar kamid ah tusaalaha maatarka nool ee an marwalba aragno waxa kamid ah; dhamaan xayawaanka uu dadku kamid yahay,dhirta iyo noolayaasha ili-maqabatayda ah. Balse maatarka aan noolayni ma laha dhamaan astaamaha aan kor ku xusnay. Kuwaasi ma koraan, ma neefsadaan,ma socdaan,ma hormaraan,ma qashin saaraan, sido kale uma ubaahna tamar mana ilaaliyaan homo-istaasiska sidaas darteed ma aha maatar nool.

Maatarka nooli wuxuu sameeyaa dhaqdhaqaaq iyo xarakaad, waxuuna u baahan yahay hawo, biyo iyo cunto si uu u koro isla markaana u sii noolaado. Noolaha qaar, sida geedaha waxay u baahan yihiin awooda ileyska qoraxda si uu u sameeysto cunto isla markaana u sii noolaado.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *