Murti & Maahmaah

Nin Somali ah oo wax cunaya.

Wax la quuto

Sarbeebo ku saabsan Waxyaabaha la quuto
Firsooca Sarbeebaha Afsoomaaliga
QR. Maxamed Warsame Hiraabey

Wax aadane afka geliyo, cad iyo caano miday noqotaba, ayaa cutubkani hoy iyo bilow fiican u yahay, waxaana tixi ahayd: “Labo la hinjiyaba waa hunguri kii horayn jiray.”

Sarbeebta wax la quuto ayuu cutubkani ku saabsan yahay, waxaana sarbeebaha halakan kusoo arooray ay soo koobayaan sarbeebo loo adeegsado waxa la quuto, intii aan helay, iyaga iyo fasirkooodiiba.

Gawsa/Gowso-lulow

Hilb la’aan; qofka oo muddo hilib la’aan ku dhacdo.

Tusaale ahaan : Markii qofku uusan muddo hilib cunin baa waxa la yiraahdaa ‘waa gawsa lulloobey.’

macnaha: Gawso – ilkaha dambe, dadka iyo duunyadaba.

macnaha: Lul – aad u jilicsan, sida maro dhammaatay, diindiintay, lul noqotay.

Tusaale1: Gawso-lulow baa nagu dhacay, oo gawsihii baa na lulanaaya, oo na liiq-liiqanaya. Waayo, bil dhan ayaan wax hilib sheega af gelin.

Tusaale2: Haddaad gawso-lulow ka baqaysid inuu kugu dhacdo, kuguna adkaato saad hilib ku heli lahayd, dherigaaga digirta ahi yuusan dabkaaga ka degin.

Tusaale:3 Wadaaddada reer magaalka ah gawso-lulow kuma dhacdo, waayo meel ‘sab’ iyo casuumadi taal ayaa gogoshu u taal.

Ceel

Jaadadka Ceelka

  1. Ma’wi: Ceel biyo badan
  2. Mataan: markuu Af yaryahay Ase hoos udheeryahay
  3. Goof: Ceel maran ama biyo yar
  4. Laas: Ceel biyihiisu dhawyihiin, inta ay roobabku geliga ku dambeeyaanna xoolaha laga waraabsado.

Maahmaahyo :

  1. “Ceel nin galay baa laga wareystaa”.
  2. “ceel biyo lihi ma foga”.
  3. “Cidna uma maqna, Ceelna uma qodna”

Gabay
🔵Markuu duraha jiilaal koco, oo doogga la idlaysto
🔵Duurkiyo dayada hawd, markii damac kusoo jeesho.
🔵Laaskuu ku dalandooli jiray , loogu degi waaye
🔵Alla daw-guduudii wardheer, kama durduuraane
🔵Dawadeedu waa jeelinley, uga dulgeeraare
🔵Ceelkii biyaha diiranaa, looma dawdamo e.
🔵Dixda qarandi, deerooy mataan, loo dardari waaye.

Saxarla’- Abwaan Hadraawi

Mirihii Saxarla’

Ku sinaan dharaartii
la sargooyey dunidee
Rabigay sameeyee
cirka sare u taagee
xiddigaha siraatiyo
dayax suudi meeriyo
lagu sugay cadceeddee

Sagalkiyo daruurtiyo
lagu xidhay sitaacee

Dhulka gogol laseexdiyo
sabo lagu negaadiyo
laga dhigay sindadabkee
buuraha la saaree
Dhirta samayda ciidiyo
salka loogu joojee
saddexlaab badiyo webi
lagu yidhi sabbeeyee

Dabadeed la saanyee
qofba meel la siiyee
saldhigeedu qaydnaa

Cidi uma sinnaynoo
dadku ruux sabooloo
saranseer ku raagiyo
guryosamo nin yaalloo
sidka dhalay ku haystoo
heley seermawaydiyo
laba kala sadroonbaa
subax noolba joogee

Waan soo socdaa kowdhe
waxna waan sidaa labo dheh
samir yeelo weligaa
Saxarlaay ha fududaan

salfudaydku Xaawuu
jannadii ka saaree
ruuxaad sugaysoo
maqan waa la saadshaa
sahan waa la dhowraa.

Ha sahwiyin ha salelin
sarka-dhaban ha noqonine
ha saluugin qaybaha
qalinbaa saxeexee
Waxaan Saatir kuu qorin
ha u suul-dhabaalayn.

Kala saar run iyo been
kala garo sir iyo caad
In salaadu weligeed
kala tahay sunniyo faral
u ogow saxiyo maan

Inaad saamo jiiddiyo
sanqadhtirasho kala daa
naf jacayl sawaabayoo
sanka kuu dalooshoo
kuu sudhay hoggaan baad
u siddaa maqaarkee
haku dabo saqlaysee
ha u gaabin seetada

Sogsogtiyo cadaaddiyo
ha ku saydhin laamaha

waan soo socdaa kowdhe
waxna waan sidaa labo dheh
samir yeelo weligaa
saxarlaay ha fududaan