Walax-ogaalka -F-

Erayada ka bilowda xarafka F ee Walax-ogaalka (physics)

  • Fabry-Barot Method: Habka Faabri-Baarot
  • Factor: Qodob
  • Fahrenheit: Faaranhayt
  • Failure: Hallow
  • Fall: Dhac
  • Fall-out: Soo dhac
  • Farad (unit): Faradh (halbeeg)
  • Faraday Dark Space: Dululaati-madowga Faaradhey
  • Faraday Constant: Madoorsoomaha Faaradhey
  • Faraday, law of induction: Xeerka Saaqidda Faaradhey
  • Faraday, law of electrolysis: Xeerka Danab-soocidda Faaradhey
  • Fermat Principle: Xeerka Feermat
  • Far point: Bar fog
  • Feedback: Dib-u-quudsi
  • Fatigue: Gabid
  • Ferromagnetism: Feerobirlabnimo
  • Field: Badad
  • Field of vision: Badad Muuqaal
  • Field strength: Quwad badad (itaal)
  • Field theory: Aragti badad
  • Filament: Dubaalad
  • Film: Filin
  • Filter: Kala-reebe/miire
  • Filter, color: Kala-reebe midab
  • Filter, wave: Kala-reebe hir
  • Filtration: Miirid
  • Fission: Dhanbalan
  • Fission products: Taran dhanbalan
  • Fissional: Dhanbalma
  • Fixed points: Baro maguur
  • Fizeau experiment: Tijaabada Fisuu
  • Flame: Olol
  • Flare: Holac
  • Flashlamp: Guluub walacle
  • Fog: Dhedo
  • Foot (unit): Fuudh (halbeeg)
  • Foot Candle (unit): Fuut Kaandhal (halbeeg)
  • Force: Xoog
  • Force, centrifugal: Lid xoog xuduneed
  • Forced vibration: Gariir qaaban
  • Force, inertial: Xoog wahsiyeed
  • Fountain: Buq
  • Fracture: Dillaac
  • Fraunhofer diffraction: Gadaalbaah Faranhuufar
  • Freezing: Berefayn
  • Freezing mixture: Iskujir berefayn
  • Freezing point: Barta Berefowga
  • Frequency: Rakaad
  • Frequency distribution: Rakaad baahsanaan
  • Frequency, natural: Rakaad dabiici ah
  • Fresnel Biprism: Birsan-labaalaha Faresnal
  • Friction: Islis
  • Friction, coefficient: Weheliye Islis
  • Front: Wajahad
  • Fuel Cell: Unug Shidaal
  • Full: Buuxa/Idil
  • Full moon: Dayax buuxa
  • Full radiation: Kaah idil
  • Function: Fansaar
  • Fundamental physical constants: Madoorsoomayaasha fiisikaad ee salka ah
  • Furnace: Foorno/Moofo
  • Fuse: Badbaadiye/xidhiidhiye/Isku-ladhe
  • Fusion (Of Ice): Dhalaashan (Berefka)
  • Fusion (Nuclear): Iskudheg (Bu’eed)
  • Flip-flop circuit: Mareeg bigdam

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *