Bushikasmo

S. Boocowbadni Ugxaanside PCOS

Sahbugeedka Boocowbadni Ugxaanside (Polycytic Ovary syndrome PCOS)

Sahbugeedkaan Boocowbadni Ugxaanside waa mid kamid ah cudurrada Gudodhiiqaalka (endocrine) ee Dumarka haleela. Waa xaalad Geedsheed (hormonal condition) ku bilowda dumarka xilliga ay gashaantiga yihiin, gaar ahaan xilliga taranka. Waxaa summad u ah Labeedshewayni (Hyperandrogenism) sida timowga , Finqooqa, iyo ninnimowga (tus. Murqoyeelashada ). Cudurkaan Boocowbadinida sida magiciisaba laga dhadhansan karo wuxuu ugxaansidaha dushiisa kuyeesha Boocowyo tira badan taas oo ay sababeen isku dheellitirnaan la’aanta Geedsheyaasha, labeedhashaha oo jirka tirabeel ku noqda, caado-wareer, Ugxamayn la’aan (ogxanta oo kalkeedii lasoo dayn waayo) taas oo ugu dambayn hablaha ku sababta  madhalaysnimo.

Jiroolxumada

Jirku side buu uxumaada markuu cudurkaan ku dhoco?

  • Wuxuu aad ula xiriiraa Buurnida, dumarka cudurkaan qaba ayaa badanaa ah kuwo cayillan, baruurta badani waxay keentaa kor ukaca samayska dhedigeedshe doceedka (Peripheral estrogen) oo laga sameeyo nudayaasha dufanka taas oo keenta hoosudhaca nuglaanta bigooreedshaha (Insulin).
  • Hoosudhaca dareemidda Bigooreedshaha (iskacaabinta bigooreedi doceedka): taasi waxay kor uqaadaysa bigooreedshaha dhiigga (Hyperinsulinemia) waxaana ka dhalan kara:
    1. Kilkilo madoobaad (oo ah barar kuyimaada shaqmaqaarka , midabkiisuna wuu kordhaa)
    2.Badashada labeedshaha laga soosaaro unugyada Galgudeedka ugxansidaha (Theca interna cells).
    3.Soodaynta Jaalleedshaha oo korna, taas oo sababta dheelitirla’aanta LH:FSH ka. Tani waxay sababtaa goomanku (follicles) in ay qaangaari waayaan , Boocowyana samaysmaan kadib markii goomanku dillaaci waayaan, taasna waxaa ka dhasha ugxaanayn la’aan ama ugxaanyari oo ugu dambayntii keentaa madhalaysnimo.
    4.Xanibidda horriinada ama borotiinka looso gaabsho SHBG ee uu beerku sameeyo. Taasi waxay sababtaa kororka hormoonada xorta ah ee labeedshaha iyo dhedigeedshaha jirka gudihiisa.

Astaamaha bugta

Sahbugeedkan waxaa astaamo u ah:-

1.Caado-wareerka: sida:-

  • Caadiwaaga 1aad iyo 2aad
  • Caadoyaraanta
  • Caadobadnida
  • Madhalaysnimada ama Uurqaadwaaga.

    2.Xaalado maqaar: sida:
  • Timowga
  • Hoolhoolowga
  • Finqooqa
  • Kilkilo madoobaadka
  • Dufanbadnida maqaarka

    3.Iskacaabiska Bigooreedshaha iyo xaaladaha laxiriira sida Cayilka.

Bugbaarista

Cudurkaan waxaa lagu gartaa in la helo ugu yaraan laba halbeeg oo kamid ah halbeegyada Rooterdam.

Halbeegyada Roterdam:

  • Ugxanayn yari ama Ugxanayn waa’ (in ugxansidugu ugxanta soo dayn waayo ama yareeyo).
  • Labeedshe wayni (hormoonka labka oo gabadha jirkeeda kubata) taas oo lagu karto calaamadaha hoolhoolowga, timowga , finqooqa I.W.M.
  • Bararka Ugxansidaha ama Boocowyo badan oo dushiisa ku samaysma.

Shaybaarka:

Shaybaarka waa in lagu xaqiijiyaa Labeedshebadnida (Hyperandrogenism); badanaa dumarka sahbugeedkan qabana waa lagu ogaadaa gaar ahaan badnaanshaha hormoonka ama Geedshaha loo yaqaano Xaniinyeedshe (Testosterone).

Sidoo kale waxaa kordha hormoonka Jaaleedshaha (Luteinizing Hormone) (lehna saamiga LH:FSH >2:1 ) badanaa dumarka boocowbadnida ugxaansidaha qaba waa lagu arkaa sidaan.

Daaweynta

 Gabdhaha qaba sahbugeedkan waxaa haboon in BMI koodu uu yaraado 25kg/m2.

Bukaanada waxaa loo kala qaadaa labo : 1. Bukaan qorshaynaya in uu uurqaado iyo bukaan aan qorshaynayn.

  1. Bukaanka aanan qorshaynayn in uu uuryeesho:

Daliigta 1aad: waa daweynta waxaa u ah COCs (uurqaaddiid afeedka dhafan) (compined Oran Contraceptives)
Daliigta 2aad: Metformin : dawadaan waxaa caadiyan lagu daweeya bukaanka qaba macaanka heerka 2aad.

Faa’iidooyinka dawadaan waxaa kamid ah:

  • Waxay yareysaa suuragalnimada tarmowga maxalgudeedka (uurku in uu saa’id utarmo) (Endometrial hyperplasia) amaba halista kansarkiisa.
  • Waxay yaraysaa caadadhiiigga badan
    • Waxay yaraysaa Finanka.

      2. Bukaanada raba uurqaadista:
  • Letrozole : waa dawo ka saacidaysa  soodaynta ugxaanta, waana daliigta 1aad siismo ahaan
  • Exogenous gonadotropins: Tirrooriga ama dooska dawadan waa in uu yaraada, markaas isna wuxuu ka caawin karaa soodaynta ugxaanta iyo uurqaadista gabadha, waana daliigta ama heerka labaad dawo ahaan.

Dhibaatooyinka

Dhibaatooyinka ka dhasha cudurkaan waxaa kamid ah :-

  1. Xanuunada wadnaha
  2. Macowga ama Macaanka jaadka 2aad
  3. Ilmadilanka
  4. Carsaanyowga ama Kaankarada Maxal gudeedka ( gaar ahaan cisogoyska kahor)

Eraybixinta

  1. Sahbugeed : Syndrome
  2. Boocowbadni : polycystic
  3. Gudodhiiqaal: Endocrine
  4. Geedshe: Hormone
  5. Labeedshe: Endrogen
  6. wayni, badni :Hyper
  7. yari :Hypo
  8. Timow: hirsutism
  9. Finqooq: Acne
  10. Ninnimow: Virilization
  11. Hoolhoolow : Alopecia
  12. Kilkilo madoobaadka: acanthosis nigricans
  13. Caadawaaga: amenorrhea
  14. Caadayaraanta: Oligomenorrhea
  15. Bigooreedshe: Insulin
  16. Caadibadni: Amenorrhagia
  17. Jaaleedshe: Luteinizing hormone
  18. Xaniinyeedshe :Testosterone
  19. Dhedigeedshe: Estrogen
  20. Shaqmaqaar: Epidermal

Dhibaatooyinka Macaanka

Dhibaatooyinka macaanka markii lasahlado maarayntiisa:-

1. Xanuunada wadnaha:- macowga aan la daryeelin wuxuu saameeya wadnaha isagoo sababi kara xanuunada wadnaha sida wadna istaaga, xabad xanuunka (angina) , faaligga(stroke) , duxxirgowga( atherosclerosis) iyo wadnaduubowga (coronary artery disease) oo ah cudur ku dhaca halbawlayaasha wadna duuba.

2. Niyadjabka: bukaanada qaba macaanka ayaa halis marwalba ugu jira islahadal , welwel iyo niyadjab taas oo ka dhalata aaminaadda ah in cudurkaan uu helis weyn ku yeelankaro nolol maalmeedkiisa.

3. Dhaawac Dareenwade: kalabar dadka qaba cudurkaan ee aan helin daryeel kufilan ayaa dhaawac kasoo gaara damaqeen ama dareenwade gaar ahaan kuwa addimada hoose ama lugaha, bukaankana waxay ku sababtaa xanuun , kabuubyo, hur ama gubasho uu ka dareemo aagga uu dhibku ka jiro. Haddaan lala tacaalinna wuxuu sababi karaa dhaawacaasi dhibaato kale sida ragga qaar oo uu ku sababo kicinwaaga xubinka taranka.

4. Dhaawac cageed: damaqeenka cagta oo dhaawacma ama qulqulka dhiigga cagta oo yaraada ayaa sababi kara dhibaatadan, haddaan la daweynna cagtu waxay yeelan kartaa biyogalo (blister) ama nabar dhaawacan taaso keenikarta caabuq xun oo ku dhasha aagga ugu dambaynna sababi kara in farta ama cagta uu caabuqu haleelay lajaro (foot amputation).

5. Maqaarka: Macaanka ayaa sidoo kale sababi kara dhibaatooyin xagga maqaarka ah sida caabuq bakteeriyaad ama caabuq Like(fungal).

6. Dhaawac Indheed ama Dhageed: Indhaha iyo dhagaha ayaa Iyana kamid ah meelaha uu dhibaato ugeysto cudurkan isagoo sababi kara indhoolnimo ama dhegoolnimo sidoo kale wuxuu keenikaraa dhibaatooyin xagga aragga ama maqalka ah sida Caadka indhaha ama Bakoorada.

7. Dhaawac Kelyeed: Sunkorta oo ku badata waxay dhaawac ugeysataa xididda dhiigga ee kelyaha iyo Kubadyarada kellyaha (glomerulus). Kubadyarooyinka wacay ka dhigtaa mid habid badan oo ay waxyaabo badan celin Karin taaso dhalinkarta in aysan kelyuhu qashin badan saari Karin ugu dambaynna ka dhigta kuwo halgaba.

8. Xasuusguurow: cudurka xasuusguurka ayaa kamid ah dhibaatooyinka ka dhalankara cudurkaan, gaar ahaan qofka qaba jaadka labaad ee macowga ase aan helin daryeel ku filan wuxuu halis ugu jiraa dhimmanaanta oo sababi karta cudurka xasuusguurka(Alzheimer’s ).