Jajabka
Jajabka iyo Hodontininada Afkahooyo
- 1/2 Bar (Half)
- 1/3 Dalool (Third)
- 1/4 Waax (Quarter)
- 1/6 Qaar (Sixth)
- 1/8 Fallar (Eighth)
- 1/10 Furaal (Tenth)
- 1/12 Maali (Twelfth)
- 1/14 Mareeg (Fourteenth)
- 1/16 Rimic (Sixteenth)
وقدرناه منازل حتى عاد كالعرجون القديم
صدق الله العظيم
Dayaxu wuxuu sameeyaa wareeg, uu ku soo wareegayo dhulka wuxuuna maraa tub (orbit) u gaara oo wareeggiisu dhanyahay 360-digrii, 360-kaas digrii markuu soo dhammaysto oo uu bar-billowgiisii kusoo laabto, wuxuu soo wareegay 27-cisho & 7-saacadood qiyaastii, oo noqonaysa (bil xiddigeed).
Habeenka koobaad ee u horraysa ee uu dayaxu soo baxo, xiddigta uu kasoo ag baxo ama uu ku beeganyahay, socdaalkiisa (360ka digrii ah) markuu soo dhammaysto xiddigtii wuxuu dib ugusoo noqdaa 27.3-cisho kabacdi, waxaana wareeggaas loo yaqaannaa (bil xiddigeed) ma aha bisha caadiga ah ee 30-ka cisho ama 29-ka cisho ka kooban, tani way ka duwantay.
Haddii la yidhi habeen kasta dayaxu wuxuu jaraa oo uu hore u dhaqaaqaa 13-digrii isagoo ka dhaqaaqaya godkii uu habeenkii ka horeeyay ku sugnaa, haddaba tubta ama jidka dayaxu uu maro ee kusoo wareegsan dhulkeenna waxa ku hareeraysan xiddigo badan oo kooxo ah oo tubtiisa barbar socda.
Maadaama habeen walba dayaxu uu hore u dhaqaaqayo isagoo sii wata socdaalkiisa, wuxuu kasoo muuqdaa goob ka duwan goobtii uu kasoo muuqday habeenkii ka horreeyay, goob kastana waxaa ku beegan xiddig ama koox xiddigo ah.
GODADKA DAYAXA ee la sheegayaana waa goobahaas, waxaana lagu calaamadsadaa xiddigta ama ururka xiddigaha ah ee u dhaw ama uu ku beeganyahay kolba goobta ama godka uu markaa joogo, iyadoo habeen walba uu xiddig ama urur xiddigo ah ku beeganyahay, waxa dhacda marmarka qaar inuu kusoo beegmo laba xiddigood ama laba god dhaxdooda waxana loo yaqaannaa kolkaas oo kale (KARMO).
Xiddgigahaasi waxay leeyihiin oo ay Soomaalidu u la baxday magacyo, GODADKA DAYAXANA waxaa loogu magac daray xiddigahaas habeenba qaar uu la fadhiyo.
Haddii uu dayaxu maalintii jaro 13-digrii oo uu habeenba GOD la fadhiyo, qorraxduna maalintii waxay socotaa 1-digrii,
qorraxdu waxay martaa tub isla xiddigihaa dayaxa tubtiisa ku hareeraysani ay isna ku hareeraysan yihiin,
sidaa darteed qorraxdu GOD kasta waxay la fadhidaa 13 cisho, hal god mooyaane kaasoo ay la fadhido 14-cisho waana Godka Naafaha.
13-kaas cisho markay dhammaadaan, waxay qorraxdu u gudubtaa oo ay sii martaa god kale iyadoo qarinaysaa kii ay kasoo guurtay, godkasta markay 13 cisho la fadhido hal god mooyee (13×28=364+1 = 365) waxa ka dhasha sannad.
Halka aan ku daray wuxu ka yimi godka ay qorraxdu 14ka cisho la fadhido.
Godadkan qorraxdu la fadhiisanaysaana waa isla xiddigihii dayaxu la fadhiisanayay.
Soomaalidu waagii hore waqtiga ayay ku xisaabsan jireen godadkan ama xiddigahan, sidoo kale waxay ku kala garan jireen jihooyinka markay gudcurka tahay.
Soomaalidoo kaliya uun ma ahee ummadaha oo dhan baa waqtiga ku xisaabsan jiray jihooyinkana ku kala garan jiray xiddigahaas.
Sidoo kale wixii shar iyo khayr ah oo dhaca ama dhici doona waxay u nisbayn jireen ama uga sii faashan jireen xiddigahaas, waa sida ay Carabtu sameyn jireen waqti jaahiligii e, dhaqan kaasoo Islaamku xaaraantimeeyay oo uu mamnuucay in xiddigaha la sharaysto ama laga faashado, wixii khayr iyo shar ahna loo nisbeeyo iyaga.
Dhaqankii miyiga ee hore carruurta yaryar baa lagu kobcin jiray barashada xiddigaha, maadaamoo ay noloshoodu ku xidhnayd waqtigaas.
Beel walba waxay lahayd nin aqoon u leh cilmifalagga, kaasoo ku xeeldheer aqoonta xiddigiska, si fiicanna u kala bartay illaa uu gaadhay heer cilmiga loo daba fadhiisto.
……..
Tusaale yar aan ku eegno sida ay Soomaalidu uga faashan jirtay godadka qaar markuu dayaxu ku beeganyahay.
GODKA CADAAD: waxay dadka qaar aaminsanaayeen, aabbaha iyo hooyada ilmo u dhasho godkaas markuu dayaxu la fadhiyo, ilmahaas inuu noqonayo kii u danbeeyay ee ay isu dhalayaan. Oo ilmo danbe aanay dhali doonin.
GODKA LAXO : waxay aaminsanaayeen in ilmaha dhasha godkaas uu heli doono laxo badan ama dhi badan iyagoo ka faashanaya godkaas .
GODKA LISTAN : godkan ilmihii dhashaa waxaa la aaminsanaa inuu hamuun saa’ida u yeesho rabitaanka galmada , sidaa darteed ilmaha godkaas dhasha waxa loo geyn jiray wadaad si uu ugu xidho xirsi ka yareeya hamuuntaas , haddii aan wadaad loo geynin oo aan xirsigaas loo soo xidhin , ilmahaasi markuu waynaado cidna masoo dhaweysan jirin
……………..
Intaa hadaan kaga gudubno sharaxaad iyo tusaaleba , aan uga dhaadhacno magacyada 28 god ee dayaxu dago iyagoo afsoomaali ah iyo af carabi iyo af ingiriisiba iyo waliba godkastaa xilliguu sannadkii ku beeganyahay marka loo eego bilaha miilaadiga ,
F.G magacyada qaar soomaalida oo dhan kama midaysna oo waxa dhici karta deegaanba magac gooniya in looga yaqaano , qaarna way kasimanyihiin
28ka god soomaalidu afar todobaad bay u qaybiyaan , todoba kastana waa xilli kamida afarta xilli ee sannadkii , (gu’ – xagaa – dayr – jiilaal)
todaba kastana waxay leeyihiin magac guud
________
1 Godin : الشرطان : Beta Arietis ( 5 April )
2 Listan : البطین : Delta Arietis ( 18 April )
3 Laxo : الثریا : Pleiades ( 1 May )
4 Cadaad : الدبران : Aldebaran ( 14 May )
5 Agaalli cas : الهقعة : Meissa ( 27 May )
6 Agaalli cad : الهنعة : Gamma Geminorum ( 9 June )
7 Afaggaal :الذراع : Alpha Cephei ( 22 June )
___________________
8 Naaf cadde : النثرة : Praesepe ( 5 July )
9 Naaf madoobe : الطرفة : Lambda Leonis ( 18 July )
10 Afqoys : الجبهة : Gamma Leonis ( 31 July )
11 Majin : الزبرة : Delta Leonis (14 August )
12 Kuxdin : الصرفة : Denebola ( 27 August )
13 Dirirday : العواء : Beta Virginis ( 9 September )
14 Dirir : السماك : Spica ( 22 September )
_____________
15 Garbo : الغفر : Syrma ( 5 October )
16 Bayaxaw : الزبانى : Beta Librae ( 18 October )
17 Gudban : الإكلیل : Graffias : ( 31 October )
18 Libcas : القلب : Antares ( 13 November )
19 Mareegadheer : الشولة : Lambda Scorpii ( 26 November )
20 Xoor : النعائم : Nahaym ( 9 December )
21 Baho :البلدة : Pi Sagittarii ( 22 December )
_________________________
22 Faruur : سعد الذابح : Beta Capricorni ( 4 January )
23 Jidgabarre : سعد بلع : Caadebolach ( 17 January )
24 Jid-dhiriqle : سعد السعود : Beta Aquarii ( 30 January )
25 Jidgacanle : سعد الاخبیه : Gamma Aquarii ( 12 February )
26 Rab hore : فرغ الدلو المقدم : Almiquedam ( 25 February )
27 Rab danbe : فرغ الدلو المؤخر : Algarf Almuehar ( 10 March )
28 Meecaad : بطن الحوت : Alrescha ( 23 March )
………
labada habeen oo aanu dayaxu soo bixinna waxa la dhahaa DIBBAD
___________________
W/Q Abdirahman Barre
Sahbugeedka Boocowbadni Ugxaanside (Polycytic Ovary syndrome PCOS)
Sahbugeedkaan Boocowbadni Ugxaanside waa mid kamid ah cudurrada Gudodhiiqaalka (endocrine) ee Dumarka haleela. Waa xaalad Geedsheed (hormonal condition) ku bilowda dumarka xilliga ay gashaantiga yihiin, gaar ahaan xilliga taranka. Waxaa summad u ah Labeedshewayni (Hyperandrogenism) sida timowga , Finqooqa, iyo ninnimowga (tus. Murqoyeelashada ). Cudurkaan Boocowbadinida sida magiciisaba laga dhadhansan karo wuxuu ugxaansidaha dushiisa kuyeesha Boocowyo tira badan taas oo ay sababeen isku dheellitirnaan la’aanta Geedsheyaasha, labeedhashaha oo jirka tirabeel ku noqda, caado-wareer, Ugxamayn la’aan (ogxanta oo kalkeedii lasoo dayn waayo) taas oo ugu dambayn hablaha ku sababta madhalaysnimo.
Jirku side buu uxumaada markuu cudurkaan ku dhoco?
Sahbugeedkan waxaa astaamo u ah:-
1.Caado-wareerka: sida:-
Cudurkaan waxaa lagu gartaa in la helo ugu yaraan laba halbeeg oo kamid ah halbeegyada Rooterdam.
Halbeegyada Roterdam:
Shaybaarka:
Shaybaarka waa in lagu xaqiijiyaa Labeedshebadnida (Hyperandrogenism); badanaa dumarka sahbugeedkan qabana waa lagu ogaadaa gaar ahaan badnaanshaha hormoonka ama Geedshaha loo yaqaano Xaniinyeedshe (Testosterone).
Sidoo kale waxaa kordha hormoonka Jaaleedshaha (Luteinizing Hormone) (lehna saamiga LH:FSH >2:1 ) badanaa dumarka boocowbadnida ugxaansidaha qaba waa lagu arkaa sidaan.
Gabdhaha qaba sahbugeedkan waxaa haboon in BMI koodu uu yaraado 25kg/m2.
Bukaanada waxaa loo kala qaadaa labo : 1. Bukaan qorshaynaya in uu uurqaado iyo bukaan aan qorshaynayn.
Daliigta 1aad: waa daweynta waxaa u ah COCs (uurqaaddiid afeedka dhafan) (compined Oran Contraceptives)
Daliigta 2aad: Metformin : dawadaan waxaa caadiyan lagu daweeya bukaanka qaba macaanka heerka 2aad.
Faa’iidooyinka dawadaan waxaa kamid ah:
Dhibaatooyinka
Dhibaatooyinka ka dhasha cudurkaan waxaa kamid ah :-
Eraybixinta
Qaybta koowaad Nafleyda ayaa loo qaybshaa laba qaybood oo kala ah:
Duurjoog iyo Dabjoog Duurjoog 𐒆𐒓𐒇𐒃𐒝𐒌: Nafleyda inta duurka ku nool ayaa layiraahdo Duurjoog ama cidla’joog.
Dabjoog 𐒆𐒖𐒁𐒃𐒝𐒌: Nafleyda inta dadka la nool oo ay kamid yihiin Xoolaha la dhaqdo ayaa la yiraahda Dabjoog.
Maantay waxaan idiin soo gudbinaynaa laboodka iyo Dhedigoodka Duurjoogta qaybtii koowaad:
Qaybtii 1aad
Lab | Dhedig | Duurjoog |
---|---|---|
Aar / Gucumaale | Baranbarqo / Gool | Libaax |
Arbe / Araye | Goso / Qalanjo | Maroodi |
Wiyil-ka | Gosol | Wiyil (Wiyisha) |
Qoriyaale/Sanqatab | Adeeryo | Goodirweyne |
Darcad/Caarre | Caarrey | Goodiryare |
Liig | Liig | Garanuug |
Saryan/Gaashaanle | Duq | Biciid |
Haldhaa/Goray | Haldhurre/Booso/Gorayocawl | Gorayo/Goranyo |
Deer | Deero | Eelo |
Atoor | Yac | Sagaaro |
Daaxuur | Saayo | Daanyeer |
Gerey | Guraanti | Geri |
Jaxeer | Masaal | Cawl |