Dad & Duunyo

Idaha Iyo Kaalintooda

Idaha iyo Kaalintooda

Dhib iyo dheef waxay ku qabaanba , iduhu dhulka Soomaalida oo idil waa ku dhaqmaan. Iduhu waxay ugu taran badan yihiin buurta dhereran Raascasayr illaa geyiga Danaakirada , cariga kasoo rogan ee dhaxanta leh gaar ahaan gobolka Sanaag.
Afsoomaali ahaan , xilliga ay xooluhu taranka udiyaarka yihiin waxaa la yiraahdaa Geelii waa abaaha-qaatay, Lo’dii waa booddo-qaadatay , Arigiina waa orgoodeen. balse gobolloda iduhu hodanka ku yihiin , idaha ayay gaar usoocaan markaas bay isugu warramaan , idihii hebel waa Sumladeen.

Iduhu waa nugul , sidaas daraadeed ninkii dhalmadoodu markay ku aadi doonto aan ka fiirsan, waa dhaafaan. Xilli baa loo eegaa, waxaa laga ilaaliyaa in ay dhalaan diraac laga yaabo in ay dheeraato, markaasoo ay ubadan tahay inta duukhaan in ay dabar go’aan. waxaa ugu fiican bay oran jireen , bartamaha dayrta in ay rimaan dabadeedna seermaweydada guga ay dhalaan, sidaas darteed xilli ay malaynayaan in la doogsan doono mooyee goor kasta sumalka kuma siidaayaan, taasna Soomaalidii reer miyiga ahaydi waxay uheshay farsamada xamilka loo yaqaan ee wanka lagu xiro , in uu laxda rimiyana lagaga hortago. Dhinaca kale Sumalka idaha laga celin waayo isna si kale ayay ufurdaamin jireen, malmal bay inta uqadaan ka waraabin jireen kolkaas buu qooqfuri jiray.

Xooloyaqaankii Soomaaliyeed waxay oran jireen , saddex baa idaha baabi’isa : Suul, Suluf iyo Sumal.
1.Suulku waxaa loola jeeda laxda dhashay haweenayda siday guga umaalayso caanaheeda sii macaansata ee aan ka fuqine, xagaagana haruubka ladaba taagnaata iyada oo nayshiina udheertahay.
2.Suluftuna waa cambaar idaha gasha oo udhiganta cadhada geela iyo riyaha ku dhacda, uskaga ayay sababsataa waxaana wax laga saaraa:
B. Mooro aan laga saxar tirin oo lagu xareeyo.
T.Dhul kulul oo lageeyo.
J. Ama xilli roobaadkii hore oo aanay doogsan si wacanna umayrmin.
waa laga daweeya , halka dhogortu uga taal oo garbaha ah ayaa laga xiiraa, dufanna waa laga mariyaa, si hilibka iyo haraggu ay ukala fuqaan, ninkii aan sidaas ula tacaalinna xeradiisa waa ku yaraada.
3. Sumalka oo ah wanka rimiya idaha , kaas oo ay ku riiqdaan haddii xilliga lagu siidaynayo aan loo meeldayin oo in ay sumalxadaan aan laga ilaalin.

Waxaa layiri nin reer Barbaraad ahaa ayaa jeer idihii ka le’deen, kadib isaga oo aan xidigaha u eegin marka iyaga iyo sumalkii faraha iskaga qaaday, bartamaha diraac dheeraatay kolkay wada dhaleen oo biyo iyo baad li’i ay la joogsadeen ayay huf iyo halaan jirin noqdeen, maalintii dambe haweenaydii udhaxday oo xerada maran la qarracantay ayaa odaygii hiif iyo haaraan kula dhacday , markaas buu uma garaabine eedeedii iska daafacay, gabay uu utiriyay qaybo kamid ah ayuu ugu sheegay isaga aawadiis in aan idahoodii ku le’ane, ay eersadeen abaartii gaagmareebtada ahayd ee uunka kala gaabisay, tusaale wuxuu usiiyay xoolaha la dhaqdo geelii ugu adkaysiga badnaa oo awriisii ay weyda la kici la’dahay, banankana ku wada bakhtiday, ugudambstiina wuxuu ku tuuray weydiin aan quursi ka taganayn oo ah ” naa hooy waad iga gardaran tahaye , ma anaa geela baaba’ayna baarqabbo uqumiyay, mise anigaa sumallo kusiidaayay” , halku dhiggii tixdaas laga qabsaday ayaa wuxuu ahaa :
“Haddii awr iyo waa’ lagu ogaa heeryo in uu qaado
Uu wada habsaday hilimadii lagu hayaamaayay
Oo uu so’ iyo hilibba gabay, kaana yaa uhayay”.

Ariga iyo waxtarkiisa

Qaybta 1aad ee Idaha


Ariga wuxuu kamid yahay saddexda meesi ee ay soomaalidu si weyn udhaqato . wuxuu ukala ubaxaa Ido iyo riyo (sidoo kale aricad looyaqaano). guud ahaanna dunidoo idil waa laga dhaqdaa , waxaana loo dhaqaalaystaa hilibkiisa , caanihiisa, haragiisa iyo dhogortiisa dirkaba.

Markay arrintu soomaalida iyo dhaqasha ariga joogto, waxaa jira arimu uu xoolaha kale dheeryahay oo tarankiisa degdegga ah ugu weyn yahay. Shan bilood oo kaliya ayuu qaadaa (sidkiisa), halka geelu uu 13 ka qaado, lo’duna ay sagaal ka qaado.
Xilligii la joogaba arigu waa saad aan sahal ku idlaan, jilaalka ayay reer miyigu inta qashaan kusoo barbaxaan. Dayrta ama guga markii inta badi udhalo oo inta nurku samaado la caanodiidana, orgidiisa yaryar iyo baraarkiisa ayay birta saaraanoo dhayladooda ka haagaan, markaasay yar iyo weynba faraha dufan ku yeeshaan. caanihiisa ayay dhay, suusac iyo garoorba ku dhammaanoo carruurtana ku korsadaan, waa lalushaa oo burcad iyo sixin farabadan bay kala soo baxaan, kuwaas oo ay jiilaallada ukaydsadaan, si ay badarka ugu iidaantaan.

Dhinaca kale halka ay adagtahay in hal ama awr qofku keligii qasho, arigu waa ka hawl yaryahay oo qof kaliya ayaa rida ama wanka gowrici kara, haraga ka bixin kara, dabadeedna intuu hilbihiisa googooyo karin kara amaba soli kara.
Fudaydka loo shafeecsado isaga oo ka hadlaaya waa tuu Sayid Maxamed Masafooyinkiisa qaarkood ku yiri:
” Ari waa nin maradiisa , masaggo uga buuxdaa”
mar kalana tuduc ku jira gabay Cali Jaamac Haabiil uu ula dan lahaa ayuu kusoo qaaday waxdheefka Geela iyo Ariga lagu qabo waa tuducii ahaa:
“Caanaha had iyo jeer ah iyo, heeshi ramag baa leh
Qumbe lala hagoogtiyo hilbiyo , hawlyar ari baa leh
Hayinimo wax lagu qaato iyo, ku hinji awr baa leh”

Macnaha Erayada
Aricad: magac labaad oo riyaha loo yaqaan.
Heeshi: Barwaaqo.
Dirkaba: intaba, kulli.
Ramag/ Ramad: neef geela oo dhedig oo dhawaan dhalay.


Uubato ama Yey

Uubato: bahal duurjoogta kamid ah oo eyga isku bahyihiin badanaana koox koox u ugaarsada #Uuley
Uubateyn: sida uubatada udhawaaqid.
laboodka uubatada waxaa layiraah #Halyey, halka dhedigoodka laga yiraah #yeey.
Tusaale suugaaneed

  1. Heeso-hawleedyada geeljiruhu geeliisa ugu heeso waxaa kamid ah:
    Meel aan ari marin
    Ugaar mooyee
    Aarankaagiyo
    Aar libaax baa
    Arooryada hore
    Uubarayn jiray

Raage ugaas oo Soomaalidu u aqoonsan tahay aabaha maansada Soomaalida ayaa mar rag haldoor ah laga laayay wuxuu ku alalade:
**Haddaan ooyo naagaan arkoo wax uma aaboobin
**Haddaan aamusnaadana qalbigu ii askumi maayo
**Haddaan igadhyo maalana anfaco ku ilsamaan maayo
**Haddaan ilaxidh seexdana hurdadu alalad bay dhaafin
**Haddaan eegi dheer fuulo aan ololo oon reemo
**Oon #uubateeyana raggii iigu iman maayo

Meesi ama Waryahaad

Waryahaad ama Meesi: 𐒓𐒖𐒇𐒕𐒖𐒔𐒛𐒆 𐒖𐒑𐒖 𐒑𐒜𐒈𐒘 waxaa la yiraahdaa afarta jaad ee xoolaha la dhaqdo ah, Geela, Lo’da, Ariga iyo Gammaanka(Fardaha iyo Dameeraha).


Gammaan 𐒌𐒖𐒑𐒑𐒛𐒒: waxaa la isku yiraahda Fardaha, Dameeraha iyo Farowga.
Ishkin 𐒘𐒉𐒏𐒘𐒒: waa 4ta meesi labada ugu waaweyn oo ah Geela iyo Lo’da
waxaa jira iyana Ishin oo layiraahdo ugaadha kuwooda waaweyn, halka kuwooda yaryarna la yiraahdo Yaris.
Geesley 𐒌𐒜𐒈𐒐𐒗𐒕: xoolaha labada geesaha leh oo ah Lo’da iyo Riyaha.
Waxaa kaloo jira ugaadha qaar geesley la yiraahdo oo ah inta geesaha leh.
Raafley/Qoobley 𐒇𐒛𐒍𐒐𐒗𐒕/𐒎𐒝𐒁𐒐𐒗𐒕: waxaa layiraahda Ugaadha iyo Waryahaadda qoobka leh. Meesiyada inta qoobka lehi waa Ariga, Lo’da iyo Gammaanka.
Raafleyda qaar qoobkoodu waa mid (Faras, Dameer ,Farow), qaarna labo buu u kala
Dillaacsan yahay (Ari, Lo’ ,Eeelo).
Nugul 𐒒𐒚𐒌𐒚𐒐: Xoolaha Intooda aan harraadka u adkeysan (waa Lo’da, Fardaha iyo Idaha)
Reercad 𐒇𐒜𐒇𐒋𐒖𐒆: waxaa la isku yiraahda Geela iyo Riyaha.
Reermadow 𐒇𐒜𐒇𐒑𐒖𐒆𐒙𐒓: waxaa la isku yiraahda Lo’da iyo Idaha.
👉Faafi dhigaalkan

Fardaha

Fardo : nooc kamid ah meesiyada la dhaqo

Farduhu wuxuu kamid yahay Gammaanka , oo kasii mid ah xoolaha la dhaqdo, waa astaan u taagan dagaalka iyo safarka , Fardaha Soomaalidu waxay u adeegsan jireen:-
1. Xarago ahaan
2.Sahanka
3.Duulaanka
4.Yarad ahaanna waa loo bixin jiray .
Faraska kiisa lab Faras baa layiraahda kan dhedigna Geenyo , gurboodkiisa waxaa layiraahda Garmaamn, sidoo kale magiciisa guud waxaa loo yaqaan Khayl.

Jaadadka Fardaha

Farduhu waxaa loo qaybshaa 7 marka oo eego dhanka midabkooda , waxaana lakala yiraahda:-
1.Ashkir 𐒖𐒉𐒏𐒘𐒇 : faras wada cas.
2.Caynab 𐒋𐒖𐒕𐒒𐒖𐒁: faras wada madow.
3.Qaaje 𐒎𐒛𐒃𐒗: faras wada cad.
4.Bullaale 𐒁𐒚𐒐𐒐𐒛𐒐𐒗: Faras midab dambar ah leh, marmarka qaarna timaha iyo adimuhu madow yihiin.
5.Xamar 𐒄𐒖𐒑𐒖𐒇: faras cas ama bunni ah balse ay timihiisu madow yihiin.
6.Bood 𐒁𐒝𐒆: faras midabkiisu uu yahay caddaan balse cawl ku dheehan yahay.
7.Baroor 𐒁𐒖𐒇𐒝𐒇: waa faras hal midab kaliya aan lahayn.

Jaadadka Orodka Fardaha Marka loo eego orodkiisa:-


Magaan: Fardaha gaabiya
Baxdow: Fardaha aadka udheereeya

Xaallada orodka fardaha ayaa loo kala yaqaana sidaan:-
Gaalib : markuu orod yar samaynayo
Kadle :markuu afarta addin ku yara ordayo
Qaatime :Markay durdurinayaan waxaa la dhahaa
Nuuxayn :Markay iska taxtaxaashayaan waxaa la dhahaa
Garmaame : Marku xilliga barwaaqada lagu jiro orod qurxoon ay sameeyaan.
Koose : Orodka ugu gaaban ee farduhu sameeyaan
Wankalaali :Bootinta dheer ee fardaha
Waxa kaloo orodka fardaha kamid ah : HARDAF , JEEFAG

Farduhu markay Boqol gaaraan waxaa looyaqaana Wegen
Codka Fardaha ayaa loo yaqaan Danan


Gabaygii Jaadadka Fardaha

Gabyaagii caanka ahaa ee AUH Faarax Afcad ayaa gabay ka tirshay Fardaha iyo jaadka ugu dheereeya , Gabyaagu wuxuu tixdaan ku bilaabay:-

  • Ashkir orodki waa maalintuu, oofoweyn yahaye
  • Ol olaha nin jacel baan ahee, yuusan ii imaanin
  • Addin-gaab arooryada hore yuu igigif leeyaaye
  • Uur-yacay abaar kama baxee, yuusan ii imaanin
  • Bullaale af adayggaan ku nacay, aar ha soorido e
  • Niman urursan buu kuu geshaa, yuusan ii imaanin
  • Ma irdhaysna oo caynab, waa faras Ogaadeene
  • Oday baa ubbada loo suraa, yuusan ii imaanin
  • Nin ugaarsadaa xamarka jacel, orod dambeedkiise
  • Usha iyo dhawaaquu sugaa, yuusan ii imaanin
  • Hadduu oomo boosayga naftay, kala aguugaane
  • Aroorkii maqnaa kuma simee, yuusan ii imaanin
  • Qaajayga indhaha diiran lihi, waa inkaar qabo e
  • Oodda iyo qodxaha kama gudee, yuusan ii imaanin
  • Isha waxaan la raacaa fardaha, kii ilwaad badane
  • Afar midable oofta iyo fanka, iyo araxdu weynaatay
  • Oogada madoobow baroor ubaxa baan dooni.

Laboodka & Dhedigoodka Nafleyda

Qaybta koowaad Nafleyda ayaa loo qaybshaa laba qaybood oo kala ah:
Duurjoog iyo Dabjoog Duurjoog 𐒆𐒓𐒇𐒃𐒝𐒌: Nafleyda inta duurka ku nool ayaa layiraahdo Duurjoog ama cidla’joog.
Dabjoog 𐒆𐒖𐒁𐒃𐒝𐒌: Nafleyda inta dadka la nool oo ay kamid yihiin Xoolaha la dhaqdo ayaa la yiraahda Dabjoog.

Maantay waxaan idiin soo gudbinaynaa laboodka iyo Dhedigoodka Duurjoogta qaybtii koowaad:

Qaybtii 1aad

LabDhedigDuurjoog
Aar / GucumaaleBaranbarqo / GoolLibaax
Arbe / ArayeGoso / QalanjoMaroodi
Wiyil-kaGosolWiyil (Wiyisha)
Qoriyaale/SanqatabAdeeryoGoodirweyne
Darcad/CaarreCaarreyGoodiryare
LiigLiigGaranuug
Saryan/GaashaanleDuqBiciid
Haldhaa/GorayHaldhurre/Booso/GorayocawlGorayo/Goranyo
DeerDeeroEelo
AtoorYacSagaaro
DaaxuurSaayoDaanyeer
GereyGuraantiGeri
JaxeerMasaalCawl