Baritaar

Xididada Afshiinayska

Xididada Qoraalka Afshiinayska

  1. 乂 aiyi
  2. 艹 ao , cao
  3. 丷 ba
  4. 白:bai
  5. 勹 bao
  6. 贝: bei
  7. 匕 bi
  8. 灬 biao
  9. 冫bing
  10. 癶 bo
  11. 卜 bu , bo
  12. 㔾 cang
  13. 䒑 cao (caoba )
  14. 厂 chang
  15. 龸 chang (changtou changto)
  16. 彳 chi, chir
  17. 虫: chong
  18. 巛 chuan
  19. 辶 chuo , chuor
  20. 寸 cun
  21. 大 da
  22. 刀:dao
  23. 刂:dao
  24. 朩: deng 3
  25. 氐 di
  26. 丁: ding
  27. 匚 fang 匚部
  28. 方 fang
  29. 丰 feng
  30. 阝 fu , fur
  31. 儿:er , erz
  32. 二: er, ershu
  33. 而 :er, erjie erj
  34. 尔 :er, erni
  35. 耳: er, (erduo erdo )
  36. 尒: er
  37. 弓 gong
  38. 廾 gong
  39. 禾 he
  40. 火 huo
  41. 户 hu
  42. 几 ji jige jig
  43. 己 ji
  44. 孑 ji, jier
  45. 彑 ji, (jihu jih)
  46. 彐 ji jidang jid
  47. 卩 jie
  48. 巾 jin
  49. 钅jin , jinzi
  50. 斤 jin, jinlia
  51. 冂:Jiong
  52. 具:juju
  53. 且:qie
  54. 亅: jue
  55. 凵 kan Kanr
  56. 口:kou
  57. 耂 lao
  58. 了 le
  59. 立 li , liwei
  60. 里: li
  61. 林 lin
  62. 卢 luo
  63. 马🐎 ma
  64. 门 men
  65. 米 mi
  66. 宀 mian
  67. 冖 mir
  68. 木 mu (mucai mus)
  69. 目 mu (muyan muy)
  70. 疒 ne
  71. 内 nei
  72. 鸟 niao
  73. 牛 niu
  74. 农 nong
  75. 女 nu
  76. 丬pan, qiang
  77. 皮 pi
  78. 疋 pi, ya, shu (piyashu )
  79. 平 ping
  80. 攵 po , pu
  81. 攴 puyou
  82. 七 qi
  83. 其 qi ji
  84. 亓 qi
  85. 千 qian
  86. 且 qie
  87. 犭quan
  88. 人: ren
  89. 壬: ren
  90. 仁: ren
  91. 刃: ren, (rendao)
  92. 亻:ren , (danren)
  93. 日:ri
  94. 入: ru
  95. 三: san
  96. 色:se
  97. 纟:si
  98. 山: shan
  99. 彡 : shan
  100. 舌: she
  101. 十:shi
  102. 石: shi , (shiyan)
  103. 氏: shi , (shidi)
  104. 士: shi , (tush)
  105. 史: shi ,(lishi shil)
  106. 尸: shi (shiti shit)
  107. 失: shi (shibai shib)
  108. 矢: shi , (shikou , shik)
  109. 示: shi , (shiyi shiy)
  110. 丆: shi (shihan shih)
  111. 礻: shi, (shishen)
  112. 饣: shi , (shifan shif)
  113. 豕: shi (shizhu)
  114. 少: shao
  115. 勺: shao shao
  116. 扌shou
  117. 氵: shui
  118. 双: shuang
  119. 它 ta
  120. 扌:tishou
  121. 万: wan
  122. 完: wan
  123. 王wang
  124. 亡 wang
  125. 罒 wang , (wanlu)
  126. 五 wu
  127. 勿 wu , (wumo)
  128. 乌 wu, (wun)
  129. 习 xi (xixue)
  130. 夕xi (xiyi)
  131. ⺈ xiang
  132. 小:xiao
  133. 心 xin
  134. 忄xin xinshu
  135. 血 xue
  136. 丫ya
  137. 牙ya
  138. 也 ye
  139. 页 ye
  140. 业 ye
  141. 幺 : yao
  142. 夭 : yaowo, (youwowai)
  143. 言 yan
  144. 严 yan
  145. 讠yan
  146. 羊  yang
  147. 廴 yin
  148. 㠯 yiguan
  149. 已 yi, yiqi
  150. 义 yi , yiwu
  151. 乙 yi , yizhe
  152. 弋 yi yihuo
  153. 衤yi , yifu yif
  154. 乑:yinpan
  155. 于 yu
  156. 与 yu
  157. 玉 yu
  158. 子 zier
  159. 自 ziji
  160. 占: zhan
  161. 长 zhang
  162. 丈 zhang
  163. 至 zhi
  164. 止 zhi
  165. 只 zhi
  166. 之 zhi
  167. 中 zhong
  168. 爫 zhua
  169. 主 zhuyao
  170. 朱 zhuhong
  171. 术 zhushu
  172. ⺮ zhu (zhutou zhut)
Dayax

Dayaxa

28ka God Ee Dayaxu Dego

وقدرناه منازل حتى عاد كالعرجون القديم

صدق الله العظيم

Dayaxu wuxuu sameeyaa wareeg, uu ku soo wareegayo dhulka wuxuuna maraa tub (orbit) u gaara oo wareeggiisu dhanyahay 360-digrii, 360-kaas digrii markuu soo dhammaysto oo uu bar-billowgiisii kusoo laabto, wuxuu soo wareegay 27-cisho & 7-saacadood qiyaastii, oo noqonaysa (bil xiddigeed).

Habeenka koobaad ee u horraysa ee uu dayaxu soo baxo, xiddigta uu kasoo ag baxo ama uu ku beeganyahay, socdaalkiisa (360ka digrii ah) markuu soo dhammaysto xiddigtii wuxuu dib ugusoo noqdaa 27.3-cisho kabacdi, waxaana wareeggaas loo yaqaannaa (bil xiddigeed) ma aha bisha caadiga ah ee 30-ka cisho ama 29-ka cisho ka kooban, tani way ka duwantay.

Haddii la yidhi habeen kasta dayaxu wuxuu jaraa oo uu hore u dhaqaaqaa 13-digrii isagoo ka dhaqaaqaya godkii uu habeenkii ka horeeyay ku sugnaa, haddaba tubta ama jidka dayaxu uu maro ee kusoo wareegsan dhulkeenna waxa ku hareeraysan xiddigo badan oo kooxo ah oo tubtiisa barbar socda.

Maadaama habeen walba dayaxu uu hore u dhaqaaqayo isagoo sii wata socdaalkiisa, wuxuu kasoo muuqdaa goob ka duwan goobtii uu kasoo muuqday habeenkii ka horreeyay, goob kastana waxaa ku beegan xiddig ama koox xiddigo ah.

GODADKA DAYAXA ee la sheegayaana waa goobahaas, waxaana lagu calaamadsadaa xiddigta ama ururka xiddigaha ah ee u dhaw ama uu ku beeganyahay kolba goobta ama godka uu markaa joogo, iyadoo habeen walba uu xiddig ama urur xiddigo ah ku beeganyahay, waxa dhacda marmarka qaar inuu kusoo beegmo laba xiddigood ama laba god dhaxdooda waxana loo yaqaannaa kolkaas oo kale (KARMO).

Xiddgigahaasi waxay leeyihiin oo ay Soomaalidu u la baxday magacyo, GODADKA DAYAXANA waxaa loogu magac daray xiddigahaas habeenba qaar uu la fadhiyo.
Haddii uu dayaxu maalintii jaro 13-digrii oo uu habeenba GOD la fadhiyo, qorraxduna maalintii waxay socotaa 1-digrii,
qorraxdu waxay martaa tub isla xiddigihaa dayaxa tubtiisa ku hareeraysani ay isna ku hareeraysan yihiin,

sidaa darteed qorraxdu GOD kasta waxay la fadhidaa 13 cisho, hal god mooyaane kaasoo ay la fadhido 14-cisho waana Godka Naafaha.

13-kaas cisho markay dhammaadaan, waxay qorraxdu u gudubtaa oo ay sii martaa god kale iyadoo qarinaysaa kii ay kasoo guurtay, godkasta markay 13 cisho la fadhido hal god mooyee (13×28=364+1 = 365) waxa ka dhasha sannad.
Halka aan ku daray wuxu ka yimi godka ay qorraxdu 14ka cisho la fadhido.
Godadkan qorraxdu la fadhiisanaysaana waa isla xiddigihii dayaxu la fadhiisanayay.

Soomaalidu waagii hore waqtiga ayay ku xisaabsan jireen godadkan ama xiddigahan, sidoo kale waxay ku kala garan jireen jihooyinka markay gudcurka tahay.

Soomaalidoo kaliya uun ma ahee ummadaha oo dhan baa waqtiga ku xisaabsan jiray jihooyinkana ku kala garan jiray xiddigahaas.
Sidoo kale wixii shar iyo khayr ah oo dhaca ama dhici doona waxay u nisbayn jireen ama uga sii faashan jireen xiddigahaas, waa sida ay Carabtu sameyn jireen waqti jaahiligii e, dhaqan kaasoo Islaamku xaaraantimeeyay oo uu mamnuucay in xiddigaha la sharaysto ama laga faashado, wixii khayr iyo shar ahna loo nisbeeyo iyaga.

Dhaqankii miyiga ee hore carruurta yaryar baa lagu kobcin jiray barashada xiddigaha, maadaamoo ay noloshoodu ku xidhnayd waqtigaas.
Beel walba waxay lahayd nin aqoon u leh cilmifalagga, kaasoo ku xeeldheer aqoonta xiddigiska, si fiicanna u kala bartay illaa uu gaadhay heer cilmiga loo daba fadhiisto.

……..

Tusaale yar aan ku eegno sida ay Soomaalidu uga faashan jirtay godadka qaar markuu dayaxu ku beeganyahay.

GODKA CADAAD: waxay dadka qaar aaminsanaayeen, aabbaha iyo hooyada ilmo u dhasho godkaas markuu dayaxu la fadhiyo, ilmahaas inuu noqonayo kii u danbeeyay ee ay isu dhalayaan. Oo ilmo danbe aanay dhali doonin.

GODKA LAXO : waxay aaminsanaayeen in ilmaha dhasha godkaas uu heli doono laxo badan ama dhi badan iyagoo ka faashanaya godkaas .

GODKA LISTAN : godkan ilmihii dhashaa waxaa la aaminsanaa inuu hamuun saa’ida u yeesho rabitaanka galmada , sidaa darteed ilmaha godkaas dhasha waxa loo geyn jiray wadaad si uu ugu xidho xirsi ka yareeya hamuuntaas , haddii aan wadaad loo geynin oo aan xirsigaas loo soo xidhin , ilmahaasi markuu waynaado cidna masoo dhaweysan jirin

……………..

Intaa hadaan kaga gudubno sharaxaad iyo tusaaleba , aan uga dhaadhacno magacyada 28 god ee dayaxu dago iyagoo afsoomaali ah iyo af carabi iyo af ingiriisiba iyo waliba godkastaa xilliguu sannadkii ku beeganyahay marka loo eego bilaha miilaadiga ,

F.G magacyada qaar soomaalida oo dhan kama midaysna oo waxa dhici karta deegaanba magac gooniya in looga yaqaano , qaarna way kasimanyihiin

28ka god soomaalidu afar todobaad bay u qaybiyaan , todoba kastana waa xilli kamida afarta xilli ee sannadkii , (gu’ – xagaa – dayr – jiilaal)

todaba kastana waxay leeyihiin magac guud

________

Todobada Raqaha (xilliga guga)

1 Godin : الشرطان : Beta Arietis ( 5 April )

2 Listan : البطین : Delta Arietis ( 18 April )

3 Laxo : الثریا : Pleiades ( 1 May )

4 Cadaad : الدبران : Aldebaran ( 14 May )

5 Agaalli cas : الهقعة : Meissa ( 27 May )

6 Agaalli cad : الهنعة : Gamma Geminorum ( 9 June )

7 Afaggaal :الذراع : Alpha Cephei ( 22 June )

___________________

Todobada Naafaha (xilliga xagaaga)

8 Naaf cadde : النثرة : Praesepe ( 5 July )

9 Naaf madoobe : الطرفة : Lambda Leonis ( 18 July )

10 Afqoys : الجبهة : Gamma Leonis ( 31 July )

11 Majin : الزبرة : Delta Leonis (14 August )

12 Kuxdin : الصرفة : Denebola ( 27 August )

13 Dirirday : العواء : Beta Virginis ( 9 September )

14 Dirir : السماك : Spica ( 22 September )

_____________

Todobada Daalallida (xilliga dayrta)

15 Garbo : الغفر : Syrma ( 5 October )

16 Bayaxaw : الزبانى : Beta Librae ( 18 October )

17 Gudban : الإكلیل : Graffias : ( 31 October )

18 Libcas : القلب : Antares ( 13 November )

19 Mareegadheer : الشولة : Lambda Scorpii ( 26 November )

20 Xoor : النعائم : Nahaym ( 9 December )

21 Baho :البلدة : Pi Sagittarii ( 22 December )

_________________________

Todobada Cirirka (xilliga jiilaalka)

22 Faruur : سعد الذابح : Beta Capricorni ( 4 January )

23 Jidgabarre : سعد بلع : Caadebolach ( 17 January )

24 Jid-dhiriqle : سعد السعود : Beta Aquarii ( 30 January )

25 Jidgacanle : سعد الاخبیه : Gamma Aquarii ( 12 February )

26 Rab hore : فرغ الدلو المقدم : Almiquedam ( 25 February )

27 Rab danbe : فرغ الدلو المؤخر : Algarf Almuehar ( 10 March )

28 Meecaad : بطن الحوت : Alrescha ( 23 March )

………

labada habeen oo aanu dayaxu soo bixinna waxa la dhahaa DIBBAD

___________________

W/Q Abdirahman Barre

Tuqkasmo -A-

Erayada ka bilowda xarafka A ee Tuqkasmada
  • Absolute: Sugan
  • Absolute alcohol: Alkahool sugan
  • Absolute potential: Kayd sugan
  • Absolute rate reaction: Dhakhso falgal sugan
  • Absolute weight: Culays sugan
  • Absorbent: La nuuge
  • Absorption meter: Nuugid beeg
  • Absorption: Nuugid
  • Absorption coefficient: Weheliye
  • Absorption spectrum: Jeegaan nuugid
  • Absorption tube: Dhuun nuugid
  • Acceleration: Karaar
  • Acceleration filter: Miire karaar
  • Acceptor: Qaate
  • Acetaldehyde: Asitaldhihaydh
  • Acetamide: Asitamaydh
  • Acetic acid: Asatik asiidh
  • Acetone: Asitoon
  • Acetyl: Asitayl
  • Acetylene: Asitayliin
  • Acid: Dhaniin, Aashito
  • Acidyte: Sibaaq aashito
  • Acidic: Aashitayn, Dhaniinin
  • Acidity: Aashitonimo
  • Acidimetry: Aashid-cabbird
  • Acid value number: Qiimo tiro aashito
  • Actinium: Aktiiniyam
  • Activated: Kacaan
  • Activated Carbon: Kaarboon kacaan
  • Activation energy: Tamar kicin
  • Addition reaction: Falgal ku-darid
  • Additive compound: Isku dhis dariseed
  • Adhesion: Qalaad is jiidad
  • Adsorption: Luyuus
  • Aerosol: Ayrosool
  • Affinity: Xiise
  • Agent: Caamil
  • Air: Hawo
  • Aliphatic: Alifaatic
  • Alkali: Guniil, Alkaali
  • Alkali metals: Biraha guniil
  • Alkaline earth metals: Biro dhuleed alkaalaysan
  • Alkane: Halqabbirle
  • Alkene: Labaqabbirle
  • Alkyne: Sedqabbirle
  • Alkyl: Biila’ qabbirle
  • Allotropy: Jinsi
  • Alloy: Birdhaf
  • Alpha particles: Saxarrada alfa
  • Alum: Alam
  • Aluminium: Alluumiiniyam
  • Aluminium acetate: Alluumiiniyam asitayt
  • Aluminium alloy: Birdhaf alluuminiyam
  • Aluminium bromide: Alluumiiniyam baromaydh
  • Aluminium carbonate: Alluumiiniyam karbonayt
  • Aluminium ethylate: Alluumiiniyam etaylayt
  • Aluminium hydride: Alluumiiniyam haydaraydh
  • Aluminium oxide: Alluumiiniyam oksaydh
  • Aluminium phosphate: Alluumiiniyam fosfayt
  • Aluminium silicate: Alluumiiniyam silikeyt
  • Aluminium sulphate: Alluumiiniyam salfayt
  • Amalgam: Amalgam
  • Americium: Ameerisiyam
  • Amides: Amaydhis
  • Amido: Amiidho
  • Amination: Aminaynshin
  • Amine: Rablo
  • Amino acid: Rabaasho
  • Ammine: Ammaayn
  • Ammonia: Rabxo
  • Ammonium: Rab-fogan
  • Ammonium carbonate: Ammooniyam kaarbonayt
  • Ammonium chloride: Ammooniyam koloraydh
  • Ammonium hydroxide: Ammooniyam haydarogsayd
  • Ammonium ion: Aayoon ammooniyam
  • Ammonium nitrate: Ammooniyam naytarayt
  • Ammonium sulphate: Ammooniyam salfayt
  • Ammonlysis: Fangal ammooniyeed
  • Amorphous: Wiriqlaawe
  • Amphoteric: Laba eefle
  • Amplitude: Qoton
  • Amyl acetate: Amayl asetayt
  • Amyl alcohol: Amayl alkahool
  • Amyl group: Kooxda amayl
  • Anaesthesia: Suuxid
  • Analysis: Saafid
  • Angle: Xagal
  • Angstrom: Angistaroom
  • Angular moment: Xagal daafadeed
  • Anhydride: Anhaydaraydh
  • Anhydrous: Oomane
  • Aniline: Anayliin
  • Animal charcoal: Dhuxul xoolaad
  • Animal starch: Istaarji xoolaad
  • Anion: Aayoon taban
  • Anode: Qotin togan
  • Anti-catalyst: Lid kalkaaliye
  • Antimony: Istiibiyam
  • Antimony hydride: Istiibiyam haydaraydh
  • Antimony oxide: Istiibiyam oksaydh
  • Antimony sulphate: Istiibiyam salfayt
  • Antimony tribromide: Istiibiyam saddex Baroome
  • Antimony trichloride: Istiibiyam saddex Kaloraydh
  • Anti-oxidant: Lid ogsidhayn
  • Approximation: Seemid
  • Aqua: Biyo
  • Aquafostis: Biyo foortis
  • Aqua regia: Biyo reejiya
  • Aqueous: Biyood
  • Argon: Argon
  • Aromatic: Aroomaatig
  • Aromatization: Aroomaatayn
  • Arrangement: Ratibaad
  • Array: Teed
  • Arrhenius equation: Isleegta arreeniya
  • Arsenic: Arsinik
  • Arsenic penta flouride: Arsinik shan fallooraydh
  • Arsenic tribromide: Arsinik saddex baromaydh
  • Arsenic trichloride: Arsinik saddex koloraydh
  • Arsenic trisulfide: Arsinik saddex salfaydh
  • Arsine: Arsayn
  • Aryl: Arayl
  • Asbestos: Asbestoos
  • Ash: Dambas
  • Association: isu urur
  • Assumption: U qaadasho
  • Asymmetric: Aan wanqarnayn
  • Asymmetric carbon atom: Kaarboon atam aan wanqarnayn
  • Asymmetric compound: Isku-dhis aan wanqarnayn
  • Atmosphere: Gibil
  • Atmospheric pressure: Cadaadis atmosfeereed
  • Atom: Atam
  • Atomic energy: Tamar atam
  • Atomic mass: Cuf atam
  • Atomic number: Tiro atam
  • Atomic radius: Gacan atam
  • Atomic theory: Aragti atam
  • Atomic weight: Culays atam
  • Attraction: Isjiidasho
  • Attractive force: Xoog isjiidasho
  • Average: Celcelis
  • Avidity: Awood kalabax
  • Avogadro’s law: Xeerka Afoogaadro
  • Avogadro constant: Madoorsamaha Afoogaadro
  • Avogadro number: Tirada Afoogaadro

Xisaab -U, V, W, X, Y iyo Z-

Erayada ka bilowda xarafka U ee Xisaabta

  • Unbiased: Madhameex, dhexdhexaad
  • Undefined term: Tibix aan qeexnayn
  • Uniform: Aan is beddelin/Siman
  • Union: Isu tag
  • Union of two sets: Isutagga laba urur
  • Unique: Madi
  • Unique factorization theorem: Aragtida madi isirayn
  • Unit: Kowaad/Cutub/Halbeeg
  • Unit circle: Goobo halle
  • Unit square: Labajibbaarane halle
  • Universal quantified: Xiddideeye guud
  • Unknown: Lamayaqaan
  • Unknown quantity: Xaddi lamayaqaan
  • Upper: Sare
  • Upper bound: Soohdin sare
  • Upper limit of integration: Xadka sare ee abyineed

Xisaab -V-

Erayada ka bilowda xarafka V ee Xisaabta

  • Value: Qiime
  • Value, absolute: Qiime sugan
  • Variable: Doorsoome
  • Variable, dependent: Doorsoome ku xidhan
  • Variable, independent: Doorsoome madaxbannaan
  • Variance: Taksanaan
  • Vector: Leeb
  • Vector quantity: Xaddi leeb
  • Venn diagram: Jaantuska Feen
  • Verify: Xaqiiji
  • Vertex: Gees
  • Vertex of an angle: Gees xagleed
  • Vertical line: Xarriiq taagan
  • Vertices: Geesas
  • Vertices of an ellipse: Geesaska qabaal
  • Vertices of a polygon: Geesaska geesoole
  • Vertices of a triangle: Geesaska saddex-xagal
  • Volume: Mug
  • Volume of a solid: Mugga adke

Xisaab -W-

Erayada ka bilowda xarafka W ee Xisaabta

  • Weight: Culays
  • Whole number: Tiro idil
  • Word: Eray
  • Work: Hawl

Xisaab -X-

Erayada ka bilowda xarafka X ee Xisaabta

  • X-axis: Dhidib-X
  • X-coordinate: Kulan-X

Xisaab -Y-

Erayada ka bilowda xarafka Y ee Xisaabta

  • Yard: Waar
  • Y-axis: Dhidib-Y
  • Y-coordinate: Kulan-Y

Xisaab -Z-

Erayada ka bilowda xarafka Z ee Xisaabta

  • Zero: Eber
  • Zero of a polynomial: Eber tibxaale
  • Zone of a sphere: Jiid kubbadeed

Xisaab-T-

Erayada ka bilowda xarafka T ee Xisaabta

  • Triangle, acute: Saddex-xagal fiiqan
  • Triangle, equiangular: Saddex-xagal xaglo le’ege
  • Triangle, inscribed: Saddex-xagal dhexmeersan
  • Triangle, isosceles: Saddex-xagal labaale ah
  • Triangle, obtuse: Saddex-xagal xagal furan
  • Triangle, right angled: Saddex-xagal qumman
  • Triangle, scalene: Saddex-xagal isma le’ege
  • Triangles, congruent: Saddex-xagallo isku sargo’an
  • Triangles, similar: Saddex-xagallo isu eg
  • Trigonometry: Tirignoometeri
  • Trigonometry, plane: Tirignoometeri sallax
  • Trigonometry, spherical: Tirignoometeri kubbadeed
  • Trihedral angle: Xagal saddex sallax
  • Trinomial: Saddex tibxaale
  • Trinomial square, perfect: Saddex tibxaale dhan
  • Triple root of an equation: Saddex xidid isle’egeed
  • Trisection: Saddex-qayb
  • Trivial: Basiid/Macne yar
  • Non-trivial solution: Furfuris basiid ah
  • Truncated: Lajare
  • Truth table: Tuse rumaad
  • Truth value: Qiime rumeed
  • Turning point: Bar noqod
  • Two-dimensional: Labo aaddimaale
  • Table: Tuse
  • Tabular: Tusayn
  • Tabulate: Tusegalin
  • Tangency: Taabasho
  • Tangency, point of: Barta taabashada
  • Tangent: Taanjant
  • Tangent curve: Xood taabta
  • Tangent line: Xarriiq taabta
  • Tangent plane: Sallax taabta
  • Tautology: Dhab-ood/Run-ood
  • Term, constant (absolute): Tibix madoorsoome
  • Term, algebraic: Tibix aljabreed
  • Term, exponential: Tibix jibbaarro
  • Term, general: Tibix guud
  • Terms, like: Tibxo isu eg
  • Tetrahedron: Adke afar salxaale ah
  • Tetrahedron, regular: Adke afar salxaale qaabsan
  • Theorem: Aragtiin
  • Theory: Aragti
  • Theory, number: Aragti tiro
  • Three-dimensional: Saddex aaddimaale
  • Three-dimensional geometry: Joomateri saddex aaddimaale
  • Topology: Tobooloji
  • Tracing: Raadgurid
  • Trace, curve: Xood raadgurid
  • Trajectory: Xood gantaal
  • Transcendental: Ka sarraysa garashada
  • Transcendental functions: Fansaaro ka sarreeya garashada
  • Transcendental number: Tiro ka sarraysa caqliga
  • Transcendental term: Tibix ka sarraysa garashada
  • Transformation: Doorsoon
  • Transformation, identical: Doorsoo asal sug
  • Transformation, inverse: Doorsoon weydaar
  • Transformation, linear: Doorsoon toosan
  • Transformation, symmetric: Doorsoon wanqarsan
  • Transitive: Gudbe
  • Transitive relation: Xiriir gudbe
  • Transitivity: Gudbid
  • Translation: Rarid
  • Transpose of a matrix: Melmel taxane
  • Transversal: Gudbane wadaajiye
  • Trapezium: Koor
  • Trapezoid: Koor-eke
  • Trapezoid, isosceles: Koor labaaley
  • Triangle: Saddex-xagal

Xisaab -S-

Erayada ka bilowda xarafka S ee Xisaabta

  • Sample: Muunad
  • Sample, random: Muunad xulasho la’
  • Satisfy: Raalligalin
  • Scaler: Foolwaa
  • Scaler product: Taran foolwaa
  • Scaler quantity: Xaddi foolwaa
  • Scale: Iskeel
  • Scale, drawing to: Ku sawiran iskeel
  • Scalene: Isma le’eke
  • Score: Dhibco
  • Secant: Siikant
  • Section: Qayb
  • Section, conic: Jeeb toobineed
  • Sector of a circle: Qayb goobo
  • Sector, spherical: Qayb kubbadeed
  • Segment: Qoqob
  • Segment of a circle: Qoqob goobo
  • Segment of a curve: Qoqod xood
  • Segment, line: Xarriijin
  • Selling price: Sicir gadid
  • Semi-annual: Sannad badh/Nus sannad
  • Semicircle: Goobo badh/Nus goobo
  • Sentence: Weedh
  • Sentence, open: Weedh furan
  • Sequence: Susan
  • Sequence, bounds of: Soohdimaha susun
  • Sequence, bounded from above: Susun sare ka soohdimaysan
  • Sequence, bounded from below: Susun hoos ka soohdimaysan
  • Sequence, greatest lower bound of a: Soohdin hoosaadka u wayn ee susun
  • Sequence, least upper bound of a: Soohdin saraadka u yar ee susun
  • Sequence, lower bound of a: Soohdin hoosaadka susun
  • Sequence, upper bound of a: Soohdin saraadka susun
  • Sequence, limit of a: Xad susun
  • Series: Dareerin
  • Series, alternating: Dareerin talantaalli ah
  • Series, binomial: Dareerin labotibix
  • Series, factorial: Dareerin abnaq
  • Series, geometric: Dareerin joomateri
  • Series, harmonic: Dareerin tawaafuqi
  • Series, Taylor’s: Dareerinta Taylar
  • Set: Urur
  • Set, complementary of a: Urur duleed
  • Set, empty: Urur madhan
  • Set, universal: Urur guud
  • Sets, disjoint: Ururro dhextaal ah
  • Sets, intersection of: Dhextaalka ururro
  • Sets, union of: Isutagga ururro
  • Side: Dhinac
  • Side of an angle: Dhinac xagal
  • Side opposite to an angle: Dhinaca ka soo horjeeda xagal
  • Side of a polygon: Dhinac geesoole
  • Sides of an equation: Dhinacyada isle’egeed
  • Sigma: Sigma
  • Sign: Calaamad
  • Similar: Isu eg
  • Similar figures: Shaxanno isu eg
  • Similar fractions: Jajabyo isu eg
  • Similar terms: Tibxo isu eg
  • Similar triangles: Saddex xagallo isu eg
  • Similarity: Ekaansho
  • Simple harmonic motion: Walhasho
  • Simplification: Fududayn
  • Simplified: Fududaysan
  • Simultaneous equations: Isle’egyo wadajira
  • Simultaneous inequalities: Isma le’egyo wadajira
  • Sine: Sayn
  • Sines, law of: Xeerka sayn-yada
  • Sine curve: Xood sayn
  • Sine of a curve: Sayn tiro
  • Sine of an angle: Sayn xagal
  • Slope: Tiiro
  • Slope of a curve at a point: Tiiro xood ee bar
  • Slope of a straight line: Tiiro xarriiq toosan
  • Smooth curve: Xood sima
  • Solid: Adke
  • Solid angle: Xalad adke
  • Solid geometry: Joomateri adke
  • Solid of a revolution: Wareeg adke
  • Solids, similar: Adkayaal isu eg
  • Solution: Furfuris
  • Space: Dululaati
  • Space, sample: Muunad dululaati
  • Sphere, cord of a: Boqon kubbadeed
  • Sphere, equation of a: Isle’eg kubbadeed
  • Sphere secant of a: Siikanti kubbad
  • Spherical: Kubbadeed
  • Spherical angle: Xagal kubbadeed
  • Spherical coordinates: Kulanno kubbadeed
  • Spherical surface: Dul kubbadeed
  • Spiral: Gariirad
  • Square: Labajibbaar
  • Square matrix: Taxane labajibbaarane
  • Square numbers: Tirooyin labajibbaar
  • Square root: Xidid labajibbaar
  • Squares, different of two: Labajibbaar faraq laba tiro
  • Squares, magic: Labajibbaaraneyaasha sixirka
  • Squares, method of least: Dariiqad, labajibbaarayaasha ee ugu yar
  • Standard: Beegal
  • Standard deviation: Leexsanaan beegal ah
  • Straight: Toosan
  • Straight angle: Xagal toosan
  • Straight line: Xarriiq toosan
  • Structure, mathematical: Dhis xisaabeed
  • Subgroup: Koox hoosaad
  • Subset: Hormo urur
  • Subtend: Laal
  • Subtraction: Kalagoyn
  • Successive: Isdabajoog
  • Successive trails: Isku-dayaal isdabajooga
  • Sufficient: Filan
  • Sufficient condition: Xaalad kaafi ah
  • Sum: Wadar
  • Sum, algebraic: Wadar aljabreed
  • Sum, limit of a: Xadka wadar
  • Sum of vectors: Wadar leebab
  • Summation: Wadarayn
  • Summation sign: Calaamad wadarayn
  • Supplementary angles: Xaglo istoosiya
  • Surd, binomial: Seed labatibxaale
  • Surd, trinomial: Seed saddextibxaale
  • Surd index: Muujiyo seed
  • Surds, conjugate binomials: Xisdiga labatibxaale seed
  • Surface: Dul
  • Surface, curved: Dul xoodan
  • Surface, cylindrical: Dul dhululubaysan
  • Surface, plane: Dul sallax
  • Surface, spherical: Dul kubbadaysan
  • Surface of revolution: Dul wareeg
  • Surjection: Fansaar hagooge
  • Symbol: Summad
  • Symbols, algebraic: Summadaha aljebreed
  • Symmetry: Wanqar
  • Symmetry, axial: Wanqar dibadeed
  • Synthetic division: Qaybsoon
  • System: Habdhis
  • System, coordinate: Habdhis kulan
  • System, decimal: Habdhis tobanle
  • System, mathematical: Habdhis xisaabeed
  • System, number: Habdhis tiro

Xisaab -R-

Erayada ka bilowda xarafka R ee Xisaabta

  • Radian: Gacansin
  • Radical: Asto xidid tiro
  • Radicand: Xidid tiro
  • Radius: Gacan
  • Radius of a circle: Gacan goobo
  • Radius of curvature: Gacan xoodnaan
  • Radius of a regular polygon, long: Gacan dheere geesoole
  • Random sample: Muunad xulasho la’
  • Random variable: Doorsoome xulasho la’
  • Range: Danbeed, faraq
  • Rank: Darajo
  • Rank of a matrix: Darajada taxane
  • Rate: Dhakhso
  • Rate of change of a function at a point: Dhakhsaha is beddelka fansaar ee bareed
  • Rate of interest: Dhakhsiyaha ribo
  • Ratio: Saami
  • Ratio, harmonic: Saami tawaafuqi
  • Ratio, inverse: Saami isweydaar
  • Rational: Lakab
  • Rational expression: Tibix lakab
  • Rational function: Fansaar lakab
  • Rationalisation: Lakabayn
  • Rationalize: Lakabee
  • Real: Maangal
  • Real axis: Dhidib maangal ah
  • Real number: Tiro maangal ah
  • Reciprocal: Rogaal
  • Reciprocal curve: Xood rogaal
  • Reciprocal equation: Isle’eg rogaal
  • Reciprocal of a matrix: Rogaal taxane
  • Rectangle: Laydi
  • Rectangular: Laydisan
  • Rectangular axis: Dhidib laydisan
  • Recurring decimal: Jajab tobanle noqnoqda
  • Reduction: Fududayn/Yarayn
  • Redundant: Dheeraad
  • Re-entrant figure: Xagal gudeed daacsan
  • Reference angles: Xaglo tixraac
  • Reflection: Noqod
  • Reflection of a line: Noqod xarriiq toosan
  • Reflection of an origin: Noqod xuddun
  • Reflection in a plane: Noqod sallax
  • Reflex angle: Xagal daacsan
  • Reflex relation: Xidhiidh noqod ah
  • Regular polygon: Geesoole qaabsan
  • Relation: Xiriir
  • Relation, transitive: Xiriir gudbo
  • Relative, frequency: Rekaad u eegid
  • Relative maximum: U weyne u eegid
  • Reliability: Sugnaanta
  • Remainder: Hadhaa/Baaqi
  • Remainder theorem: Aragtiin hadhaa (baaqi)
  • Resultant: Helaad
  • Revolution: Wareeg
  • Revolution, axis of: Dhidib wareeg
  • Rhombus: Qardhaas
  • Right: Qumman
  • Right angle: Xagal qumman
  • Right triangle: Saddex xagal qumman
  • Ring: Giraan
  • Root: Xidid
  • Root, nth: Xidid naad
  • Roots of an equation: Xididdo isle’egeed
  • Root, square: Xidid labajibbaar
  • Rounding off: Duubid
  • Rounding off numbers: Tirooyin duubid
  • Routine: Rootiin
  • Row: Dhinactax
  • Rule: Qaanuun

Xisaab -Q-

Erayada ka bilowda xarafka Q ee Xisaabta

  • Quadrant of a circle: Waax goobeed
  • Quadratic equation: Isle’eg saabley
  • Quadratic equation, discriminant of a: Takooraha isle’eg saabley
  • Quadratic formula: Jid saabley
  • Quadrilateral: Afar geesle
  • Quantifier: Xaddideeye
  • Quantity: Xaddi
  • Quarter: Rubuc

Xisaab -P-

Erayada ka bilowda xarafka P ee Xisaabta

  • Page: Bog
  • Pair: Lammaane
  • Pair ordered: Lammaane horsan
  • Parabola: Labosaab
  • Parabolic: Labosaableey
  • Paraboloid: Labasaab-eke
  • Paradox: Iska hor imaad
  • Parallel: Barbarro
  • Parallel lines: Xarriiqyo barbarro ah
  • Parallel planes: Sallaxyo barbarro ah
  • Parallelogram: Barbaroole
  • Parallel piped: Adke lix salxaale ah
  • Parallels of latitude: Barbarada loolalka
  • Parameter: Baarimitir
  • Parametric equations: Isle’egyo baaramitirs
  • Parenthesis: Qawsas/Bilo
  • Partition: Qurubayn/ Qaybin
  • Pattern: Ratibaad
  • Pentagon: Shangeesle
  • Percent: Boqolkiiba
  • Percentage: Boqollay
  • Perfect: Dhan/ Taam
  • Perfect cube: Saddex jibbaar dhan (taam ah)
  • Perfect square: Labajibbaar dhan (taam ah)
  • Perimeter: Meeris
  • Period of function: Kal fansaar
  • Period of interest: Kal ribo
  • Period of simple harmonic motion: Kal wahsasho
  • Periodic: Kalgal
  • Periodicity: Kalgalnimo
  • Permutation: Racayn
  • Perpendicular: Qotome
  • Perpendicular lines: Xarriiqyo qotoma
  • Perpendicular to a plane: Ku qotome sallax
  • Perpendicular planes: Sallaxyo qotoma
  • Plane: Sallax
  • Plane, complex: Sallax murakab ah
  • Plane curve: Kood sallax
  • Plane figure: Kood sallax
  • Plane geometry: Joometeri sallax
  • Plot: Dhig/ Sawir
  • Plot a point: Bar dhig/ Bar sawir
  • Plotting a curve: Sawir xood
  • Point: Bar
  • Point of contact: Bar taabasho
  • Point, decimal: Bar tobanle
  • Point of inflexion: Bar rogaal
  • Points, collinear: Baro isku toosan
  • Polar: Cidhifeed
  • Polar coordinates in the plane: Kulanno cidhifeed sallax
  • Polar coordinates in space: Kulanno cidhifeed dululaati
  • Polar equation: Isle’eg cidhifeed
  • Polar form of a complex number: Qaab cidhifeed tiro murakab ah
  • Polygon: Geesoole
  • Polygon, convex: Geesoole tuurre
  • Polygon, diagonal of a: Xaglagooye geesoole
  • Polygon, equiangular: Geesoole xaglo’ege
  • Polygon, equilateral: Geesoole dhinacyo le’ege
  • Polygon, frequency: Geesoole rakaad
  • Polygons, similar: Geesoolayaal isu’eg
  • Polyhedron: Salxaale
  • Polyhedron, concave: Salxaale golxaale
  • Polyhedron, convex: Salxaale tuurre
  • Polyhedron, regular: Salxaale hubsan
  • Polyhedron, simple: Salxaale fudud
  • Polynomial: Tibxaale
  • Polynomial, degree of a: Darajada tibxaale
  • Polynomial equation: Isle’eg tibxaale
  • Positive: Togan
  • Positive number: Tiro togan
  • Positive sign: Calaamad togan
  • Postulate: Dhardhaar
  • Postulate, the parallel: Dhardhaar la barbar ah
  • Power: Jibbaar
  • Power of a number: Jibbaar tiro
  • Precision: Dhag ah
  • Price: Sicir
  • Price, cost: Sicir iibsasho
  • Price, selling: Sicir gadid
  • Prime factor: Isir mutaxane
  • Prime number: Tiro mutaxan
  • Prime polynomial: Tibxaale mutaxan
  • Principal: Raasamaal
  • Principal diagonal: Xaglagooye muhiim
  • Principle: Xeer/ Mabda’
  • Prism: Birisam
  • Probability: Itimaal
  • Probability function: Fansaar itimaal
  • Probability theory: Aragti itimaal
  • Problem: Mas’alo
  • Problem solving method: Dariiqada xallilidda mas’alo
  • Procedure: Dariiqo
  • Produce of a line (to): Fidi xarriiq (illaa)
  • Product: Taran
  • Product, Cartesian: Taranka Kaartis
  • Product, cross: Taran talantaalli
  • Product, dot: Taran bar
  • Product, inner: Taran dhexe
  • Product of matrices: Taran taxaneyaal
  • Product, scalar: Taran foolwaa
  • Product, vector: Taran leeb
  • Program: Barnaamij
  • Progression: Susun
  • Progression, arithmetic: Susun arimaatig
  • Progression, geometric: Susus joomateri
  • Profit: Macaash
  • Projectile, path of: Marin gantaal
  • Projectiles: Gantaallo
  • Projection: Isqaad
  • Projective geometry: Joometeri isqaad
  • Proof: Caddayn
  • Proper fraction: Jajab qumman
  • Proportion: Saami
  • Proportion, extremes of: Darifyada saami
  • Proportion, means of: Saami xidhiidhsan
  • Proportional quantities: Xaddiyo saamigal ah
  • Proportional quantities, directly: Xaddiyo saamigal toos ah
  • Proportional quantities, inversely: Xaddiyo saamigal iswaydaar ah
  • Proposition: Hawraar
  • Protractor: Xaglo beege
  • Pure mathematics: Xisaab saafan
  • Pyramid: Ahraam
  • Pyramid, frustum of a: Gumbur dhimman
  • Pythagorean numbers: Tirooyinka Baysogras
  • Pythagorean theorem: Aragtiinka Baysogras