Baritaar

Nudaha

Waa Maxay Nudo?

Jirku waxa uu ka kooban yahay bilyanno unugyo ah. Unugyo badani marka ay isku tagaan waxa ay sameeyaan nud (tissue). Nuduhuna koox koox ayay isugu ururaan si ay usameeyan xubin. Marka heerka udhexeeya unuggyada iyo xubnaha ayaa layiraahda nuddo. Nuddu wuxu ka kooban yahay unugyo isku tagey oo shaqo gaar ah qabta isku meelna kaso unkamay.

Marka jirku korayo waxa uu ka kooban yahay ama ku jira afar nooc oo nudo ah oo kala ah:

  • Nud Ibitiiliyam
  • Nud Muruq
  • Nud Isku Xire
  • Nud Dareenwade

Nud Ibitiiliyam

Nudaha ibitiiliyamka ah waxaa sameeya unugyo waxayna daboosha nudaha bannaan ee dibada iyo gudaha jirka. Nudahaas iyaga ahi waxa ay ka kooban yihiin unugyo isku sibirsan sida lebenka daaraha. Unugyadaasi waxa y sameeyaan nudaha badankood.

Shaqooyinka Nud Ibitiiliyamka

  1. Waxa uu ku caawiyaa soo nuugidda biyaha iyo nafaqooyinka.
  2. Waxa uu ka caawiyaa saaridda qashinka.
  3. Waxa uu ilaaliya dusha sare ee nudaha.
  4. Waxa uu soodaaya insaamyo iyo hoormoono.

Waxaa jira laba nooc oo ibitiiliyam ah:

  1. Ibitiiliyam Sahlan (Simple Epithelium)
  2. Ibitiilitam Lakabaysan (Stratified Epithelium)

Ibitiiliyam Sahlan (Simple Epithelium)

Ibitiiliyamkani waxa uu ka kooban yahay lakab unugyo ah oo qur ah oo ku dhugsan xuub salaxeed. Ibitiiliyamkani aad bay ujilicsan tahay waxayna dahaar hoose u tahay xubnaha gudaha ee ay ka mid yihiin caloosha, mindhicarada, hunguri cadka iyo muqurada sida moqorka ubucda iyo saablayda.

Ibitiiliyam Lakabaysan (Stratified Epithelium)

Ibitiiliyamkani waxay ka samaysan tahay maqaarka sida jirka. Unugyada dubka sare waxay noqdaan qolof kana kooban unugyo jilicsan oo borotobalaasam ah waxayna dhimaan biyo lunka jirka. Waxa kale oo unugyadaasi jirka ka celiyaan jeermisyada. Ibitiiliyamkani waxa laga helaa afka, dalqada iyo hunguriga halkaas oo hadii ibitiiliyamka sahlan ku oolaan lahaa ay cuntada adage e aynu cunayno dhaawici lahayd.

Nud Isku-Xiraha

Nudahani waxay isku xiraan, tiiriyaana nudaha aadka u firfircoon ee jilicsan ee jirka. Badanaa noocyadani waa ay kala duwan yihiin balse waxa ay iskaga mid yihiin hawsha ay qabtaan oo isku xirka ah iyo aasaaska dhismahooda.

Dhismo Ahaan Nudahaasi

Nudahaasi waxa uu ka kooban yahay dun dhuuban ama liifyo. Liifyadaasoo sameeya waxyaabaha isku xira sida tahar-ta (tendon), seeda (ligament), lafta (bone), carjowda (cartilage) iyo duxda (adipose/fat) ayaa loo qaybshaa laba nooc oo kale ah:

  1. Liifyo Cad
  2. Liifyo Liilsan oo Hurdi ah

Nud Muruqa

Nudda muruqu waa mid ururta. Sidaas darteed waxay awood uleedahay inay dhaqdhaqaaqdo. Meel allaale meeshi jirka dhaqdhaqaaqda waxa kujira nuddo muruqeed oo urura oo keenay dhaqdhaqaaqaas. Sida caadiga ah waxay ka kooban tahay liifyo muruq ah oo midkasta awoodi karto inay gaabato ama ururto.

Noocyada Nuddo Muruqeed

Waxaa jira saddex nooc oo nuddo muruqeed ah:

  1. Nuddo Muruq Sulban (Smooth Muscle Tissue)
  2. Nuddo Muruq Qalfoofeed (Skeletal Muscle Tissue)
  3. Nuddo Muruq Wadneeed (Cardiac Muscle Tissue)

Nuddo Muruq Sulban (Smooth Muscle Tissue)

Wuxu sameeya ama kasamysma xubnaha gudaha sida caloosha, kaadihaysta, ilma galeenka iyo xidida dhiigga. Wuxuuna ka kooban yahay nud leh qaabka musbaarka oo ay mid kasta kujirto bu’i. Muruqani waxa uu kamid yahay ma lafarayaasha inkasto mararka qaar uuso hoosgalo kuwa lafaro.

Nuddo Muruq Qalfoofeed (Skeletal Muscle Tissue)

Muruqani wuxuu sameeya hilibka kuyaal afarta addin kuwaas oo qalfoofka dhaqdhaqaajiya. Wuxuuna muruqaasi ka kooban yahay liifyo dhaadheer oo dun u eg. Muruqani waa lafara oo isagu iskiis isuma wado.

Nuddo Muruq Wadneeed (Cardiac Muscle Tissue)

Muruqani waxa laga helaa wadnaha oo qur ah. Wuxuuna ka kooban yahay liifyo gaagaaban oo farcama kuwaas oo leh liidimo aan qumunayn islamarkaasina muruqani malaha dahaar, waxaase isku uruuriya nudo isk-xirayaal ah. Muruqani lama faro waana mid iskiis is wada. Wuxuuna sameeya soo urur rismaatig ah (rhythmatic) isla inta uu nool yahay inkasto ay jiraan dareenwadayaal xukuma soo ururka rismaatiga ah.

Nud Dareenwadka

Nudaha dareenwadku hawsha ay qabtaan waxay tahay, inay qaadaan dhambaal iyo fariin jirka gudihiisa. Wuxuuna uqaybsamaa labo qaybood uu uqaybsamo habdhiska dareenwadka, waxayna kala yihiin:

  1. Habdhiska Dareenwadka Dhexe (Central Nervous System)
    • Wuxuu ka kooban yahay maskaxda iyo xangulada (spinal cord).
  2. Habdhiska Dareenwadka Dacallada (Peripheral Nervous System)
    • Wuxuu ka kooban yahay dhammaan qaybaha dareenwadka ka baxsan maskaxda iyo xangulada.

Unugga & Xubinyarayaasha

Qeexidda Unugga

Unug (Ingiriis:Cell) waa waxa ugu yar ee uu ka samaysan yahay wax kastoo nooli waana qaybta ugu yar ee dhismaha iyo shaqada ee noole kasta. waxaa kaloo lagu qeexi karaa inuu yahay gundhigga iyo aasaaska nooluhu ku dhisan yahay.

Sidee ayuu unuggu u samaysan yahay?

Unuggu ma laha qaab u cayiman oo la tilmaami karo. Unugga waxaa ku dahaaran xuub ka samaysan lipidi iyo fosfolipidi. Xuubka gudihiisa waxaa ku jira dheecaan loo yaqaano qooshoon (cytoplasm). dheecaankaas waxaa dhex heehaabaya waxyaalo kale oo unuggu leeyahay sida qalabka golji, bucoogada, dundalaglaha, sentriyoolayaasha iwm. Unuggu wuxuu leeyahay bu´. Bu´da waxaa ku dahaaran xuub kale oo iyada uun gaar u ah, xuubkaasoo ka sooca bu´da unugga intiisa kale. Bu´da waxaa ku jira qalabka hiddaha (La’HOB)DNA iyo (BUCUB) RNA.

ARAGTIDA UNUGGA(cell theory)

Noolekasmo ahaan, aragtida unuggu waa aragti sayniseed qeexaysa astaamaha unugga. waxaana ugu caansan afar aragti oo kala ah:
1. Nooluhu waxa uu ka samaysan yahay unug(yo).
2.Unuggyadu waa gundhiga nolosha, dhismo ahaan iyo hawl ahaanba.
3.unuggu wuxuu ka kooban yahay xog loo adeegsado koritaanka, horumarka iyo qabashada hawlaha.
4.unuggu waa halbeega shaqada noolaha; waayo fal-gallada kiimikaad ee noolahu waxay ka dhexdhacaan gudaha unugga.

QAYBAHA UNUGGA

Unuggu waxa uu u kala baxaa labo qaybood oo waaweyn;
1. BU’ BILAABEED UNUG (PROKARYOTIC CELL): Bu’ bilaabeed-ku waa noole hal-unugley ah kaaso aan lahayn bu’ ama xad-xuubeed xubin yare (membrane –bound organelle) midna.
2. BU’ HUBAALEED UNUG (EUKARYOTIC CELL): bu’ hubaaleed-ku waa noole kasta oo hal-unugley ah ama unugyo-badanley ah kaaso leh xuub bu’eed dhamaystiran.

DHISKA IYO SHAQADA UNUGGA

UNUGYADA DHIRTA IYO NAFLEYDA

Unugyadu dhiska iyo shaqada waa ay ku kala duwanyihiin. Dhanka kale hadii aynu ka eegno unugyadu waxay iskaga mid yihiin hawsha kasocota unugga gudihiisa iyo dhiska guud ahaaneed. Dhirta iyo xayawaanku waxay kasamaysan yihiin unugyo. Noolaha waaweyni waxa jirkoodu ka kooban yahay malaayiin unug. Qaab ahaan, unugyada dhirta iyo xayawaanku aad bay iskugu dhow yihiin waayo labadooduba waxay ka tirsan yihiin Unugyada bu’ hubaaleedka ah (Eukaryotic cells) taaso LA’HOBtu (DNA-du) dagto.

Waxaa jira unugyo ay wada leeyihiin dhirta iyo Nafleyda sida;

1. Unugxuube (cell membrane) Unuggu waxa uu leeyahay soohdin ka soocda waxyaalaha ku hareeraysan ee dibadda ka ah. Soohdintani waa xuub ku dahaaran unugga oo ay qaradiisu aad u yar tahay, laguna magacaabo unugxuube (cell membrane) ama Qooshxuube (plasma membrane) kaaso shaqadiisu tahay in uu kala dabaro waxa soo galaya iyo waxa ka baxaya unugga.


2. Bu’(nucleus) Bu’du waa xarunta looga taliyo unugga.LA’HOBta ama DNA (dhii-en-ey) da unugga inteeda badani waxa ay ku jirtaa bu’da. Sidaa awgeedna, unugga noociisa iyo hawsha uu qabtaaba waxa ay ku xiran yihiin farriimaha iyo amarrada ka soo fula bu’da.

3. Bu’xuube( Nuclear membrane) bu’da waxaa ku wareegsan xuub bu’eed laban-laaban qaradiisuna yar tahay. xuubkaasi waxa bu’da ku jira buu kasooca qaybaha kale ee unugga ku dhexjira iyo qooshoonka. sidaas dartees, bu’xuubuhu waa ood oo kale oo bu’da ka celisa wax alle wixii aanay doonayn.

4. Bu’ yaro (nucleolus) Bu’da waxaa kale oo ku jira jir qaabkiisu u eg yahay kubad yar oo kale lana yiraahdo bu’ yaro. jirkani waa halka samaynta bucoogada ama raaybosoomyadu ka bilaabato. waxay ka kooban tahay hiddaha BUCUBta ama RNA-da iyadoo ku darta borotiinno si ay usamayso bucoogo aan dhameystirnayn.

5.Qooshuunka (cytoplasm) Xuubka marka laga gudbo waxaa la gaadhayaa hoor isjiidanaya oo ka kooban biyo, cusbooyin, borotiinno (sida yiirshe; enzymes), cunto, iyo walxo kale, oo lagu magacaabo Qooshoon. Qooshoonku waa meesha ugu badan oo hababka kiimikaad ka dhacaan iyadoo oo yiirsheyaashu kala dabarayaan.

6. Dundalagle (mitochondria) Dubdulagluhu waa aqalka awoodda ee unugga, waxa ayna qaabilsan tahay dhalinta tamarta keenta firfircoonida unugga. Dundalagluhu waxay ogsijiinta iyo cuntada ubadashaa rucubka ATP kaaso kaydiya ama rara tamarta kiimikaad ee ku dhexjirta unugyada.

7. Bucoogo( ribosome) Bucoogadu waa warshadaha sameeya borotiinka. Labo jaad ayaa loo qaybshaa oo kala ah:- 1.Bucoogada dabran(Bound ribosome) waa mid ku dhegan iliilgudooshka , waxa ay sameeyaan borotiin loogu talo galay in loo dhoofiyo unugga dibaddiisa ama unugxuubaha. 2. Bucoogada xorta ah (free ribosome) Waxaa xor loo yiri mahaysato mana ku dhegna meel balse waxay dhex daadsan tahay qooshoonka, bucoogadani waxay samaysaa borotiinka looga baahan yahay unugga gudihiisa.p
8. Iliilgudoosh (endoplasmic reticulum) iliilgudooshku waa iliil ama shabakad wada xuub ah oo ku dhexjirta qooshoonka unugyada bu’ hubaaleedka ah(eukaryotic cells) kaaso badanaa bucaagada dabrani ay ku lifaaqmaan, wuxuuna ka qayb qaata samaynta borotiinada iyo duxda, sido kale ugudbinta borotiinada qaybaha kale ee unugga.

9. Dalooluun(vacuole) dalooloonada dhirta ayaa ka waaweyn kuwa xoolaha. Inta badan unugyada dhirtu qooshoonkoodu waxay leeyihiin hal ama ka badan oo ah moqorro ay kujiraan hoorayaal waxaana layiraahda dalooloon. dalooloonnadu waxay unugyada uqabtaan 3 shaqo oo muhim ah oo kala ah; xoojinta ama adkeynta, kaydinta nafaqada iyo qashinka iyo burburinta rucubhada ama mollakiyuullada waaweyn. daloollada unugyada dhirta hoorka ku jira intiisa badani waa biyo iyo waxyaabaha milma sida sonkorta,cusbada, yiirsheyaasha(enzymes) iyo amino asiidh.

10. Qalabka golji( GOLGI APPARATUS): qalabka galji sidoo kale waxaa loo yaqaanaa Jirka golji ama Isku dhafka golji wuxuuna dhexyaalaa qooshoonka meelaha udhow bu’da waana xuubab yaryar oo is wada barbaryaal iyagoo qaababkoodu u eg yahay sixniyo girgiradoodu marinno leeyihiin oo kale. shaqada Jirka Golji waa habaynta iyo isku guntid-da rucubyada waaweyn sida borotiinka iyo duxda lagu dhexsameeyo gudaha unugga.

11.Bururoogo(lysosomes): Bururoogadu waa oogo ama jir wax burbursha, waxay ku dhexyaaliin qooshoonka unugga kuwaaso xagga muuqa u eg dundalaglaha. waxaana ku wareegsan hal xuub oo keli ah. Badanaa, bururoogadu waxay leeyihiin yiirsheyaal ay u gudbiyaan moqorrada unugga iyaga oo halkaa ku dheefshiidaya bakteeriyada soo weerarta iyo waxyaabaha kale ee qalaad ee raba inay soo galaan unugga.

Unugyada dhirta u gaarka ah

1. Gidaar unug (cell wall) gidaarka unuggu waa lakab adag oo kor kagasii dahaaran unugxuubaha unugyada dhirta. Wuxuu ka kooban yahay unugceen (cellulose) kaaso ah tuxlobiyood(carbohydrate) ka dhiga dhirta jirideeda, caleemaheeda iyo qaybaha dusheedaba kuwo aad u adag. Gidaarka unuggu guud ahaan wuxu ka shaqeeya ilaalinta, xoojinta iyo qaab usamaynta unugga.
2. Cagaarside (chloroplast): Xubin yarahan lagama helo unugyada xoolaha. Cagaarsidaha waxaa ku jira midabeeye (pigment) cagaaran oo la yiraahdo cagaariye (chlorophyll). Cagaarsideyaashu waa meelaha ay ku samaysmaan tuxlobiyoodyadu (warshadaha kaarbohaydaraydyada), oo waxaa ku jira yiirsheyaal qabanqaabiya tuxlobiyoodyada, iyaga oo adeegsanaya tamarta ilayska ee ay qorraxda ka helaan. Ku xidhnow #Baritaar Kahel oo faafi qoraalkan si ay uga faaiidaystaan bahda aqoonta jecel.

Kuxidhniw #Baritaar

Noolekasmo(BIOLOGY)

XUBNO(organs) Xubnuhu, sida wadnaha, sambabada, caloosha, kelyaha, maqaarka iyo beerku waxa ay ka sameysanyihiin labo ama in kabadan oo Nudo ah kuwaas oo loo diyaariyey in ay qabtaan shaqo cayiman.
Tusaale ahaan, wadnuhu wuxuu gamaa dhiigga, sambabadu waxa ay jirka keenaan Oksijiinta(O2) waxa ayna dibedda u saaraan Kaarboon labo Oksaydhka(CO2), calooshuna waxa ay dheefshiiddaa cuntada. Qaybo kamid ah Xubnaha Jirka xayawaanka:
*Wadnaha
*Sambabka
*caloosha
*maskaxda
*Beerka
*Beeryarada
*kaadihaysta.


Qaybo kamid ah Xubnaha Dhirta
*Caleenta
*Xididka
*Ubaxa


Habdhis Xubneedka (organ system)


Habdhis xubneedku waa koox xubno ah oo isku urursan oo qabata shaqo ka mid ah shaqooyinka lagama maarmaan ka ah ee jirka. Dhammaan habdhisyada oo dhan waxaa ka dhexeeya isgaarsiin sidaa darteed habdhiska hawlgalkiisa ugama maarmi karo habdhisyada kale ee jirka. Habdhisyada oo dhami way isu tagaan si ay u sameyaan jirka aadamaha. Haddaba jirku wuxuu ka koobanyahy hadhisyo dhawr ah oo ay ka mid yihiin;


1.Habdhiska wareegga dhiigga ,habdhiskani waxa uu qaabilsan yahay gamidda ama ganidda dhiiga dhamaan dhiigmareenada jirka sida sambabada, wadnaha iyo dhuumaha dhiigga(blood vessels).
2.Habdhiska qalfoofka, oo uyeela jirka qaab dhaqdhaqaaq haboon samayn kara, kaaso siiya nudaha jilicsan ee jirka tiirsamaad iyo ilaalin. habdhiskani wuxuu ka kooban yahay lafo, seedo, carjowyo iyo taharro.
3.Habdhiska taranka, oo ka kooban xubno abuura aadmiga, taas oo ah inuu qof dhiso, sida xubnaha kala ah ugxan sidaha, dhuunta faloob, makaanka, qanjidhyo caanoodka, xiniinyaha, iyo kuwo kaloo badan. habdhiskani waxa uu maamulaa waaridda sinjiga.


4.Habdhiska muruqyada, oo ka kooban muruqyo qalfoofeed, wadneed iyo kuwo sulban. wuxuuna abuura dhaq-dhaqaaqa jirka isagoo soosaara kul.
5.Habdhiska neefsashada, oo keena awoodda ogsijiintu ku gasho jirka, kaarboon laba ogsaydhkuna uga soo boxo. xubnaha habdhiskan waxaa kamid ah dalqada(pharynx), qulaanqulshaha(larynx), Laancadka(bronchus),bogga(diaphragm) iyo sambabada(lungs).
6.Habdhiska dheefshiidka, oo burburiya cuntada, una roga walxo sahlan oo la nuugi karo si ay ugaaraan unugyada kala gedisan ee jirka oo dhan. Habdhiskani waxaa kamid ah qanjidhada candhuufta(salivary glands),afka, caloosha, beerka, gamaca (pancreas), xanjareeriga(gallbladder), xiidmaha(colon), mindhicirka yar(small intestine) iyo malawadka(rectum).


7.Habdhiska qashinsaarka, oo jirka ka saara wixii qashin ah ee samaysmay.xubnaha qashinsaarka waxa kamid ah; kelyaha, mindhicirka weyn, maqaarka, beerka iyo sambabada.
8.Habdhiska dareenwadka, oo hawshiisu tahay isgaarsiinta qaybaha jirka marka laga eego xagga dareenka. Habdhiskani waa kan xukuma firfircoonida xubnaha kala geddisan ee jirka oo dhan, wuxuu inala socodsiiya wax allaale wixii ka dhacaaya deegaankeenna, si aynu uqabatino.


9.Habdhiska qanjidhada marinka la’, oo ka kooban qanjidho aad u fara badan oo kala duwan, waxayna siidaayaan Geedshe( hormones).waxaana qanjidhadaas kamid ah; qanjidh luquneed/Gaashaan(thyroid gland), qanjidh kankelyood(adrenal gland), qanjidh Xookada (pituitary gland) iyo kuwo kaloo badan.
10.Habdhis kaadiyeedka, oo ka kooban kelyo(kidneys), lise(ureter), Dhiijje(urethra) iyo kaadihays(bladder).
kelli walbana waxay ka kooban tahay malyanno halbeegyo hawleed oo layiraahdo nafroon(nephron). habdhiskani wuxuu qaabilsan yahay kasaarida jirka dareeraha wasaqaysan ee kaadida.
11. Habdhis limfeedka, wuxuu ka kooban yahay nuddo iyo xubno kasaara jirka sunta, wasaqda iyo walxaha aan loobaahnayn.

Bakooro (Glaucoma)

Cudurka Bakoorada
Waa maxay bakooro?
Bakooro waa cudur raaga oo indhaha haleela , kaaso dhaawac u geysta dareenwadaha isha. Damaqeenka ishu wuxuu xogta aragga ee isha geeya maskaxda si ay ugasoo warceliso. Bakooraha wuxuu badanaa ka dhashaa sara-ukaca cadaadis gudeedka isha (intraocular pressure). Cadaadis gudeedka isha caadi ahaan waa: 10-20mmHg, halka bukaanka bakooraha qaba lagu qiyaaso wax kasareeya 25mmHg.

Jaadadka Bakooraha
Waxaa jira 2 jaad oo waaweyn, waxayna kala yihiin:- Bakooro xagal-furan ( raaga), jaadkani malahan summado iyo astaamo marka laga reebo aragluminta soo jiitanta. Jaadkan ayaa loo tixgeliyaa in uu yahay xaaladda ugu badan ee lala kulmo. Bakooro xagal-xiran (soobooda) : haddii qulqulka dheecaan biyoodka ishu xirmo waxaa isha gudaheeda ku bata dheecaanka kaas oo keena sara-ukaca cadaadis xooggan, xanuun badan oo degdega ah, taasoo bukaanka degdeg loogu arko summado ay kamid yihiin indho xanuun daran, lallabo, matag, indho casaad iyo aragga oo isku darsama. Haddaad isku aragto astaamahan degdeg u gaar xarun caafimaad si laguula tacaalo.

Jaadadka kale ee Bakooraha
Bakoore dhallaan (Congenital glaucoma): jaadkani waa mid lagu dhasho, wuxuu leeyahay summado ay kamid yihiin illin badan, dhibsashada ifiinka iyo indhaha oo har yeesha.
Bakoore labaysma (Secondary glaucoma): bakoorahan wuxuu yimaada ka gadaal xaalado kale oo isaga ka horreeya sida caadka indhaha (cataracts), burada indhaha.
Sidoo kale dawooyinka iyo qalliinkuba way keenaan noocan ama jaadkan.
Bakoore giig-saxan (Normal tension glaucoma): bukaanada qaar ayaa qaba bakoore uu saxan yahay tirsiga cadaadis-gudeedka isha, lama oga waxa keenay bakooraha jaadkan balse marmarka qaar ayaa loo tiirayaa sababo ay kamid yihiin qulqulka dhiigga oo hoos udhaca.

Maxaa keena Bakoorada?
Qolka dambe ee Jir ganlaha isha (ciliary body)  ayaa lagasoo daaya dareere cad oo loo yaqaano dheecaan biyood, dheecaankaas ayaa la keena qolka hore ee isha, kadib ayaa laga siidaaya kalliis(channel) udhexeeya quruxa(iris) iyo wiilka isha(pupil), haddii kalliiskaasi xirmo ama qayb gufaysmo, waxaa kor-ukaca cadaadis-gudeedka isha kaas oo dhaawaca damaq-wadaha isha  (optic nerve), markuu dhaawacu isasoo taro, bukaanku wuxuu bilaaba luminta aragga.

Waxyaalaha kale ee keeni kara bakoorada waxaa kamid ah:-
Qulqulka dheecaan biyoodka oo yaraada.
Qaadashada dawooyinka Koortiko istiirooydhiska.
Qulqulka dhiigga isha oo hoos udhaca.
Dhiigkarka ama cadaadiska dhiigga oo kaca.

Daryeelka
Ma jiro wax la xaqiijiyay oo lagu baajin karo bakoorada. Haddii la dareemo cadaadis isha ku soo kordhay oo goor hore la daweeyo, waxay taasi yareyn kartaa luminta aragga waxana ay baajin kartaa indho-la’aan. Waa in indhahaaga ha laguu eego oo ha laga baaro bakoorada ugu yaraan shantii sannadoodba mar Haddaad 40 gu’ kor udhaafto. Haddii tirada cadaadiska ishu ay sare u soo kacdo, waxa aad u baahan doontaa in laguu sameeyo baaritaano indho oo intaa ka badan.

Siyaabaha lagu yarayn karo saru-kaca cadaadis-gudeedka isha:-
Samee jimicsi joogta ah oo nabdoon.
Cun oon caafimaad leh sida cagaarka ama khudaarta.
Yaree cabidda Kafeega.
Ogow sooyaalka qoyskaaga iyo in ay qabi jireen bakoorada.
Hadday warcelintu tahay “haa” uqaanshayso isbaaris indheed joogta ah.
Xiro qalabka indhaha markaad dheelayso ciyaaro ay suurtagal tahay in isha dhaawac soogaaro.

Daaweynta
Bakoorada lama bogsiin karo isla markaana dhaawaca ay keento lama tirtiri karo. Balse cadaadiska isha ayaa la yareyn karaa waxana la badbaadin karaa araga haray si aanu u lumin. Goojada (dhibco isha lagu dhibciyo) ayaa ah daweynta ugu horeysa ee ugu caansan ee lagu daweeyo bakoorada. Daaweynta kale waxa kamid noqon kara dawooyin afka laga qaato, daweyn la adeegsanayo laysar (laser) ama qalitaan. Marka aad qabtid bakooraha, waa in lagu daweeyo inta ka hadhay noloshaada oo dhan.

WQ: Dhakhaatiirta ay kamid yihiin:-
1. Dr. Abdirahman M.Yusuf (Geyllan)
2. Dr. Jama Mohamud (Sacad)
3. Dr. Cumar Cali
4. Dr. Shaafici Abdirahman

Maalmaha Afsoomaaliga

Sooroga 𐒈𐒝𐒇𐒙𐒌𐒖: waa maalinta toddobaadka soo rogaal celisa Af-carabigana loo yaqaan Sabti.
Koobin 𐒏𐒝𐒁𐒘𐒒: waa maalinta koowaad ee todobaadka Af-carabigana loo yaqaan Axad.
Lammin 𐒐𐒖𐒑𐒑𐒘𐒒: waa maalinta labaad ee todobaadka Af-carabigana loo yaqaan Isniin.
Lamatooka 𐒐𐒖𐒑𐒖𐒂𐒝𐒏𐒖: waa maalinta dhextaalka u ah toddobaadka 3 maalmood waa ka horreysa 3 maalmoodna waa ka dambeysa Af-carabigana waxaa lagu yiraahdaa Talaado.
Koodaar 𐒏𐒝𐒆𐒛𐒇: waa maalin farxadeed Soomaalidu dhaqan ulahaan jirtay in talada iyo shirarka maalintaas la go’aamiyo, Af-carabigana waxaa lagu yiraahdaa Arbaco.
Hakisa 𐒔𐒖𐒏𐒘𐒈𐒖: waa maalinta koowaad ee laga nasto hawlihii ama waxbarashadii todobaadkaas lasoo waday, waxaana Af-carabiga lagu yiraahdaa Khamiis.
Hakisabila 𐒔𐒖𐒏𐒘𐒈𐒖𐒁𐒘𐒐𐒖: Waa maalinta labaad ee laga nasto hawlihii ama waxbarashadii todobaadkaas lasoo waday, waxaana Af-carabiga lagu yiraahdaa Jamce

Hakisooyin 𐒔𐒖𐒏𐒘𐒈𐒝𐒕𐒘𐒒: Hakisooyinku waa labada maalmood ee la nasto todobaadka Soomaalidana u dambeeya (waa Hakisa iyo Hakisabila)

👉La wadaag Jaalleyashaada
#Baro_Afkaaga_Hooyo #Maalmaha_toddobaadka

Heerarka Caanaha

Caanuhu waa hoore cad, nafaqo leh, la dhamo oo naasleyda dhedig oo irmaan Caanogaleenkeeda laga helo markii la maalo.
Caanuhu waxay maraan lix heer oo kala ah:-
1.Dambar 𐒆𐒖𐒑𐒁𐒖𐒇: waa heerka koowaad oo ah neefka markaa dhala Caanaha cawlka ah ee laga liso ama laga nuugo.
2.Dhay 𐒊𐒖𐒕: waa heerka labaad oo ah marka caanuhu ugu dhadhan wacan yihiin.waxaa kaloo layiraahda kasoofeen, galax, waraasi, falanfalxood. Caanaha dhayda ahi waxay oollaan karaan gelin haddaan loo adeegsan farsamooyin kale ( sida barafeyso in la geliyo) oo doorsoomidooda looga hortagayo.
3. Mayac 𐒑𐒖𐒕𐒖𐒋: waa heerka saddexaad oo ah dhalanrogga koowaad marka uu ku dhaco oo dhadhankoodu yara doorsoomo.
4.suusac 𐒈𐒓𐒈𐒖𐒋: waa heerka afaraad oo ah markay caanuhu dhadhan ahaan aad u rogmaan.
5. Heerka shanaad waxaa loo kala qaada labo si. Kuwa raafleydu(Lo’da iyo Ariga) waxay u gudbaan heerkoodii shanaad oo layiraahdo #Garoor 𐒌𐒖𐒇𐒝𐒇 oo ah caano fariistay oo is haysta.

Garoorka saddex jaad ayaa loo kala qaadaa oo kala ah
B) booda cadde 𐒁𐒝𐒆𐒖 𐒋𐒖𐒆𐒗: waa midka marka haruubka lagu Dhibaato ugu dhaca sidii cadad fara badan iyo dhibco tira dhaaf ah oo boodboodaaya qofka shubahayaana uu dhawr jeer fooliisa ka tirtiro.
T)Dhataqle 𐒊𐒖𐒂𐒖𐒎𐒐𐒗: waa cadad waaweyn oo balbalaadhan si tartiib tartiib ahna haruubka ugu dhaca iyada oo in ishaystaa markay ku dhacdaba la maqlo “dhataq” sharqan u eg.
J)Hurde 𐒔𐒚𐒇𐒆𐒗: waa garoorka isaga oon kala harin kalana soocnayn weelka ku dhaca wax cod ahna habayaraatee aan laga maqal. Kuwa geelana iyagu waxay ugudbaan #Karuur oo ah iyaguna caano geel oo fadhiistay, gelin ama laba markuu weelka ku jiro karuurku dhanaan daran ayuu noqdaa markaasna #Jaan ama #Jinow*ayaa la yiraahda.

6. Watabiir 𐒓𐒖𐒂𐒖𐒁𐒕𐒇: waa caanuhu markay dhanaan dhaafaan oo bur iyo biyo u kala baxaan.

Haddaad wax ka gororsatay Faafi oo gaarsii dadka kale si ay wax uga gororsadaan.
#Baro_Afkaaga_Hooyo #Heerarka_Caanaha #Caano #𐒋𐒛𐒒𐒙

nin daallan , daal hayo

Jaadadka Daalka

Daalku waa dareen jiirago’, wahsi, tamarla’aan iyo weliba jiif iyo nasasho rabid weyn oo ay dareento nafleydu.
1.Dhacsaalid: aad udaalid
2.Dakaanid: gammaan ama awr daalid.
3.Shiraarid/cabbaarid: awr raran aad u daalid
4.Wanshiir: culays dartiis la daalid.
5.dhabarjabid: hawlculus ku daalid.
6.Cagagororid: istaag ku daalid
7.Jidaalid/canaabid: sadcaal ku daalid (socod dheer)
8.Manjaroor/manjasuuxid: istaagnaan badan ku daalid
9.Oomiyid: hadal badan ku daalid
10.Rigaaxid: orod , ciyaar ama Jimicsi ku daalid
11.Axgabid: jirro ama gabow la daalid.
12.Gandabid: jirro awgeed la daalid
13.Beercaddaad: qaylo, qosol ama oohin badan darteed la daalid.
14.Galoofid: wax aan mirodhal wanaagsan lahayn ku daalid.
15.Gammoomid/Jambareerid: gaajo iyo harraad dartood la daalid.
16.Habacid: dhereg darteed la daalid. 17.Hamaamid: dhafar dartiis la daalid
18.Hankaagid: socod muraadkii laga lahaa oo lagu hunguubo awgii ladaalid
19.Qasqaasmid: maskaxda oo laga daalo.
20.Dhuurriyid: Daal dartiis la xanuunsasho
Dhammaad

QURAC, ABQO 𐒎𐒚𐒇𐒖𐒋, 𐒖𐒁𐒎𐒙 Eng (Umbrella thorn acacia/Acacia tortilis)

Qurucu waa geed abaareed weyn oo leh qodax, mayrax xabag wanaagsan iyo abqo , baarka sare sidii harisadoo(dallada) kale ufidsan, wuxuu aad uga baxaa qaaradda afrika gaar ahaan dhulka soomaalidu degto iyo dalka suudaan, sidoo kale waxaa lagu arkaa wadamada bariga dhexe. dherer ahaan ilaa 5 tillaabo ama kabadan ayuu kor u baxaa, wadamada kale qaarkood wuxuu gaara illaa 20 tillaabo. Geedkan waxay bah wadaag yihiin geedaha qansaxa iyo qaydarka. geedkani wuxuu kamid yahay geedaha ugu da’da weyn geeska afrika wuxuu cimrin kara boqol gu’ ama kabadan.

Summadda geedkan iyo Waxtarkiisa
Qurucu wuxuu leeyahay caleemo yaryar oo loo yaqaano dayo, caleemihiisa ayaa dherer ahaan gaara 2.5 cm , halkii samay dayo waxay ka kooban tahay illaa 15 caleenyaro lammaan, halkii caleenyarana waxay leedahay 4 illaa 10 caroog oo lammaan. Caleentiisa waxaa daaqoo jecel xoolaha gaar ahaanan ariga.

Geedkani wuxuu leeyahay ubax loo yaqaan xay , waa ubax yaryar oo cad , kaas oo badanaa cuntub cuntub isku haysta. Abqo waa miraha geedkani baxsho , waxay leeyihiin dhabannacaso wareegsan ama bagafsan.
Qodaxda quraca ama aqabka ayaa leh laba jaad, jaad qodax qaroofan ama dhiddaysan iyo jaad qodax tiigan ama dheer , quracyada qaar ayaa leh labada jaadba halka qaarna leeyihiin hal jaad.

Aqabku maahan geed cabban ama nugul ah ee waa geed lihiin ah , adkaysi badan , u dulqaata abaarta ,saliisha iyo raranta , wuxuu leeyahay xididdo xooggan oo dhulka aad ugu siqa taas ayaana keentay in uu muddo dheer noolaado geedkani. Geedkan ayaa baarkiisu u leelsan yahay sida harasida ama dallada, taasbaa xoola-dhaqatada iyo hayaankaba u sahasha in ay harsado ama la dallaalimaysto. Geedkan waxaa laga diirtaa mayrax laga sameeyo xargo yaryar sida barooqda kebdaha ama rarada geeddiga, waxaa kaloo laga helaa ood, tiirar iyo dhuxul. Quraca ayaa kamida geedaha uu qadowgu kadul baxo.

Micnaha Erayada:
1.Aqab : magac labaad oo loo yaqaan quraca
2.Xay: ubaxiisa cad ee cantoobsan
3.Dayo (W. -ooyin)=caleentiisa, siiba marka ay qoyan tahay.
4.Dimcad/ Xanan=quraca da’da yar oo leh ulo xoog badan iyo mayrax aad u cad.
5.Durruje/damal- Quracda waaweyn 6.Abqo: miraha geedkan.
7.qadow: geed yar oo jaadad badan ah dhirta waaweyn sida quraca korkooda inta ka baxa magoola.
8. dhabannacaso: galka iniinyaha sida abqada iyo digirta.
9. samay: daabka caleenta.

#Afsoomaali #afkahooyo #afbarasho #afkasmo #dhirta #geedaha #hodan #jilibxir #qurac

Dhammaad

Qaybaha Weydiinta

Weydiimaha waxaa loo kala qaada dhawr qaybood oo ay kamid yihiin:-

1. Hayb Weydiin iyo Warcelin: waa weydiimo toos ah oo ardayga laga aqoondhuganayo heerka aqoontiisa ee ku aaddan weydiintaas, waxaana kamid ah:
B) Hayb Qeexis: waa hayb ama weydiin lagaa rabo qeexitaankeeda oo keliya.
T) Haybdheer: waa Weydiin lagaa rabo warcelin dheer, badanaa waa weydiin fikradeed.
J) Haybgaaban: waa weydiin lagaa rabo warcelin gaaban ama sugan Tus. meel magaceed oo kale.

2.Hayb Go’aan/ Hayb Gar ama Gef: waa weydiimo lagu go’aamino weero qoran waxa ka dhab ah iyo waxa ka been ahba. haddii weertaasi ay runtahay waxaa ku hor qoraysa #Gar ama #Run, haddii ay beentahayna waxaad ku horqoraysaa #Gef ama #Been. ardayga haddii afka toos looga weydiiyo haybgo’aan kadibna uu ka warceliyo, haddii uu ka runsheego waxaa layiraahdaa waa #Gartay, haddii uu ka beensheegana waxaa layiraahda waa #Gefay.

3.Hayb Doorasho/ Hayb Goobogelin: waa weydiimo laguusoo bandhigayo weero qoran kadibna warcelintooda aad ka dhexdooranayso dhawr warcelinood oo iyagana lagu siinayo.

4.Hayb Buuxbuuxin: waa weydiimo lagaa rabo inaad garato qoraal meelo ka banbanaan yihiin inaad ku buuxiso war ku habboon.

Baro Afkaaga Hooyo

Habka kala gooraynta Caanamaalka (Habeen iyo Maalin)

Gooshashka Gelinka hore (Barqo)
7:00 Jarmaad
8:00 Barqayaro
9:00 Xiskin
10:00 Barqo-kulul
11:00 Harsookor /Barqaharraac
12:00 Har

7:00: illaa 11:59 Barqo
12:00 illaa 14:59 Hargal

Gelinka dambe (Galab)
13:00 Baqool
14:00 Gadiid
15:00 Galabdheer/ gabbaldheer
16:00 Carraab
17:00 Galabgaab /gabbalgaab
18:00 Himse

13:00 illaa 17:59 Galab
15:00 illaa 17:59 Galab dambe

Habeenkii Gelinka hore (Fiidka)
19:00 Fiid-horaad
20:00 Fiid-dambeed
21:00 Caweys horaad
22:00 Caweys gud/ gudaal
23:00 Caweys dambaad

19:00 illaa 20:59 Fiid caarre
21:00 illaa 23:59 Caweys

Habeenkii Gelinka dambe (Hiraab)
00.00 Saq
01:00 Saq dhexe
02:00 Saq-badh
03:00 Ooghore
04:00 Fayd / Oog dambe
05:00 Hiir
06:00 Aroor

00:00 illaa 5:59 Hiraab
00:00 illaa 02:59 Saq
03:00 illaa 05:00 Oog
05:00 illaa 7:00 Waabari