Baritaar

Erayada ka bilowda xarafka G-

Noolekasmo / Caafimaad

G

  • Galactose: Maskaxceen
  • Gall-bladder :Xanjareeri
  • Gametangium :Gamitanjiyam
  • Gamete: Jinsuuno / Unug Jinsi
  • Gametic nuclei: Bu’yaal Jinsi
  • Gametogenesis :Jinsileel / Jinsisamayn
  • Gametophyte: Waji Jinsiyeed
  • Gamatophyte generation: Fac Waji-jinsiyeed
  • Ganglion : Guntimeeq /Guntin dareen
  • Gel : Xab
  • Gene: Hiddoside
  • Genetalia: Waaxo tarmeed
  • Genetics: Hiddokasmo
  • Genotype: Hiddojaad/ Jaadka Hiddaha
  • Genus: Duul
  • Geological time : Da’da dhulka
  • Geotropism: Dhusin raac
  • Germ cells :Unugyo jinsi
  • Germinatio: Biqlin
  • Germ layer: Lakab jinsi
  • Germ tube: dhuun jinsi
  • Gastation: Uur
  • Gills: Waafyo
  • Gills fungi: Fangi waafyood
  • Glaward : Midxin
  • Glands: Qanjir
  • Glomerulus: Kubadyaro Kelli
  • Glucose: Dheenco
  • Glycerol: Gilisarool
  • Glycogen : Dheencokeydshe
  • Glycogenesis: Dheencokaydleel
  • Gonad: Taranaarqo / Qanjir taraneed ,
  • Graft: Tallaal jamid
  • Graffian follicle : Goonka Garaafiyan
  • Granulocytes: Madhiflay
  • Grass: Caws
  • Green glands : Qanjirro cagaaran
  • Growth: Korriin
  • Guard cell : Unug ilaaliye
  • Gullet: Hunguri,jidiin
  • Gut: Calool yaro
  • Gymosperm: Ubax la’

Erayada ka bilowda xarafka F-

Noolekasmo / Caafimaad

F

  • Facial nerve: Dareenside Waji
  • Faeces: Saxaro
  • Fallopian tube: dhuun maxal
  • False rib : Feedh calaan
  • Family: Bah
  • Fat: Dufan
  • Fat body : Jidh dufaneed
  • Fat cells Unugyo dufaneed
  • Fatty acid : Dufanaasho
  • Feather: Baal
  • Fermentation: Khamiirid
  • Fern: Feen
  • Fertile soil: Carro san
  • Fertility: Bacrinimo
  • Fertilization :Bacrimin
  • Fertilization membrane : Xuub bacrimin
  • Fertilizer: Bacrimiye
  • Fibre: Miiq
  • Fibril: Miiqyaro
  • Fibrin: Miiqtin
  • Fibrinogen : Miiqtinside
  • Fibrous: Miiqan
  • Fibrous root : Xidid miiqan
  • Fibula: Biixiyar
  • Filament: Dunan
  • Fin: Baalbiyood
  • Fin rays: falaadho baalbiyood
  • Fish: Kalluun
  • Fission : Dhamballan
  • Flagellate : Jeedallay
  • Flagellum: Jeedal
  • Flame cells :Unugyo gas leh
  • Flat worms : Gooryaan suun
  • Flea: Takfi,boodo
  • Floral diagram: Jaantus ubaxeed
  • Floral formula : Jid ubaxeed
  • Floral tube: Dhuun ubax
  • Flower: Ubax
  • Flower bisexual : Ubax labeed
  • Flower imperfect :Ubax dhantaalan
  • Flower pistilate: Ubax dhidig
  • Flower staminate: Ubax lab
  • Flower unisexual: Ubax hal jinsile
  • Flowering plants: Ubaxlay
  • Fluid: Hoor
  • Fluke: Faraqle
  • Foetus : Ilmo calooleed
  • Foetus membrane: Xuub ilmood
  • Follicle: Goon
  • Food chain : Silsilad cunteed
  • Food pyramid : Gunbur cunto
  • Food vacuole: Dalool cunteed
  • Food web : Shalash
  • Foot: Cag
  • Fore arm: Dhudhun ,gacan horeed
  • Forebrain: Maskax horeed
  • Fossile: Foosil
  • Fraternal twins: Mataano kala duwan
  • Fragmentation : Qurbin
  • Fructose : Miroceen
  • Fruits: Midho
  • Function: Shaqo
  • Fungi : Like / likaha
  • Fungicide: Likedile
  • Funicle: samay ugxanside
  • Fur: Dhogor

Erayada ka bilowda xarafka E-

Noolekasmo / Caafimaad

E

  • Ear: dheg
  • Ear Drum: Durbaan dhegeed
  • Ear ossicle: Laf dhegeed
  • Ecdysis: Xuubdhacsi, qubridasho
  • Echinodermata:
  • Ecological Factor: Samaynta Deegaankasmo
  • Ecology:Deegaankasmo
  • Eco species : Sinji deegaan
  • Ecosystem: Habdhis deegaan
  • Ecotype: Deegan deegaankasmo
  • Ectoderm: jiifduleed
  • Ectoparasite: dulinduleed
  • Ectoplasm: qooshduleed
  • Effector neuron: dareenwade fule Unugdareenwade dhaqaaq
  • Effector branchial arteries: Halbowlayaasha ka fula
  • Effector fibers: Miiq fula
  • Effector loob: Qool fula
  • Egestion: Saxarood
  • Egg: Ugxan
  • Egg membrane: Xuub Ugxaneed
  • Elastic cartilage: Carjow loodsanta
  • Elephantiasis: Lug maroodi
  • Embryo: Uurjiif
  • Embryogenesis: Koritaan uurjiif
  • Embryology: Uurjiifkasmo
  • Embryo sac: Kiish uurjiif
  • Embryonic membrane: Uurjiifxuube
  • Embryonic Period : Sid
  • Embryo phyte: Uurjiiflay
  • Enamel: Dheeh
  • Encysted: Dahaadhan
  • Endemic: Dulid goobeed
  • Endocardium: Gudowadneed
  • Endocarp: Gudomidheed
  • Endocrine gland: Qanjidh marinla’
  • Endocrine system: Habdhis Qanjirmarinla’
  • Endodermal cells: Unugyo dubgudeed
  • Endometrium: Xuub Maxal/Min
  • Endoparasite: Dulin gudeed
  • Endoplasm: qooshgudeed
  • Endoplasmic reticulum: Iliil qooshgudeed
  • Endoskeleton: Qalfoof gudeed
  • Endosperm: Xawo gudeed
  • Endotoxin: Mariid gudeed
  • Energy: Tamar
  • Entomology: Cayayaankasmo
  • Entomophilous: Cayayaan faxal
  • Endophyte: Dhilowyahan
  • Enucleate: Bu’ la’aan
  • Enuleate: Bu’ tirid
  • Environment: Deegaan
  • Enzyme: Yiire
  • Epicardium: Shaqwane
  • Epicotyl: Shaqbeer
  • Epidermis: Shaqmaqaar / Dubmaqaar/ Dubsare
  • Epididymis: shaqxiniin
  • Epigeal: Korkubax
  • Epiglottis: Cidhib
  • Epiphyte: Saar
  • Epithelium: Cinjirsare
  • Errector muscle: Muruq taage
  • Erosin: Nabaadguur
  • Erythrocytes: Udhicasyada (unugyada dhiiga cascas)
  • Erythropoiesis: Udhicas samayn-ta
  • Esophagus: Hunguri madoobe/ jidiin
  • Estivation:Suuris xigaa
  • Etiolation: Naddarid
  • Euglena:
  • Euglena behavior : Asow…
  • Euglena form and habitat: qaabka iyo sabada…
  • Evagination: Muf
  • Exchange: Iswaydaarsi
  • Excretion: Qashinsaar
  • Excretory Organ: Xubin qashinsaar
  • Excurrent growth: Mudh bax
  • Exhale: Neefsaar
  • Exocarp: Diir midhood
  • Exocrine Gland: Qanjidh marinle
  • Exodermis : Dub duleed
  • Exoskeleton: Qalfoof duleed
  • Expansion: Bokhokh, Fidis
  • Explantation: Beerid nudeed
  • Extension: Tirrijis
  • Extensor: Tirriijiye
  • External Auditory meatus: Dalool duleed maqal
  • Extracellular : Duleed unug
  • Extracellular Digestion: Dhiifshiid Duleed unug
  • Extra-embryonic: Uurjiid Duleed
  • Eye: il
  • Eyeball: kubbadda isha
  • Eyelids: Xirribo
  • Eyemuscles: Muruqyo ileed

Erayada ka bilowda xarafka D-

Noolekasmo / Caafimaad

D

  • Darwinism: Aragtida Darwin
  • Daughter cells: Unugyada mataanaysan
  • Day light vision: Aragtida Ilays maalmeed
  • Daemination: Harsadbiile tirid
  • Decay: Qurmid
  • Deciduous: Magoolayaal
  • Deciduous teeth: Ilka caanood
  • Decomposer: Kala bixiye
  • Decortication: Qubtirid, Diirtirid
  • Deficiency Disease: Yaraansho
  • Defoliation: Tirmid
  • Dehiscent: Dhambacme
  • Dehydration: Oomnaan, biyo kasaaris
  • Dehydrogenase:
  • Dendride: Faraq dareen , Geedyarooyin
  • Denitrification: Hareeri tirid
  • Dens: Ilig
  • Dental Formula: Naaneys ilkood
  • Dental groove: Xordhan ilkood
  • Dentine: Ilko
  • Deoxyribose: Hololsaar Bu’macaane
  • Deoxyribonuclease:
  • Deoxyribonucleic acid DNA:
  • Depauperate: Cilin
  • Dermotophytes: Dubkabax
  • Dermis: maqaar
  • Dermatitis: Maqaar-olol / Maqaarkaar
  • Determination of sex: Go’doomin jinsi
  • Diabetes mellitus: Jirro Kaadimacaan
  • Diagnosis: Bugbaadhis
  • Diaphragm: Bog
  • Diastema: Fanax
  • Diastole: Hakadwadneed
  • Diatoms: Labasaxarlayaal
  • Dicotyledon: Beerlamaane
  • Differenciation: Meesiyayn
  • Diffuse: Dhexgelid
  • Diffusion: Dhexgalid
  • Digestion: Dheefshiid
  • Dhigestive Enzyme: khamiir Dheefshiid
  • Dhigestive Glands: Qanjidho Dheefshiid
  • Digestive System: Habdhis Dheefshiid
  • Digits: faro
  • Dihybrid: Iskadhal
  • Dihybridization: Iskadhalid
  • Dimorphism: labaqaable
  • Dioecious: halsinjiinle
  • Diploblastic: labaduble
  • Diploid: Lammaan
  • Diploid Condition: Xaalad labaysan
  • Diploid Number: Tiro lammaanle
  • Disc: Daawe
  • Discontinuous distribution: filqan aan ishaysan
  • Disease: Cudur , jirro
  • Dispersal: Firdhis
  • Disperse: Firdhi
  • Dispersion medium: Firdhiye
  • Dissimilation: Jejebin , burburin
  • Distal: Gadaaleed
  • Distribution: Filiqsanaan
  • Diversity: kaladuwanaansho
  • Division: qaybis
  • DNA: Buhsob-ta
  • DNA cycle: Meertada Buhsob-ta
  • DNA Replication: Dheegidda Buhsob-ta
  • DNA sysnthesis : Samaynta Buhsob-ta
  • Dominance: Shiiqis
  • Dominant: shiiqiye
  • Dominant Character : Astaan Shiiqiye
  • Donor: Deeqe
  • Dormacy : Hogasho
  • Dormant: Hogte
  • Dorsal: Duleed
  • Dorsal Aorta: Gar duleed
  • Dorsal lobe: laabi duleed
  • Dorso intestinal vessel : Dhuun duleed mindhicir
  • Double Circulation: Dhiigwareeg lammaan
  • Double Cross: Iskudhufasho lammaan
  • Double Fertilization: Bacrin lammaan
  • Drosophila: diqsimireed
  • Drupe: lafley
  • Ductless Gland: Qanjidh marinla’
  • Duodenum: 12faraale, 12le (laba iyo toban faraale)

Erayada ka bilowda xarafka C-

Noolekasmo / Caafimaad

C

  • Cactus: Tiin
  • Calcifuge: Jaan kuma bax
  • Callus: Gaatir
  • Calorie: Tamarbeeg / Tarbeeg
  • Calyx: Malaacayaal
  • Cambium: Rogob
  • Canal system: Habdhis Kelli
  • Canine: Mici
  • Canning: Qasacayn
  • Capillaries: Tintaafyo
  • Capsule: Jaxaas
  • Carapace: Qolof
  • Carbohydrate(Glyco-): Dhuxlobiyood
  • Carbon cycle: Meerto Dhuxlo
  • Cardiac: wadneed
  • Cardiac Muscle: Murqo wadneed
  • Cardinal Veins: Aroorayaal wadneed
  • Carotid Arch: Qaanso qooreed
  • Carotid artery: Halbowle buufiye
  • Carpals: Cumaacumo
  • Carpel: Ubo-ubax
  • Carpus: Gobol cumaacun
  • Carotene:
  • Cartilage: Carjow
  • Cartilage bone: Laf Carjaweed
  • Catalase: Burburiye /Burburyiire
  • Caterpillar: Dirindiir
  • Caudal: dabood(dabo xigid)
  • Cauline: Jirid kabax
  • Cell: Unug
  • Cell body: Jir unug
  • Cell cycle: Meerto unug
  • Cell division: Qaybis Unug
  • Cell membrane: Xuub Unug
  • Cell migration: Guuris unug
  • Cell sap: Fuuq unug
  • Cell Structure: Dhisme Unug
  • Cell theory: Aragti unug
  • Cell tissue: Nudo unug
  • Cell wall : Gidaar unug
  • Cellular organelles: Xubnoyarooyin Unugeed
  • Cellular transformation: Doorin unugeed
  • Centrasome: Xudunoogo
  • Cenozoic:
  • Cephalization: Madaxayn
  • Cephalichordate: Madax araxley
  • Cephalothorax: Madax saablay
  • Cerebellum: Maskax yaro
  • Cerebral cortex: Lakab-bayga Maskaxhoraad
  • Cervical groove: Xordan luqumeed
  • Cervix: luqumeed
  • Cheese: Faar
  • Chemo-receptors: Qaabile kiimikaad
  • Chemo-synthesis: Tarkiib kiimikaad
  • Chlorophyll: Cagaariye
  • Chloroplast : Cagaarside
  • Chondrichthyes: Kalluun carjaweed
  • Chordate: Adhaxlay
  • Chorion: Qolof Ugxan
  • Chromatids: Jeexyo midaboogo
  • Chromatin Tissue: Nud walxomidaboole
  • Chromatophore: Midabside
  • Chromoplast: Cagaarlaawe
  • Chromosome: Jir midaboole
  • Chyme: Qamarshiid (shiidanta)
  • Cilia:Gan
  • Ciliary body: jir ganle
  • Ciliary feeders: Gan kuquute
  • Ciliary muscles: Murqo ganeed
  • Ciliary structure: Dhis Ganeed
  • Ciliata: Ganley
  • Ciliated Cells: Unugyo Ganley
  • Circular canals: Kalliyo wareegsan
  • Circulatory system:Habdhis Dhiigwareeg
  • Citric acid cycle: Meertada dhaniin sitrik
  • Class: Dir
  • Classification : kala soocid
  • Claspers: Qabsatooyin
  • Clavicle: Kalxan
  • Cleavage: qarqarar
  • Climax: madhaafaan
  • Clitoris: Kintir
  • Clot: Xinjir
  • Coccidiosis:
  • Coccus: Meeraaxo
  • Cocoon: Buul
  • Coelom: Qaaxo
  • Coelomix: Qaaxley
  • Coelomix Cavity: Moqor Qaaxeed
  • Coiled filament: Dunan Duuban
  • Cold-blooded: Dhiig-gaboobayaal
  • Coleoptile: Daba xiddikeen
  • Collenchyma: Nudqareed
  • Colloid: xabagle
  • Colloidal system: Habdhis Xabagle
  • Colon: xiidan
  • Colony: xoon
  • Colony forming Unit: Halbeeg xoon sameeye
  • Colour Vission: Midab Arag
  • Commensalism: wadanoolaansho
  • Common: Guud
  • Community: Beel
  • Companion: Wehel
  • Companion Cells: Unugyo weheleed
  • Comparative physiology: Hawlabiinaaro isgarabdhigan
  • Compensation Point: Heer Magdhow
  • Compatition: Tartan
  • Complete metamorphosis: Dubrogasho dhan
  • Complex cells: Unugyo Iskudhafan
  • Composites: Iskudhisan
  • Compound leaf: Celeen iskudhisan
  • Compression: Diisnaan
  • Conceptacle: Sati
  • Condensor: Xarfiye
  • Conditional reflex: Soonoqod Xaaladeed
  • Cones: Toobinno
  • Conjuctive: Jillad, xuub xabeed
  • Conjugation: Doolaalis
  • Connective: Iskuxirayaal
  • Connective Tissue: Nudo iskuxirayaal
  • Consumer: Dheefsade
  • Contagious: Taabasho kugudbe
  • Contraception: Dhalmo Xadidid
  • Contractile Vacoule: Dalool urur
  • Control of cell division: Caynaaninta qaybsanka Unugga
  • Convoluted Tubule: Dhuunyaro laablaaban
  • Copulation: Saarasho
  • Coral: Shacaabi
  • Cork: Fur qori
  • Corn: Gallay
  • Cornea: Ilxaydh / Geesleycaad
  • Corolla:Laacayaal
  • Corpuscle: kiriir / jir
  • Corpus luteum: Cad woob ah
  • Cortex: Diir hoosaad
  • Cotyledon: Beer
  • Craniate: Basalay
  • Cranium: Baso
  • Crop: Dalag, Oli
  • Crop rotation: Dalag geddis
  • Crossbreed: Taran geddis
  • Cross Fertilization: Bacrin Talow
  • Crossing over: Isutalow
  • Cross pollination: Faxlid tallow, Tallaabin
  • Cryptophyte: Geed badhyaale
  • Culture: Beerid
  • Cuticle: Toxob
  • Cytology: Unugkasmo
  • Cytolysis: Unugburbin / Unuglayn
  • Cytoplasm: Qoosh-unug
  • Cytidine: Unuggunco
  • Cytosine: Unuggun
  • Cytosol: Uurqoosh

Erayada ka bilowda xarafka B-

B

  • Bacillus: Takaaxo
  • Backbone: Lafdhabar
  • Backcrossing: Talaal tafiireed
  • Bacteria: Bakteeriya / Baaxo
  • Bactericide: Bakteeriyodile /Baaxodile
  • Bacteriology : Bakteerikasmo / Baaxokasmo
  • Burbules: Baarumo
  • Bark: Jidhif /jirif
  • Barrier: Carqalad
  • Basal metabolism: Dheefsasho saleed
  • Basidiomycetes:
  • Basidium:
  • Beans: Atar, Digir
  • Bedbug: Tukhaan
  • Belly: Buruc
  • Beetle: Geesoole
  • Biennial: Laba sanaale
  • Balateral symmetry: Jeebis dherer
  • Bile: Xamayti / Xameeti
  • Bile duct: Marin xamayti
  • Bilharzia: Dhiigfaraqlow
  • Binary Fission: Dhambalan
  • Binomial Nomenclature: Magacaabid labaysan
  • Biochemistry: Tukhkasmo
  • Biogenesis: Nolol ka askun
  • Biological control: Xakamayn Noolekaseed
  • Biological Factor: Isir noolekaseed
  • Biology: Noolekasmo
  • Biosphere: Meerenool
  • Biosynthesis: Samaysnool
  • Biotic community : Beel nafley
  • Bisexual : Ubax labeebshe
  • Bivalve: qabato
  • Blastula: Joogle
  • Blight: Awaarayti
  • Blood: Dhiig
  • Blood clotting: Dhiig xinjirow, Dhiig Xarkag
  • Blood group: Kooxaha Dhiigga
  • Blood platelets: Huubo dhiig
  • Blood pressure: Cadaadis dhiig
  • Blood serum: Sayax dhiig
  • Blood vessel: Dhuun dhiig
  • Blody cavity: Moqor jireed
  • Bone: laf
  • Bony fish: Kalluun lafeed
  • Book lungs: Sanbab Qorriig
  • Botulism: Balalo
  • Bowman’s Capsule: Jaxaaska Bowmaan
  • Brain: Maskax
  • Brain stem: Jirrid maskaxeed
  • Breathing: Neefsasho
  • Bronchial tube: Hunguricad
  • Bronchus: Farac Hunguri
  • Brownian movement: Dhaqdhaqaaqa barowni
  • Bud: Ruqur
  • Budding: Ruqurayn
  • Bud scales: Jidhif ruqur
  • Bulb : Badhi
  • Bulbil: Badhiyar
  • Bundle Sheath: Gal Xirmo
  • Bursa: Dhareeray

Fardaha

Fardo : nooc kamid ah meesiyada la dhaqo

Farduhu wuxuu kamid yahay Gammaanka , oo kasii mid ah xoolaha la dhaqdo, waa astaan u taagan dagaalka iyo safarka , Fardaha Soomaalidu waxay u adeegsan jireen:-
1. Xarago ahaan
2.Sahanka
3.Duulaanka
4.Yarad ahaanna waa loo bixin jiray .
Faraska kiisa lab Faras baa layiraahda kan dhedigna Geenyo , gurboodkiisa waxaa layiraahda Garmaamn, sidoo kale magiciisa guud waxaa loo yaqaan Khayl.

Jaadadka Fardaha

Farduhu waxaa loo qaybshaa 7 marka oo eego dhanka midabkooda , waxaana lakala yiraahda:-
1.Ashkir 𐒖𐒉𐒏𐒘𐒇 : faras wada cas.
2.Caynab 𐒋𐒖𐒕𐒒𐒖𐒁: faras wada madow.
3.Qaaje 𐒎𐒛𐒃𐒗: faras wada cad.
4.Bullaale 𐒁𐒚𐒐𐒐𐒛𐒐𐒗: Faras midab dambar ah leh, marmarka qaarna timaha iyo adimuhu madow yihiin.
5.Xamar 𐒄𐒖𐒑𐒖𐒇: faras cas ama bunni ah balse ay timihiisu madow yihiin.
6.Bood 𐒁𐒝𐒆: faras midabkiisu uu yahay caddaan balse cawl ku dheehan yahay.
7.Baroor 𐒁𐒖𐒇𐒝𐒇: waa faras hal midab kaliya aan lahayn.

Jaadadka Orodka Fardaha Marka loo eego orodkiisa:-


Magaan: Fardaha gaabiya
Baxdow: Fardaha aadka udheereeya

Xaallada orodka fardaha ayaa loo kala yaqaana sidaan:-
Gaalib : markuu orod yar samaynayo
Kadle :markuu afarta addin ku yara ordayo
Qaatime :Markay durdurinayaan waxaa la dhahaa
Nuuxayn :Markay iska taxtaxaashayaan waxaa la dhahaa
Garmaame : Marku xilliga barwaaqada lagu jiro orod qurxoon ay sameeyaan.
Koose : Orodka ugu gaaban ee farduhu sameeyaan
Wankalaali :Bootinta dheer ee fardaha
Waxa kaloo orodka fardaha kamid ah : HARDAF , JEEFAG

Farduhu markay Boqol gaaraan waxaa looyaqaana Wegen
Codka Fardaha ayaa loo yaqaan Danan


Gabaygii Jaadadka Fardaha

Gabyaagii caanka ahaa ee AUH Faarax Afcad ayaa gabay ka tirshay Fardaha iyo jaadka ugu dheereeya , Gabyaagu wuxuu tixdaan ku bilaabay:-

  • Ashkir orodki waa maalintuu, oofoweyn yahaye
  • Ol olaha nin jacel baan ahee, yuusan ii imaanin
  • Addin-gaab arooryada hore yuu igigif leeyaaye
  • Uur-yacay abaar kama baxee, yuusan ii imaanin
  • Bullaale af adayggaan ku nacay, aar ha soorido e
  • Niman urursan buu kuu geshaa, yuusan ii imaanin
  • Ma irdhaysna oo caynab, waa faras Ogaadeene
  • Oday baa ubbada loo suraa, yuusan ii imaanin
  • Nin ugaarsadaa xamarka jacel, orod dambeedkiise
  • Usha iyo dhawaaquu sugaa, yuusan ii imaanin
  • Hadduu oomo boosayga naftay, kala aguugaane
  • Aroorkii maqnaa kuma simee, yuusan ii imaanin
  • Qaajayga indhaha diiran lihi, waa inkaar qabo e
  • Oodda iyo qodxaha kama gudee, yuusan ii imaanin
  • Isha waxaan la raacaa fardaha, kii ilwaad badane
  • Afar midable oofta iyo fanka, iyo araxdu weynaatay
  • Oogada madoobow baroor ubaxa baan dooni.

Laboodka & Dhedigoodka Nafleyda

Qaybta koowaad Nafleyda ayaa loo qaybshaa laba qaybood oo kala ah:
Duurjoog iyo Dabjoog Duurjoog 𐒆𐒓𐒇𐒃𐒝𐒌: Nafleyda inta duurka ku nool ayaa layiraahdo Duurjoog ama cidla’joog.
Dabjoog 𐒆𐒖𐒁𐒃𐒝𐒌: Nafleyda inta dadka la nool oo ay kamid yihiin Xoolaha la dhaqdo ayaa la yiraahda Dabjoog.

Maantay waxaan idiin soo gudbinaynaa laboodka iyo Dhedigoodka Duurjoogta qaybtii koowaad:

Qaybtii 1aad

LabDhedigDuurjoog
Aar / GucumaaleBaranbarqo / GoolLibaax
Arbe / ArayeGoso / QalanjoMaroodi
Wiyil-kaGosolWiyil (Wiyisha)
Qoriyaale/SanqatabAdeeryoGoodirweyne
Darcad/CaarreCaarreyGoodiryare
LiigLiigGaranuug
Saryan/GaashaanleDuqBiciid
Haldhaa/GorayHaldhurre/Booso/GorayocawlGorayo/Goranyo
DeerDeeroEelo
AtoorYacSagaaro
DaaxuurSaayoDaanyeer
GereyGuraantiGeri
JaxeerMasaalCawl

Erayada ka bilowda xarafka A-

A- Noolekasmo/Caafimaad

  • Abdomen = Ubuc
  • Abducens = Arag-duduwe
  • Absicission = Dhacsi
  • Absorption = Nuugid
  • Accessory = DHeeraad
  • Accessory Bud = Ruqur dheeraad ah
  • Accessory fruits = Midho dheeraad ah
  • Accessory nerve = Dareenwade dheeraad ah
  • Acetabulum = Indhal dalool misgeed
  • Achene=
  • Achlamydeous = Malaacayaal laawe
  • Acid = Dhaniin / Dhanaansho / Aashito
  • Acoelomate= Qaaxolaawe
  • Acqired charactar = Astaan degaaneed
  • Acropetal = Korriin quman
  • Acrosome = Dacaloogo
  • Actinomorphic = Ubax quman
  • Active transport = Gudbin firfircoon
  • Adaptation = Qabatin
  • Adaptive behavior = Asaw qabatin
  • Addiction = Walef (fukrenimo)
  • Adductor muscles= Muruqyo gadhabi /Muruqyo Durugsan
  • Adipose tissue = Nud xaydheed
  • Adrenal gland= Qanjidh kelyood
  • Adventitious root = Xidid faracbadane
  • Aerial roots =Xidido hawleed
  • Aeration = Hawosiin
  • Aerobic Respiration = Neefsasho hololle
  • Aestivation = Suuris jiilaal
  • Afferent = Fuliye
  • Affinity = Hilow
  • After ripening = Bisayl dabadi
  • Agar =
  • Agglutination = Guntane
  • Agglutinin = Gunte
  • Agglutinogen= Guntame
  • Aggregate = Rucubaysan
  • Aggregate fruits= Midho rucubaysan
  • Air bladder: Hawo hays
  • Air sac: kiish haweed
  • Albino: Maqaarshiiqo
  • Albumen : Xabcad
  • Alcohol: Holbiile
  • Algae: Alji
  • Alimentary canal: Dheefmareen
  • Allele: Kuuliddo
  • Allergy: Jirdiid(kahsi)
  • Allogamy: Tallow bacramineed
  • Allopolyploid: Sinji badane
  • Alternative arrangement: Ratibaad talantaali ah
  • Alternation of generation: Taran talantaali
  • Alveolus: Sanbaxumbo
  • Amine : Rablo
  • Amino acid: Rabaasho (dhaniin rabaasho)
  • Amitotis:
  • Ammocoetes larva: Caydiga ammoosiit
  • Ammonia: Rabxo
  • Ammonification: Rabxayn
  • Ammonifying Bacteria: Bakteeriya rabxayn
  • Amnion: Xabxuubo
  • Amniotic egg: Ugxan xabley
  • Amniotic fluid: Xab
  • Amoeba: amiibo
  • Amoebacyte: Unug amiiba
  • Amoeboid: Qaab amiibaale
  • Amphibia: Berribiyood
  • Amylase: Awdhiryiire
  • Anabolis: Dheefsamayn
  • Anaerobic Respiration: Neefsasho holollaawe
  • Analogous Organs : Xubno shaqowadaag
  • Anandrous: Ubax lablaawe
  • Anaphase: Kalaguur
  • Anatomy: Axadhayn / Hal-halayn
  • Ancestral Characteristics: Astaamo Abnaqa
  • Andraecium: Qayb lab-ubax
  • Androgenic-hormone: Geedshaha labsideedka …
  • Andro monoeclous: Lablabeeble
  • Anemia: Dhiigyarinuun
  • Anemophily: Faxlid dabayleed
  • Angiology: Dhiigxididaaro
  • Angiosperm: Ubaxley
  • Animal: Nafley
  • Ankle: Kuraan
  • Annelida:
  • Annual plant: Gu’jire
  • Annual ring: Maraar Gu’eed
  • Annular thickening: Maraareed qaraysan
  • Anoxia: Hololyari
  • Antenna: Geesdareen
  • Anterior : Hore
  • Anther: Faxal
  • Antheridium: xubin labeed
  • Anthesis: Manaysi
  • Antibiotic: Jeermisdile
  • Antibody: Lid-jidhgale
  • Anticoagulant: Lidxinjireeye
  • Antigen: Lid-jirdhaliye
  • Anthemorage: dhiigjoojiye
  • Antitoxin: Lidmariid
  • Antivenon: Lidwaabay
  • Ants: Quraanjo
  • Anuria: Kaadijoogsi
  • Anus: Futo
  • Aorta: Garwadne
  • Aortic arch: Qaanso Garwadne
  • Apetalous: Laacayaal laawe
  • Aphis: Dooryaan cagaarane
  • Aphyllous: Caleema laawe
  • Apical dominance: Shiiqis figeed
  • Apical meristem: Caydi figeed
  • Appendage: Raaracyo
  • Appendicular skeleton: Qalfoof raaraceed
  • Appendix: Qabsin
  • Appositional growth: korriin qaareed
  • Aquarium: Saxar sababiyood
  • Aquatic plant: Geed biyood
  • Aquatic habitat: saba biyood
  • Aqueous humor: Dheecaan biyood
  • Arachnoid matter: xuubcaaro
  • Arteriole: Halbowle yare
  • Artery: Halbowle
  • Artificial fertilizers: Bacramiye gacmeed
  • Ascaris:
  • Ascocarp: midheed
  • Asexual reproduction: Taran jinsilaawe
  • Assimilate:Dhisgelin
  • Association: Hormayn
  • Association fibers: miiqyo wadaajiye
  • Assortive mating: Qoodh xulasho
  • Asters: Xidigoole
  • Asthemia: Daal
  • Atlas: 1. Hayye / 2. Jaantus
  • Atom: Saxar
  • ATP: QaSIf(Qankaadniinle Sad Ifkeencusboniin ) qasifka
  • Atrioventricular node: Hibaaq
  • Atrium : Toobe/Dhegyaro
  • Atrophy: Laciif
  • Auditory capsule: Jaxaas dhegeed
  • Auditory nerve: Dareenside maqal
  • Auditory organ: Xubin maqal
  • Auditory ossicles: Lafo dhegeed
  • Autogamy: Isfaxlid
  • Autolysis: Nudoshiidis (dhimashada nudaha)
  • Autonomic nervous system: Habdhiska Dareenwadka iskufilan
  • Autosome: Isoogo
  • Autonomy: awoodda dib udhisida jirka
  • Audotrophic: Isquudiye
  • Auxin:
  • Aves: shimbiro
  • Avitominosis: Fiitamiin yaraan
  • Axial: Dhidibeed
  • Axil: Surdhub
  • Axilary bud: Ruqur Surdhubeed
  • Axon: Dhad-unug ( Dhambaaldire unug)
  • Axon terminal : Dhammaad Dhad-unug

Noole Iyo Manoole

Qeexida Noolekasmada
Erayga “biology” asal ahaan wuxu ka yimid afka Giriiga “bio” macnihiisu waa “nolol” “logy” na waa “barasho” Marka micnaha guud ee erayga waa barashada nolosha iyo maatarka nool. Si fudud waxa loogu qeexa bayoolajigu waa sayniska nolosha.

Qaybaha Noolekasmada
1. Dhirkasmo (Botany): waa barashada dhirta, waxa kamid ah cilmiga beeraha.
2. Nafleykasmo (Zoology): waa barashada xayawaanka, waxa kamid ah dabeecadaha xayawaanka.
3. Xubnoolkasmo (Physiology): waa barashada shaqooyinka maatarka nool iyo xubnaha.
4. Noolekasmo unugeed (Cellular biology): waa barashada aasaaska halbeegyo unugeedka maatarka nool.
5. Halhalynta (Anatomy): waa barashada qaab-dhismeedka maatarka nool.
6. Hiddokasmo(Genetics): waa barashada hido-sidaha, kala duwanaashaha hiddaha iyo hiddaha maatarka nool.
7.Abla-ablayn(Taxonomy): waa cilmiga magacaabida, qeexidda iyo kala soocida noolayaasha.
8. Deegaankasmo(Ecology): waa barashada xiriirka ka dhexeeya noolayaasha iyo deegaankooda.


ASTAAMAHA MAATARKA NOOL
●Unugyada:(cells) Noolayaasha dhami waxay ka kooban yihiin unugyo aad u yaryar. Unuggu waa halbeega shaqo iyo dhisme ee ugu yar ee uu leeyahay noole. waxa loo qaybin karaa hal-unugle iyo unugyo-badane iyadoo loo eegayo tirada unugyada ee uu leeyahay. Bakteeriyada,Amiibada iyo Borotosuwaha dhamaan waa noocyo kamid ah hal-unuglayaasha. Dadkuna waa qayb kamid ah unugyo-badanayaasha.

●Dhaqdhaqaaq (Movement): tani waa awoodda uu nooluhu ku tegi karo meesha uu ku sugan yahay meel aan ahayn iyada oo aysan awood dibadda ka timidi riixaynin.inkasto dhaqdhaqaaqa dhirtu si guud ahaaneed uu sababo caarin dibadda uga timid taas ayaana keentay in layiraahdo dhirtu ma dhaqdhaqaaqdo oo waxay ku dhagan tahay dhulka balse marmarka qaarkood ujeesashada iyo jalleecida dhanka iftiinka ayaa loo tixgeliyaa qayb kamid ah dhaqdhaqaaqa.

●Koris iyo Kabis (Growth and Repair): koristu waa miisaanka ama culayska iyo jimidhka jirka waxa nool oo intoodii hore ka bata. Nafaqaysiga intii tamar ahaan loo adeegsaday mooyaane intii kale waxa ay ka mid noqotaa jirka noolahaas taas ayaana layiraahdaa koris. Noole kastaa waxa uu leeyahay da’ uu ku dhammaysto korista. Sido kale noolaha waxaa astaan u ah in ay kabi karaan jirkooda, oo ay beddeli karaan ama kabi karaan wixii beddelaad ubaahan.Tusaale ahaan, 27dii maalmoodba mar ayaa uu maqaarkeennu iscusboonaysiiyaa, oo kii hore inta uu dhaco ayaa mid kale booskiisii galaa. Sidaas darteed korista iyo kabistu waa astaamo aad muhim ugu ah nolosha.

●Neefsasho(Respiration): Waxa nool oo dhami marka laga reebo in yar oo bakteeriya ah mooyaane waxay hawada ka qaatan ogsijiin waxayna hawada ku daraan kaarboon laba-ogsaydh (CO2) iyo uumi-biyood. Habkaasina waxa uu ku dhaca habka layiraahdo Neefsasho.

●Taran (Reproduction): taranku waa awoodda nooluhu ku dhalaan wax la mid ah oo u eg ayna isku sinji yihiin. Taranku waa waxa qura ee lagu ilaaliyo laguna dhawro mustaqbalka noolaha.

●Dareen (Sensitivity): nooluhu waa in ay qaabilaan oo qabatimaan wax allaale wixii ay kala kulmaan degaankooda, taas oo u baahan in ay ogaadaan waxa degaankooda ka dhacaya. Ogaanshahaas ay kula socdaan xaaladaha degaanka ku hareeraysan iyo fal-celinta (Response) ay ka bixiyaan carisyada (stimuli) kaga imanaya degaankooda, ayaa la yiraahdaa dareen.

●Dheefsasho ama Nafaqayn (Metabolism or Nutrition): nafaqayntu, sida cuniddu, waa astaan ay wadaagaan dhammaan nooluhu. Waxaana ay cuntadooda ka helaan degaanka ay ku nool yihiin ee ku hareeraysan. Waxa nooli waxa ay cuntada ka helaan tamar ay ku qabsadaan hawlahooda kala geddisan ee ka dhacaya habdhisyada jirkooda. Dheefsashada waxaa loo qaybiyaa labo kala ah:
1.Dheef samayn (anabolism): waa habka loo dhiso iskudhafka molikiyuullada(molecules).
2.Dheef burburin (catabolism): Waa habka loo burbiriyo iskudhaf molikuullo (molecules) dhisnaa.

●Qashinsaar (Excretion): hawlaha jirka nooli qabanayo waxaa ka dhasha waxyaallo qashin ah oo loo baahan yahay in jirka dibadda looga saaro si jirku caafimaad u helo had iyo gooraale. Ogowna noolaha oo idil waa ay ka siman yihiin tilmaantan qashinsaarka waana astaan lagu garto in ay nololi jirto.

●Uurdegenaanta (Homeostasis): wuxuu tilmaamayaa awoodda gudaha jirku ama unuggu uu joogteeyo si uu uhelo xaalad isku miisaaman ama dheelitiran. tusaale ahaan marku qofku caafimaad qabo heerkulka jirkiisu wuxuu ku ekaanayaa 98.6 D.F .

Kala duwanaashaha Maatarka nool iyo midka aan nooleyn
Qaar kamid ah tusaalaha maatarka nool ee an marwalba aragno waxa kamid ah; dhamaan xayawaanka uu dadku kamid yahay,dhirta iyo noolayaasha ili-maqabatayda ah. Balse maatarka aan noolayni ma laha dhamaan astaamaha aan kor ku xusnay. Kuwaasi ma koraan, ma neefsadaan,ma socdaan,ma hormaraan,ma qashin saaraan, sido kale uma ubaahna tamar mana ilaaliyaan homo-istaasiska sidaas darteed ma aha maatar nool.

Maatarka nooli wuxuu sameeyaa dhaqdhaqaaq iyo xarakaad, waxuuna u baahan yahay hawo, biyo iyo cunto si uu u koro isla markaana u sii noolaado. Noolaha qaar, sida geedaha waxay u baahan yihiin awooda ileyska qoraxda si uu u sameeysto cunto isla markaana u sii noolaado.